Wararka Wargeyska Warsugan Media Group

0
760

Shirkadda DP World Oo Carqalad Ku Noqday Muranka Dekedda Jabuuti Ee Daaroole

 

Kigali, Rwanda 22 Oktoober, 2019 (Warsugan/Reuters) – Gudoomiyaha Shirkadda Dp World, ayaa sheegay in khilaafka Jabuuti uu carqaladeeyey xidhiidhkii Bangiyadda adduunka la lahayeen shirkadda oo maal-gelin dhaqaale ka heli-jireen islamarkana dhaqaalahaas mashaariic cusub lagu fuliyo, waxaanna uu Gudoomiyuhu shirkaddaasi uu sheegay in carqaladaasi ay haysatay shirkadda sannadkii 2018-kii oo dhan.

 

Gudoomiyaha shirkadda Dp World, Sultan Ahmed Bin Sulayem oo maalinti shalay ka qayb galay xafladda furitaanka goobta saanadaha oo laga furay magaalada Kigaali ee dalka Rwanda, waxaanna goobta maalgelin dhaqaale ku baxday shan iyo soddon milyaan oo dollar ($35-M).

 

“Mashaariicda horumaarineed wannu wadnna balse dhaqaale badan baa inagaga baxa, taas oo macnaheedu tahay dhawaac,” sidaa waxa yidhi gudoomiyaha shirkadda DP Suldaan Axmed bin Saleebaan oo waraysi kooban siiyay wakaladda wararka Reuters.

 

“Tiradda bangiyadda amaahda na siin jiray oo aad u yaraaday, mamulka bangigu marka lacag amaah ah ka codsatiid way ku siinayaan, laakiinse waxa ay ku su’aalayan ma laga yaaba dalka dhaqaalaha maalgelinaysaa inuu siddii Jabuuti kugu noqdo?’ marka Jabuuti meel xun bay na dhigeen oo hor leh.” Gudoomiyaha shirkadda DP World.

Shirkadda Dp World ayaa mamulka dekedda daaroole gacanta ku haysay ilaa sannadkii 2006-kii, hase-yeeshe bishi February sannadkii 2018 ayaa xukuumadda Jabuuti oo adeegsanaysa awood ku muuqunisay mamulka dekedda Doraleh Container Terminal, khilaf soo jiitamay ilaa iyo sannadkii 2012-kii.

 

Mamulka shirkadda Dp World ayaa ku tilmamay tallaabadda ay jabuuti qaaday mid sharci-darro ah, waxaanna dacwad maxkamadeed ka furteen maxkamad ku taal magalada London ee dalka Ingiriiska bishi August ee sannadkii 2018-kii. Maxkamadaas oo inta badan dacwadaha ay ka garnaqdo ku saabsan yihiin khilaafyadda ku salaysan ganacsiga iyo heshiisyada, waxaanna shirkadda Dp World doodoodu ahayd in heshiiska Jabuuti uu yahay mid sharci ah islamarkanna ay xukuumadda Jabuuti jebisay heshiiska dhexmaray.

 

Gudoomiye Saleebaan ayaa sheegay in shirkaddu sii sharci ah hawlaheedda iyo shaqadeedii sii waddan doonan, inkastoo xukuumadda Jabuuti ay sheegeen in shaqaddii iyo hawlihi shirkadda Dp World ka wadeen dalka ay joojiyeen.

 

Gudomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in shirkaddu ka shaqayso dalalka Somalia, Mozambique, Senegal iyo Mali iyo heshiis dhowaan ay la saxexeen dalka Jamhuriyadda Dimoqradiga ah ee Kongo (DRC).

 

“Haddii Madaxweynuhu Ku Adkaysto Ina-Riyo-Raac, Doorasho Dhici Mayso Oo Shir-beeleed Baannu Qabanaynaa.”Faysal Cali Waraabe

  

Hargeysa, 22 October 2019 (Warsugan)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa ka biyo-diiday xubin Madaxweynaha Somaliland u soo xushay ka mid noqoshadda Komishanka cusub Doorashooyinka Somaliland. Islamarkaanna wuxuu dhalliilay Gudoomiyaha Guurtidda Saleebaan Maxamuud Aadan oo uu sheegay inuu Madaxweynaha gacanta ka soo geliyey Cabdirashiid Riyo-raac.

Guddoomiyuhu wuxuu sidda ku sheegay kulan uu kaga qayb-gelay dalka Sweden oo uu kula hadlay qaar ka mid ah shacabka ku nool halka.

 

Gudoomiyaha oo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi “Guddoomiyaha Guurtidu laba xubnood ayuu keenay Komishanka oo mid bay soo baxday isaga oo calanka Waddani xidhan, Madaxweynuhu soo bedel ayuu yidhi waanu soo bedelay, Madaxweynuhuna saddex buu lahaa waad aragteen ninka uu keenay. Waa nin wasiir ahaa oo xisbiga ahaa Kulmiye ahaa (Cabdirashiid Riyo-raac) laakiin, waxa ka daran yaa u keenay? oo gacanta soo qabtay? Saleebaan-kii Guurtida u keenay, marka odaygeenii Guurtidu Riyo-raac gacanta soo qabtay madaxweynaheeniina ka oggolaaday sidee baynnu u soconayna?.”Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

 

Sidoo kale, Faysal Cali Waraabe ayaa nasiib-darro ku tilmaamay xubinta Xisbiga Waddani hakiyey“Nasiib-darro xisbiga waddani isaganna wax badan baa dusha ka saarnaa, isagaa Madaxweynaha seetadda siiyay in ay dib u dhacdo doorashaddu. Doorashaddu annaga ayay dan noo tahay, dalkay dan u tahay. Maantanna haddii uu gacantiisii ka baxay oo uu gudbiyay oo uu u gudbiyay Madaxweynaha, Madaxweynuhunna wuxuu u gudbiyay Baarlamaankii awood uu ku leeyahay ma jirto imika.Haddii uu soo shaqo taggi waayay wuxuu noqonayaa xubin soo shaqo tagi wayday ayuun buu noqonayaa, laakiin waan hakiyey meesha ku may jirin.”Sidaa ayuu yidhi Faysal , waxaannu hadalkiisii sii raaciyay “Xubintii uu soo magacaabay Guurtidu ee ka socday Barriga Sannaag shuruudihii Madaxweynuhu ku Yidhi waa Waddani, dee kanna waa Kulmiye oo waliba ka cad-cad..Haddii Madaxweynuhu ku adkaysto Ina-riyo-raac doorasho dhici mayso oo shirbeeleed baannu qabanaynaa. Ballan waxaan ku qaadayaa in kursigiisa la isugu yimaado”Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe

 

Wasiir Ka Tirsan Xukuumadda Madaxweyne

Biixi Oo Sheegay In Cadaaladda Dalku Liidato

 

Hargeysa, 22 October 2019 (Warsugan)-Wasiirka Waxbarashadda iyo Sayniska Somaliland Cismaan Jaamac Aadan, ayaa sheegay in caddaalada dalku liito, islamarkaanna dhallinyaradda sharciga bartay ay wax ka bedelaan caddaaladda liita ee dalka ka jirta.

 

Wasiirku wuxuu hadalkan ka sheegay mar uu ka qayb-galay qalinjbinta Jaamacadda Sannaag ee Magaaladda Ceeri-gaabo, waxaannu dhallinyaradda kula taliyay inay ka baxaan qabiilka ka hadalkiisa iyo u kala eexashadda dadka.

Wasiir Cismaan Jaamac Aadan oo arrimahan ka hadlay wuxuu yidhi “Ummadda inaad wax-tarto, oo Aqoonta aad heshay aad dadka wax ku-tarto  oo aqoonta ku bedesho ayaa loo baahanyey. Haddii aad siddii uun ahaato oo aad qabiil uun ka sheekayso oo aad dadka u kala eexato waxba maad barrannee oggow. Gaar ahaan waddankeenna waxa aad iyo aad u liita Cadaaladda, qolooyinkiinan sharciga bartay, waxaan idinkula dar-daarmi lahaa cadaaladda wax ka bedela. Haddii dadku cadaalad waayaan ummad ma noqdaan.”Sidaa ayuu yidhi Wasiir Cismaan Jaamac Aadan

 

Maayarka Caasimadda Oo Go’aan Ka Soo Saaray Shaqaalaha Ajaanibka Ah Ee ka Shaqaysta Hargeysa

 

Hargeysa, 22 October 2019 (Warsugan)-Maayarka Magaalada Hargeysa Md Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa sheegay in tallaabo laga qaadi doono Dadka Ajaajibka ah ee Sharci la’aanta kaga shaqeeya Meheradaha ku yaalla Magaalada Hargeysa.

 

 

Maayarka Magaalada Hargeysa, ahna Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Hargeysa  oo maanta Saxaafadda kula hadlay Xafiiskiisa Hargeysa, ayaa sheegay in iyagoo fulinaya Amarka Wasaaradda Shaqo-gelinta ee Arrimaha Bulshada ay tallaabo ka qaadi doonaan Shaqaalaha ajaanibka ah ee Sharci-darrada kaga shaqaysta Hargeysa.

 

 

Maayarku wuxuu sheegay in tallaabo laga qaadi doonno ciddii aan qaadanin warqadda sharciga ah, isagoo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi“Annaga oo fulinayna amarka Wasaaradda Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshada, Meherad kasta oo ay ka shaqaynayaan Shaqaale ajaanib ah waa in Maamulada degmooyinka Caasimaddu hubiyaan in Shaqaalaha Ajaanibka ahi haystaan Waraaqihii Sharciga ahaa ee Wasaaradda Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshada, taasi oo noqonaysa qof kasta oo muwaadin ah oo Meherad furtay oo Shaqaale Ajaanib ahi u shaqeeyaan la ganaaxi doono, haddii Qofka ajaanibka ah ee u shaqaynayaa aanu soo qaadanin Warqadda sharciga ah, la aqbali maayo meherad shaqaale ajaanib ahi ka shaqeeyaan oo aan haysan arrimihii sharciga looga baahnaa sidda Fisihii dalku galka iy degannaanshihii ”ayuu yidhi Maayar Soltelco.

 

 

Taliyayaal Ka Hadlay

Isku-shaandhayntii Madaxweynuhu Ku Sameeyey

 

 

Hargeysa, 22 October 2019 (Warsugan)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo doraad isu-shaandhay ku sameeyey Taliyayaal ku-xigeenadda Booliska iyo Asluubta. Taliyayaal ku-xigeenaddii Booliska iyo Asluubta ay isu-shaandhayntoodda uga mahadceliyay Madaxweynaha Somalilad, Islamarkaanna ballan-qaaday in hawshooddii halkii ka sii waddi-doonnaan, siddoo kale isu-bedelku uu ka mid yahay sunnaha dawladnimadda.

 

 

Taliyihii horre Booliska ahna taliye ku-xigeenka Asluubta Sareeyo guuto Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle oo isugu dareenkiisa cabbiray ayaa yidhi“Isu-bedelka iyo shaandhaynta Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi aad iyo aad baan ugu faraxsannahay waliba raali baan ka ahay 100%, waan sunnaha dawladnimadda. Runtii sagaal sannadood baanan kabaha bixinin, toddobadii sanno ee horre iyo labadda sannadood ee u dambeeyey.”Ayuu yidhi Fooxle

Sidoo kale, Taliye ku-xigeenkii horre ee Asluubta ahna taliye ku-xigeenka Badda Xasan Cali Dheere ayaa madaxweynaha uga mahadceliyay hawsha uu markale u igmadday.

 

“Isku shaandhayntaasi waa sunnaha dawladnimmo, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, anniga waxa uu ii bedelay taliye ku-xigeenka Badda, waanna sunnaha dawladnimo in meeshii la doonno lagu bedello, lagunna nasin-karro oo xilka laga fadhiisin karro oo aad baan ugu mahadnaqa Madaxweynaha aadna waan ugu kalsoonnahay meesha lay-geeyey.”Sidaa ayuu yidhi Xasan Cali Dheere

 

Shirkadda Som-Cable Oo Sheegtay Inay

Dhaqan-gelinayso Amarkii Wasaarada Maaliyadda

 

 

 

Hargeysa, 22 October 2019 (Warsugan)-Madaxda Shirkadda Som-cable, ayaa macaamishoodda ku wargeliyay in shirkaddu dhaqan-gelisay lacagta cashuurta ee iibka adeegyadda ee Wasaaradda Maaliyaddu ku soo rogtay dhammaan shiradaha waddanka ee dhinaca Is-gaadhsiinta.

 

 

Madaxda shirkaddu waxay sheegtay in bishan shirkaddu ka bixinayso macaamisheedda, balse loo baahanyey in wixii ka dambeeya macaamishu ay bixiyaan.

 

 

Mukhtaar Nuur Muxumed, Madaxa Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha ee shirkadda Som Cable Iyo Cabdiraxiin Maxamed Cumar oo ah Madaxa hawl-gelinta ee shirkadda Som Cable

 

 

Mukhtaar Nuur Muxumed, Madaxa waaxda xidhiidhka dadweynaha ee shirkadda Som Cable, ayaa faah-faahiyay farriintan bulshadda la waddaageen “Waxaan doonaya inaan farriin halkan u marayo macaamisha oo wargelin ah. Ugu horren aad bay u mahadsanyihiin macaamishadayaddu sidda ay marwalba noo garab-taagan yihiin iyo sidda hagar la’aanta ah ee ay u isticmaalan adeeg-yadayda, waxaan kale oo aan doonayaa inaan halkan ku wargeliyo cashuur dawladda Somaliland soo rogtay oo waajibaad qarran ah oo aannu doonayno in aannu halkan ka wacy-gelinno macaamishayadda, cashuurtaas oo loo yaqaanno GST ama cashuuraha iibka alaabaha adeegyadda oo wasaaradda maaliyaddu soo rogtay oo ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Maaliyadda oo ku taariikhaysan 21/10/2019-ka. Markale waxaan doonayaa inaan ku wargeliyo macaamishayadda inay jiraan dad war xummo-tashiil ah ama shabakaddo war xummo-tashiil ah oo doonaya inay ka dhigaan cashuurtaasi waajibaadka qarran ee soo rogtay dawladdu inay ka dhigaan mid ka timi shirkadda soogasho ama in aannu annagu kordhinay qiimaheeddii cashuurtaasi.”

 

 

Mukhtaar Nuur Muxumed, Madaxa waaxda xidhiidhka dadweynaha ee shirkadda Som Cable, waxa kale oo uu sheegay in shabakaddo faafinayaan dacaayaddo ka dhan ah Shirkadda iyo Macaamisheedda “Runtii waxaannu macaamishadda marlabaad iyo marsaddexaad u sheegaynaa ama aannu la soconsiinaynaa in aynna taasi jirin, kamanna turjumayso sal-safadayda ah daryeelka macaamishayadda iyo adeeg bixinta shiradda. Marka horreb shirkadayaddu waxay shirkadaha kale ee suuq naggula jira kaga duwantahay halka daryeelka macmilka.

 

 

Sidoo kale, Cabdiraxiin Maxamed Cumar oo ah Madaxa hawl-gelinta ee Shirkadda Som Cable, ayaa sheegay in qaranku waaji ugu yeeshay inuu macaamisha uga ururiyo cashuur waajib loogu leeyahay

“Annagu, annagoo cashuurahayaggii ganacsi ee nagu waajibka ahaa sidooda u bixinna. Haddanna Qaranku sharci ahaan iyo xuquuq ahaan buu innagu yeeshay in aannu ciddii aannu wax ka iibinaynno aannu uga ururinno cashuuro xaq lagu leeyahay qofka iibsadaha ah. Cashuurtan oo ah cashuurta GST ee horre laydinku sharraxay oo wareegtaddeennu nooga timi Wasaaradda Maaliyadda.”Ayuu yidhi Cabdiraxiin Maxamed Cumar

 

 

 

Xildhibaan Ku  Dhaliilay Golaha Wakiiladda Arrinta Ceel-afwayn & Xeerka Saami-qaybsiga

 

Hargeysa 22 October 2019 (Warsugan)-Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi a yaa ku dhaliilay Golaha Wakiilada in ay ka gaabiyeen doorkii ay ku lahaayeen soo afjarida Colaada Deegaanka Ceelafwayn iyo Qabsoomida Doorashooyinka.

Maxamed Cali Xirsi ayaa waxa uu sheegay in aanay jirin wax Golaha Wakiilada ka qabtay dajinta Xeerka Doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo Golayaasha Deegaanka ee dalka,waxaana uu soo jeediyay in loo baahanyahay in Golaha Baarlamaanka gudo galaan dooda Saamiqaybsiga ku raasta Gobalada dalka ee Golaha Wakiilada.

 

Maxamed Cali Xirsi oo ka qayb galay dood Mudanayaasha Golaha Wakiilada shalay ka yeesheen Xaalada guud ee dalka.waxaana uu yidhi”Mushkilada ugu wayni waata Golayaasha maxaynu Ceelafwayn ka qabanay oo Doorashooyinkii ka qabanay oo xeerarka ka qabanay ileen Golihii ugu sarreeyay ayaynu nahay,waxa aan qabaa in aanay jirin wax aynu ka qabanay arimahaas waxaana aynu ka mid noqonay dadka shacabka ee hadal haya ee cid ku riixaya ama Xukuumadda halagu riixo ama Wasaarad halagu riixo,Waxaana lay noogaa baahnaa in wax qabad keena muujino oo dib u heshiisiinta muujino dhaliishaas Golaha Wakiilada waa leeyahay waxa aynu ka qabanay arimahaas isagaa sheegi doona Golaha Wakiilada waxa aan leeyahay waynu ka gaabinay,”.

Xildhibaanka oo hadal kiisa sii wataa waxa uu yidhi”Waxa kale oo aynu ka gaabinay Qabsoomida Doorashooyinka qayb ayaynu ka nahay waxa aynu dhagaysanaa Saddex Xisbi oo aynu xukuno oo Baarlamaan u nahay,waxaana aynu leenahay iyagu haku soo heshiiyaan waa masiibooyinka waawayn ee cidi ka jawaabi karin Golihii Baarlamaanka ee wadanka ugu sarreeyay oo go,aan gaadhayn.muddo faro badan ayuu xeerka Doorashooyinka Golaha Wakiilada horyaalay Madaxweynaha ayaana soo gudbiyay xeerka Saamiqaybsiga ku raasta ee Golaha Wakiilada ee Hortaagan Qabsoomida Doorashooyinka waa shaqadii uu lahaa Golaha Wakiilada waana in la soo hordhigo Golaha Xeerka Saamiqaybsiga ku raasta Golaha Wakiilada oo doodiisa la gudo galo weeye,waxaana Sharciya wixii Golaha Wakiilada ka soo baxa waana in guddi loo saaro oo go,aan laga gaadho Xeerka Saamiqaybsiga ku raasta Golaha Wakiilada waana in aynu dib u eegno Xeerka Koomishanka Doorashooyinka ee mushkilada Doorashooyinka ku haya yaynaan ceeb kala kulmine,”.

Xildhibaan Obama ayaa waxa kale oo uu sheegay in waxa loogu hadal haynta badan yahy yahay Qabsoomida Doorashada Golaha Wakiilada.waxaana uu yidhi”Marxaladaha taagan waxa ka mida Doorashooyinka iyo Koomishanka Doorashooyinka waxaana la hadal hayaa Golayaasha Qaranka,waana waxa loogu hadal haynta badanyahay Golaha Wakiilada ama xaq halay noogu la haado ama yaan laynoogu la haanin. waxaana aan qabaa in aan xaq lay noogu la hayn in la yidhaahdo 12 sanno ayaad fadhideen Golaha Wakiilada xoog kuma fadhiyo ku raasta Qabsoomida Doorashada awood isku hor istaago malaha Golaha Wakiilada,ilaa inta la helayo gole la soo doortay Golaha Wakiilada wuu fadhiyayaa,”.

Xildhibaanku ayaa waxa uu soo jeediyay in runta laga sheego wixii jira hase yeeshee aan si indho la,aana lagu taageerin Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaradka.waxaana uu yidhi”Looma baahna in Xukuumadda indho la,aan ku Taageerto loomana baahna in Xisbiyada Mucaaradka in indho la,aan ku taageerto,waxa loo baahanyahay in runta ka sheegno oo aynu nidhaahno waxaas hala qabto,taas ayaana Qaranka anfacaysa,”.

Sidoo kale Xildhibaanku ayaa waxa uu sheegay in aanay dalka ka jirin dhibaato wayni.waxaana uu yidhi”Maqabo in balaayo wayni jirto dalka sida aynu u dhigayno maaha in aynu dadka ka nixino maaha waligeedba Qaranka dhibaato kasta oo ku timaada inagaa dhamaysan jirnay, mushkiladaha ugu waawayn ee Qaranka ka jira waxa ka mida arinta Ceelafwayn iyo jabahada Gobalka Sanaag,”.

 

Guddida Qandaraasyadda Qaranka Oo Shirkad Ku Wareejisay Garoonka Tima-cadde

 

Hargeysa, 22 October 2019 (Warsugan)-Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Somaliland, Boose Mire Maxamed, ayaa shalay Garoonka Kubbadda Kollayga Tima-cadde ku wareejiyay Shirkada dhismaha ee Sacda Construction Company oo dayac-tiri-doonta.

Kulanka wareejinta Garoonka waxa ka qaybgalay mulkiilaha shirkadda Sacda Constuction Company ee ku guulaysatay dayactirka Qandaraaska Garoonka Tima-cadde ee magaaladda Hargeysa, Wasiirka wasaaradda dhallinyaradda iyo Ciyaaraha Boos Mire Maxamed, Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha Maxamed Nuux iyo Masuuliyiin kale.

“Garoonka wixii looggu tallo-galay iyo shuruudihii ku xidhnaa ee Hawlaha guud iyo wasaaraddu isla garteen inay Sacda Constuction dhammaystirto.”Ayuu yidhi Maxamed Nuux

Sidoo kale, Mulkiilaha shiradda ku guulaysatay dayactirka garoonka Kubbadda Kollayga ee Sacda oo iyaddunna munaasibadda ka hadashay ayaa tidhi “Waxaannu ballan-qaadaynaa siddii aannu tartanka ugu galay ee aannu shuruudaha ugu buuxinay, haddii ay tahay Guddida Qandaraasyadda, maadaama oo ay maanta (Shalay), nagu wareejiyeen ayaannu u dhammaystiri doonnaa.”Ayay yidhi Sacda

Dhinaca kale, waxa hadalkooban ka soo jeediyay Wasiirka dhallinyaradda iyo Ciyaaraha Somaliland Boos Mire Maxamed “Waxa farxad wayn innoo ah in aynnu joognno Garoonkii kubbadda Kollayga ee Tima-cadde oo la doonayo in dayactir lagu sameeyo. Waxa helay oo ku guulaystay Sacda Constuction oo aannu ku wareejinayo dayactirka iyo dhammaystirka Garoonka Tima-cadde ee Kubbadda Kollayga..”Ayuu yidhi Boos Mire Maxamed

 

“Warbaahinta Madaxa Bannaan Waxa Ay Heshiis Kula Jiraan Argagixisada” Wasiir Maareeye

 

Muqdisho, 22 October 2019 (Warsugan)-Dawladda Soomaaliya, ayaa shalay qaaday tallaabo aan caadi ahayn iyada oo ku eeddaysay warbaahinta madaxa banaan inay heshiis kula jiraan Al-Shabaab.

Sidda wuu sheegay wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka qeyb galaya shir Ku saabsan bad-qabka saxafiga oo ka socda magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu si kulul u eeddeeyay warbaahinta madaxa banaan ee ku yaalla dalka.

Wasiir Maareeye ayaa warbaahinta Madaxa bannaan dhammaantood ku eeddeeyay in ay heshiis kula jiraan argagixisada, islamarkaana ay dhiirigelin u sameeyaan Al-Shabaab.

Maareeye ma aannu yaboohin wax caddeymo ah oo ku saabsan eeddaymaha ka dhanka ah warbaahinta madax-bannaan.

Sidoo kale wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in dawladda ay go’aan ku gaadhay in ay soo saarto  go’aaan midaysan oo ku saaabsan baahinta Wararka Al-Shabaab, laakiin ma aannu faahfaahinin arrimaha is-barkay.

Dhanka kale qaar ka mid ah Madaxda warbaahinta ee ka qeyb galaysa shirka ayaa su’aalo ka weydiiyay wasiir Maareeye.

Wasiirka ayaa warbaahinta waxaa uu u soo jeediyay in aan la buun-buunin khasaaraha weerarada ay Al-Shabaab geystaan.

Hadalka wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xili muddooyinkii ugu dambeeyay dowladda Soomaaliya lagu eeddaynayo  in ay cabudhin ku hayso warbaahinta madaxa banaan ee magaalada Muqdisho.

Gefka Maareeye ayaa imanaya iyadoo in ka badan 20 weriye ay ku maqan yihiin gacanta Al-Shabaab loona dilay inay runta ka sheegaan dhibaatooyinka kooxdan ku hayso shacabka.