War-saxaafadeed ka soo baxya Wasaaradda Arrimaha Dibeda Somaliland oo lagu beeniyey in Imaaraadku aanu aqoonsan Passaport ka Somaliland

0
688

MINISRTY OF FOREIGN AFFAIRS & INTERNATIONAL COOPERATION, REPUBLIC OF SOMALILAND

ID – 003 Warsaxaafaded 04-09-2015

Assalaamu caleykum

Hargeysa(warsugannews)Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland waxay halkan ku beeninaysaa war lagu faafiyey qaar ka mid ah wargeysyada ka soo baxa dalka oo sheegaya in Dawladda Isu-tagga Imaaraadka Carabtu (UAE) ay aqbashay in dalkeeda lagu galo Passport-ka Somaliland.

Arrinta aqbalaadda Passport-ku waa mid aannu ku gudo jirro hawshiisa balse weli ma jirto aqbalaad laga helay xagga dawladda Imaaraat-ka; warka arrintaa laga qorayna waa mid aanay waxba ka jirin Waxa xusid mudan in dhawaan Madaxweynaha JSL Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu dhawaan u magacaabay Mudane Baashe Cawil Cumar Wakiilka Somaliland ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE) oo isaguna haatan ku guda jira dardargelinta hawlaha xafiiska iyo arrimaha khuseeya xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed iyo iskaashiga ka dhexeeya Somaliland iyo Imaraat-ka.

Waxay labada wadan ee Somaliland iyo Imaaraatku wadaagaan xidhiidh soo jireen ah iyo iskaashi dhinaca taageerada, ganacsiga iyo dhinacyo kaleba leh.

Wa Billaahi Tawfiiq

Saleebaan Daahir
Director of Communications
Ministry of Foreign Affairs & International Cooperation, Republic of Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here