Warar kii u danbeeyey Khasaaraha Nafeed Ee Ka Dhacday Masjid Xaramka

0
562

Warar kii u danbeeyey Khasaaraha Nafeed Ee Ka Dhacday Masjid Xaramka

Makka(Warsugannews) Khasaaraha nafeed ee ka dhashay Shilkii ka dhacay Masjidka Xaramka ayaa kor u kacay. Ugu yaraan 107 ruux ayaa ku dhintay masaajidka xaramka ee magaalada Makka ee dalka Sacuudi Carabiya kadib markii uu soo dumay wiish ka mid ah kuwa lagu dhisayay halkaasi. Waxaa sidoo kale ku dhaawacmay ugu yaraan 238 qof. Ilaa hadda lama kala xaqiijin dhalashada dadka halkaasi ku dhintay.

Axmed Aadan Dagaal (axmed Safiina) oo ah wakiilka arrimaha Xajka ee Somaliland, ayaa BBC-da u sheegay in sababta keentay in wiishka dhismuhu soo dumo lala xidhiidhinayo roobab waaweyn oo dabaylo wata. Waxa uu sheegay in Wiishka danab ku dhacay kadibna uu dadka ku soo dumay.

Xasan Patel, oo telefishanka Al-jazeera uga soo warama Makka ayaa sheegay in halkaasi ay ka jirto xaalad murugo leh. Waxa uu sheegay in xukumadda Sucuudigu gurmad degdeg ah ka gashay masiibada dhacday islamarkaana aaggaasi xidhay, balse haatan xaaladdu caadi ku soo noqotay oo dib loo furay Masjidka.

Wiishka oo abbaaro 05:30 Galabnimo soo dumay ayaa ka soo dhacay dabaqa saddexaad, halkaasi oo la sheegay in dib u dhis balaadhani ka socday.

warsugannews

Hargeysa/office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here