WAR-MURTIYEED ka soo baxay Guddida la dagaallanka Sicir-bararka iyo Qiima-dhaca Shilinka Somaliland

0
626

WAR-MURTIYEED:Guddida la dagaallanka Sicir-bararka iyo Qiima-dhaca Shilinka Somaliland.

WAR-MURTIYEED

Maanta oo ay taariikhdu tahay 29-01-2017, Guddida heer Qaran ee la Dagaallanka Qiima-dhaca Shilinka Somaliland iyo Sicir-bararka waxay kulan muhiim ah la yeesheen Shirkadaha ka Ganacsada Jaadka (Qaadka). Kulankaasi oo ka dhacay Xarunta Baanka Dhexe ee JSL waxa lagaga wada hadlay sidii ay Ganacsatada Jaadku si dhab ah ugu hoggaasami lahaayeen isla markaana ugu hirgelin lahaayeen Digreetadii uu Madaxweynaha JSL 24.01.2017-kii ka soo saaray la dagaallanka Qiima-dhaca Shilinka Somaliland iyo Sicir-bararka dalka ka jira.
Dood iyo falanqayn dheer oo ay labada dhinac ka yeesheen heerka iyo qiimaha rasmiga ah ee lagu sarrifayo Shilinka Somaliland marka loo eego US Dollarka ka dib, Guddida iyo Shirkadaha Jaadku waxay kala sexeexdeen heshiis-is-fahan ah oo ka kooban saddex qodob:
1. In Ganacsatada Jaadku ay gacanta hore ku sarrifaan SLSH 6,800/=
2. In Ganacsatada Jaadku ay gacanta dambe ku sarrifaan SLSH 7,000/=
3. In la xoojiyo wada shaqaynta Dawladda iyo Ganacstada Jaadka.
Ganacsatada Jaadka ee sexeexay heshiiskan is-fahanka-ah waxaa ka mid ahaa Shirkadaha 571, Faraska, Gaafane iyo Boondaro.
Sidoo kale, Guddida la Dagaallanka Qiima-dhaca Shilinka Somaliland iyo Sicir-bararka -(oo iyagu u xil saaran hirgelinta, daba-galka iyo kor-joogidda qorshaha lagu xakamaynayo Qiima-dhaca Shilinka Somaliland iyo Sicir-bararka)- waxay kulan kaa la mid ah la yeesheen Guddida Sarriflayaasha. Kulankaasi waxa lagu gorfeeyey heerka iyo qiimaha rasmiga ah ee lagu sarrifayo Shilinka Somaliland. Guddida Sarriflayaashu waxay ballan qaadeen inay si rasmi ah ugu hoggaansami doonaan Digreetadii uu Madaxweynaha JSL 24.01.2017-kii soo saaray, isla markaana ay lacagta ku sarrifi doonaan gacanta hore SLSH 6,800/=; gacanta dambena SLSH 7,000/=

Isla kulankaa ka dhacay Xarunta Baanka Dhexe ee JSL, Guddidu waxay magacowday Saddex Khabiir (farsamo-yaqaan) oo ka soo talo bixin doona xilliga ama waqtiga ugu dhaw ee wixii ka yar $100 lagaga saari doono systemka Adeegyada Zaad-ka iyo E-Dahabka. Qodobka 6-aad ee Digreetadii uu Madaxweynuhu soo saaray waxa si cad ugu qeexan: “In Shirkadaha Telesom iyo Dahabshiil ee leh adeegga Zaad iyo E-Dahab, ay joojiyaan lacagta Dollar-ka ee lagu shubayo telefoonnada gacanta wixii ka yar $100 (Two Digits), kana saaran nidaamkooda Dollar-ka.”

Dhinaca kale, Shirkadaha Telesom Group iyo Dahabshiil Group ee leh adeegyada Zaad-ka iyo E-Dahab-ka waxay caddeeyeen in ay fulinayaan Digreetadii uu Madaxweynuhu soo saaray, balse waqtiga la siiyey uu aad ugu yaryahay farsamo ahaan, sidaa darteedna ay u baahan yihiin in waqtiga loo kordhiyo. Haddaba, si arrintaa loo xalliyo waxaa la isla qaatay in ay Dawladdu soo magacowdo guddi farsamo-yaqaano ah oo ka soo talo bixiya xilliga ugu haboon ee hawshaa lagu hirgelin karo.

ALLAA MAHAD LEH,

Guddida la dagaallanka Sicir-bararka iyo Qiima-dhaca Shilinka Somaliland.

1. Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha,
2. Wasiirka Wasaaradda Maaliyada,
3. Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada,
4. Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga,
5. Guddoomiyaha Baanka Dhexe JSL,
6. Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Faafinta: Xafiiska Afhayeenka iyo Warbaahinta Madaxtooyada.