War-saxafadeed Boobe Yuusuf Ducaale oo ka hadlay xaflad lagu qabtay Hudheelka Green Plaza laguna so bandhigay waxqabadkii Mweynaha Qaranka

0
384

War-saxafadeed Boobe Yuusuf Ducaale oo ka hadlay xaflad lagu qabtay Hudheelka Green Plaza laguna so bandhigay waxqabadkii Mweynaha Qaranka

War-saxaafadeed-12/12/2015

Weli waa ay hadlayaan. 9kii bishan Diisambar, 2015ka, ayaa xaflad lagu qabtay Hudheelka Green Plaza. Xafladdaas waxa lagu soo ban-dhigay Buug baadi-sooc looga dhigay Rejadii Rumowday oo lagaga hadlayay guulihii nololeed ee Mudane Siilaanyo. Waxba ku tiigaali maayo oo dhallinyarada qoraalka u ambo-baxday niyad-jebin maayo, saaxiibkay Mujaahid Axmedna wax togan iyo wax taban wixii uu ka tegay taariikhda ayaa qori doonta. Annaguna waxaanu ka mid nahay kuwa wax ka qori doona ee weliba xogogaalka ah. Habeenkaas, qaar aan halgankii hubeysnaa dab u hurin, mucaaradnimadii Kulmiyena aan meeris u tolin oo ah intii timid saacadihii reebbanaa iyo xilliyadii wax-saareenka ayaa laga fadhiyi la’aa. Talo-xumadooda iyo tamar-darraantooda, Madaarka Berbera oo shaqaynaya oo dal iyo dadba la mahadiyay ayay Xukuumaddu tidhi shan milyan oo doollar ayaanu gelinnay. Sidii ayuu ku xidmay seyladdana ku jooga sida halbowlayaal dhaqaale oo kale. La-ye madaarka Hargeysana toban milyan oo doollar ayaa galay. Hadda madaarka Jigjiga ee Wiil-waal oo lacag ka yari gashay ayaa si walba uga dheg iyo dhaqaaleba roon. Haddii aanay taasi jirin, ciddii dhaqaalahaas maamulaysay ummadda ha qaan-baxdo.

Daartii ku soo noqo Wasaaradda Duulista Xarunta u ahaan jirtay ee kibirka iyo is-yeelyeelka loo iibiyay. Ninkii iibsaday wuxu ka macaashay magaalo dhan oo ganacsi oo intaas oo albaab ka furan tahay. Sidaas ayay weliba ugu hadhay in uu intaas oo fooq sii saaraa. Xukuumaddu waxay ka macaashtay daar quraarad ah oo aan weliba muraayad ahayn oo madaarka ku taal. Muraayadda iyo quraaradduna waa ay kala qiimo badan yihiin. Saddexankaasiba waa taallooyin u taagan hal-abuur-la’aanta iyo dhugmo-la’aanta xukuumadda tookha iyo faanka meel walba la taagan.

Wax la yidhi beryihii nidaamkii millateriga ahaa dalka ka talinayay, ayaa nin la yidhaahdo Dhegoolka loo soo beddelay Kastamka Lowyacaddo. Kii oo aad yaabto diifta iyo daranyada korkiisa ka muuqata ayuu yimid Lowyacaddo. Dhowr bilood markii uu joogay ayuu dhogor-gooyay. Boorame ayuu dalxiis ku yimid. Waxa lagu murmay in uu Dhegoolkii yahay iyo in kale. Waa ninkii oo caddaaday oo caloolaystay oo quraarad cadar ah ku faro-xasha oo biyo iyo sabuun ay beri hore kala dhaqaaqeen. Waxa lagu murmay waa Dhegoolkii iyo ma aha. Mufakarkeennii Cawaale Caynaan Diiddan ayaa soo dhex joogsaday dadkii oo yidhi: “….Waa isagii oo Qarjam-qarjamta ayuu ku badhaadhay.”

Kaadirkii SNM ee soo halgamay iyo kaadirkii Kulmiye ee mucaaradka ahaa intuba waa ku teel-teel xukuumaddan aan la mahadin. Daliilkeedu wuxu yahay: Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee UDUB rasaysan tahay.

Dacar miyaanu odhan: “Hadday Ri’i dub leedahay, Dabaday ku qarin layd, Dadna barasho uma hadhin,”

final