War-murtiyeed: Dawladda Somaliland waxay Jawaab cad ka bixinaysaa Faragelinta Qaawan ee ay Xukuumadda Xamar ku hayso Qarannimada JSL

0
329

WAR-SAXAAFADEED
Taariikh: – 30/01/2016

Dawladda Somaliland waxay Jawaab cad ka bixinaysaa Faragelinta Qaawan ee ay Xukuumadda Xamar ku hayso Qarannimada JSL.

Qarannimada iyo Dawladnimada Jamhuuriyadda Somaliland waxay ka dhalatay iraadada iyo rabitaanka shacbigeeda, jiritaankeeduna waa muqadas aanay ciddina waxba ka bedali karin. Jamhuuriyadda Somaliland waa qaran madax banaan waxana ka jira Nabadgelyo, Xasilooni, Dawladnimo iyo Dimuqraadiyad xidido adag leh oo shaqeynaysay muddo rubuc Qarni ah.

Waxaanu jecel nahay in dalka Soomaaliya ee aanu dariska nahay ee dagaaladda wejiyada badan lihi ay ragaadiyeen inuu xal iyo maare u helo dagaallada ahliga ah iyo colaadaha siyaasadeed ee ka jira wadankooda, kana baaqsado liiska qarrammada guul-daraystay (Failed states) oo ay muddo dheer calanka u sideen isla markaana u ahaayeen tusaale xun.

Go’aamadii ka soo baxay wixii loogu yeedhay Madasha Wada Tashiga Qaran ee Soomaaliya, waxay ahaayeen qaar ku salaysan hawaawi iyo male-awaal been ah oo indhaha ka qarsaday waaqiciga horyaalla dalkooda, waxaanay si laab la-kac ah iyo riyo maalmeed ah ugu hadaaqeen inay Somaliland u samayn doonaan qorshe gaar ah oo ay kaga qeyb qaadanayso doorashooyinka Soomaaliya, taasi oo ah ma dhacdo iyo dhalanteed ay bulshada Caalamka iyo shacbigoodaba ku marin habaabinayaan.

Hadaaqa dawladda Itaalka daran ee Muqdisho ka talisa ee ku wajahan Jam. Somaliland, waxay tusaale cad u tahay xad-gudubyadda joogtada ah ee ay Soomaaliya ku hayso Qarranimadda Jamhuuriyadda Somaliland. Waxay arrintani horseedi doontaa inay burburaan wada hadalladii beesha caalamku gole jooga ka ahayd oo labada dhinac u socday.

Jamhuuriyadda Somaliland waxay leedahay xukuumad ku timid codka dadweynaha oo ku soo baxday doorashooyin xor iyo xalaal ah oo gaadhay mustawe goob joogeyaashii caalamiga ahaa ay ka markhaati kaceen hufnaanteeda. Sidoo kale waxa jira Golaha wakiiladda Somaliland (aqalka hoose ee Baarlamaanka) oo ku yimid doorasho hal qof iyo hal cod ku salaysan. Sidaa darteed, Jamhuuriyadda Somaliland ma meteli karaan shaqsiyaad danaystayaal ah oo hudheellada Muqdisho laga soo toosiyey. Waa maag iyo meel ka dhac qaawan in magaca Qaranka JSL la huwiyo cid aan u qalmin oo aan shacbi weynaha Somaliland dooran ama aanay xil u diran.

Sidoo kale, JSL waxay leedahay Aqalka Sare ee Baarlamaanka oo ah (Golaha Guurtidda) oo ah Golaha Jamhuuriyadda Somaliland dheer tahay Soomaaliya, oo kaalin shariif ah ka soo qaatay Nabadeyntii beelaha, Dhismaha laamaha Dawladda iyo kobcinta hannaanka Dimuqraadiyadda dalkani ku naaloonayo muddo ka badan afar iyo toban sannadood.

Waxa kale oo Jamhuuriyadda Somaliland ay leedahay nidaamka axsaabta badan, waxaana jira axsaab qaran oo ka kooban saddexda xisbi ee kala ah KULMIYE, WADDANI Iyo UCID. Mana joogto Soomaaliya marxalad ay ku dherersato Jamhuuriyadda Somaliland. Dhismaha dawladnimadayada iyo qaranimadayadu wax tabarucaad ah kuma laha beesha caalamku, halka Soomaaliya beesha caalamku ay quus ka joogto iyadoo haddana gelisay balaayiin doolar oo isu bedalay hal bacaad lagu lisay. Jamhuuriyadda Somaliland waxay kal-dambe dabaqayaaqada bisha March 2017 (markii lixaad) gelaysaa doorashooyin xor ah oo noqonaya markii u horeysay ee si wada jir ah loo qabto doorashooyinka Golaha Wakiilladda iyo Madaxtooyadda.

Dawladda Jam. Somaliland waxay mar labaad iyo mar saddexaadba ugu baaqaysaa Dalalka Midowga Afrika, Midowga Yurub, Maraykanka, Jaamacada Carabta, Urrurka Dalalka Islaamka iyo dhamaanba Dalalka ku Midoobay Jamciyada Quruumaha ka dhaxaysa inay si cad wax uga qabtaan fara gelinta qaawan ee ay Dawladda Soomaaliya ku hayso arrimaha Jam. Somaliland. Bulshada Caalamka waxaanu u sheegaynaa in Xukuumadda Muqdisho ay ku hawlan tahay qorshe dhagaraysan iyo abaabulka kooxo ay ugu talo gashay in lagu khal-khal geliyo Qarannimada, nabadda iyo deganaanshaha Jam. Somaliland. Bulshada Caalamka waxaanu uga digaynaa hurinta colaado hor leh oo uu dhiig badani ku daato iyo dadka oo dhibaato la dhex-dhigo taasoo ay wado Xukuumadda aan xil-kaska-ahayn ee Muqdisho ka dhisani.

Xil-kasnimo darro iyo caqli-gurracan waa arrimo dhamaantoodba ka soo unkuma kuna aroora Xukuumadihii talada Xamar u kala dambeeyey. Caddaalad darro iyo gardiidnimo waa xudunta wixii Soomaali kala irdheeyey ee aramida iyo utunta dhex dhigay colaadaha sokeeyena u horseeday. Dawladda Jam. Somaliland waxay u aragtaa in maslaxadda iyo danta ummadda isirka Somaaliga ah ee ku dhaqan geeska Africa, ay ku jirto inay ku wada noolaadaan nabad, is-tixgelin iyo deris wanaag.

Haddaba, waxa is weydiin leh ilaa intee leeg ayay Xukuumadda Xamar ku sii jiraysaa hawaawi iyo male-awaal been ah oo ay indhaha kaga qarsanayso waaqiciga horyaalla iyo arrimaha murugada leh ee ka jira dalkooda. Soomaaliya waxay xaaladdan murrugada leh ku sii jiraysaa ilaa iyo:

1. Inta dawladnimadeedu ay tahay mid lagu soo dhisayo dalka dibadiisa.
2. Inta ay Xukuumadda Soomaaliya shacbigeeda ka qarinayso runta iyo xaqiiqada jirta.
3. Inta ay Xukuumadda Soomaaliya isu maawelinayso mala-awaal iyo sheegasho been ah oo ay ku sheeganayaan Jam. Somaliland oo ah dad iyo dal xor iyo Qaran guulaystay oo iyagu isu tashaday.

Guntii iyo gaba-gabadii, Jiritaanka Qarannimada iyo Madax-bannaanida Jam. Somaliland maaha mid ku dhisan Dhalanteed iyo Laxow Been ah, balse waa dareen dhab ah iyo rabitaan qoto dheer oo ku abuuran qof kasta oo muwaadin reer Somaliland ah. Xuquuqda aasaasiga ah iyo Xuduudaha Jamhuuriyada Somaliland waa lama taabtaan. Sidoo kale, cidina kuma xad gudbi karto xaqa aayo-ka tashiga dadkayga iyo xurmada madax bannaanida dalkayga.

Dawladda iyo shacbiga JSL u dulqaadan maayaan farogelinta ay Xukuumadda Muqdisho ku hayso ciiddayada, calankayaga iyo qarannimadayada. Waxanu diyaar u nahay in aanu naf iyo maalba u hurno difaaca dhulkayaga hooyo iyo jiritaanka qarannimadayada.

ALLAA MAHAD LEh

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.