Wararkii Wargeyska Warsugan Cadadkii Maanta (Arbaca March 02/2016)

0
409

Badhasaab Xigeenka Gobolka Saaxil Oo Ka Badbaaday Weerarkii Xidhka Biyoolay Ee Lagu Dilay Taliyihii Booliska Ee Gobolka Oo Ka Waramay Qaabkii Loo Weeraray iyo Ujeedada Hawl Galka Ciidanku Ku Baxeen

“Aniga ilaahay amarkiisa madanays mooyee xabadi igumay dhicin kii laakiin iga dambeeyey way ku dhacday, isagana (marxuumka) dhinacaas ayey kaga dhacday”

Berbera (Warsugan) Koox hubaysan ayaa jid gooyo u galay ciidamo uu hogaaminaayey taliyaha geeriyooday Alle ha u naxariistee Marxuum Gaashaanle Cabdirisaaq Yuusuf Maxamuud (Casayr) oo ku sii jeeday degaan shaqaaqo ka taagan tahay oo ku yaala duleedka bari ee magaaladda Barbera.

Kooxda jidgooyada u gashay taliyaha iyo booliska uu watay ayaa ku weeraray degaanka Biyoolay, isla markaana halkaas rasaas ku khaarajiyey Alle ha u naxariistee Marxuum Gaashaanle Cabdirisaaq Yuusuf Maxamuud (Casayr), kuna dhaawacay  askari ka mid ah ilaaladii taliyaha geeriyooday.

Maxamed Xuseen Cabdilaahi oo ah badhasaabka ku xigeenka gobolka Saaxil oo la socday taliyaha xiliga la falku dhacay ayaa ka waramay qaabkii loo soo weeraray, waxaanu yidhi “Ninkaasi nin qaaliya ayuu ahaa. Gacan ka xaqdaran ayaa dishay waxaan leenahay ilaahay ha u naxariisto Illahay janadii haka waraabiyo. Arrintaa markaan inayar oo tusaale ah idinka siiyo halkan ayaanu ka baxnay aniga iyo Cabdirisaaq isaga ayaa markii hore loo soo sheegay hawlka ay dhibaatadani ka dhacday ee la yidhaahdo Tuulo Dhibiijo oo qolooyin isku laayeen oo gaadiid iyo qolo beeralay ah. Hawshaas ayuu yidhi maanta (Shalay) aynu u baxno xafiiska aniga oo fadhiya ayuu ii yimi waxaanu halkan ka baxnay kawdii maalinimo wax ciidan ah oo meesha aanu ku ogayna may jirin, Biyolay markaanu gaadhnay xidhka yar ee Biyolay ka sokeeya ayaa waxaa noo galay ciidan rasaasta ayaa nalagu bilaabay gaadhigii aanu wadanay xaga hore ayaa rasaas indhaha nalagaga badalay, aniga ilaahay amarkiisa madanays mooyee xabadi igumay dhicin kii laakiin iga dambeeyey way ku dhacday, isagana (marxuumka) dhinacaas ayey kaga dhacday illaahay ha u naxariistee”

Badhasaab ku xigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas ku daray in rasaas tiro beeshay lagu riday,w axaanu yidhi “Nimankaasi waxay ahaayeen nimo gaalo ah rasaasta sida ay noogu rideen ilaa laba boqol oo xabo oo rasaasa ayey nagu rideen”

Afhayeenka ciidanka booliska ee Somalialnd Faysal Xiis oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay baadhayaan isla markaana ku daba jiraan dablayda falkaas gaysatay.

 

Madaxweynaha Oo Tacsi U Diray Ehelka iyo Qaranka Uu Ka Baxay Taliyihii Ciidanka Booliska Ee Gobolka Saaxil, Laamaha Amniga Faray In Gacanta Lagu Soo Dhigo Cidii Falka Fulisay

Hargeysa (Warsugan) Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa dhambaal tacsi ah u diray ehlada iyo qaranka uu ka baxay taliyaha booliska ee gobolka Saaxil, waxaanu ilaahay uga baryey inuu janatul firdawsa ka waraabiyo, samir yo iimaana ka siiyo qoyska uu ka baxay.

War-saxaafadeed ka soo baxay xarunta madaxtooyadda oo ku saxeexan yahay afhayeenka madaxtooyadda ayaa lagu yidhi “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo, isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Somalilandba, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa ciidamada booliska, iyo guud ahaan ciidamada kala duwan ee Qaranka Somaliland, isagoo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Gaashaanle Cabdirisaaq Yuusuf Maxamuud (Casayr) oo ahaa Taliyihii qaybta booliska ee Gobolka Saaxil, oo maanta gacan ka xaqdarani ay ku dishay deegaanka Biyooley ee gobolka Saaxil.

Madaxweynuhu wuxuu si gaara tacsidaa ugu dirayaa qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Marxuumku.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey inuu waajib qaran gudanayey, isaga iyo ciidankii la socdayba, markii lagu dhagaroobay, waxaanu madaxweynuhu amar ku bixiyey in si degdeg ah gacanta loogu soo dhigo kuwa geystay dilka, meel kasta oo ay galaana lagaga dabatago, sida ugu degdega badana sharciga loo horkeeno.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Faahiye (Shamax)

      Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

 

Xukumadda Somaliland iyo Xisbigeeda Kulmiye Oo Bayaamiyay Mawqifka Somaliland Ee Dhaqdhaqaaqa Maamulka Puntland Ka Wado Gobolka Sool

 

Hargeysa(Warsugan) Xukumadda Somaliland iyo hoggaanka xisbiga Kulmiye ayaa digniin culus u diray maamulka Puntland oo faro galin dhulleed ku haya Somaliland. Wasiirka warfaafinta, ahna afhayeenka xukumadda Cismaan Cabdillaahi Saxradiid(Caddaani) iyo guddoomiyaha Kulmiye ahna musharaxa, Muuse Biixi Cabdi ayaa si wada jir ah waxay maamulka Somalia ee Puntland ugu baaqeen inuu dhakhso faraha ugala baxo deggaannada bariga Somaliland ee gobolka Sool oo uu deegaamayn iyo kaantarool cusub ka dhiganayo. Waxay sidoo kale beesha caalamka la socodsiiyeen gardarrada Puntland ku hawllan tahay.

Ugu Horayn wasiir Caddaani ayaa bayaamiyay mawqifka Somaliland ee dhaqdhaqaaqa maamulka Puntland ka wado bariga “Jamhuuriyadda Somaliland waxay ka digaysaa faro galinta qaawan ee caddaawaddu ku dheehan tahay ee maamul goboleedka Puntland oo ka tirsan dalka aanu jaarka nahay ee Somalia ka wadaan xuduudaha bari ee Somaliland. Puntland waxay bilawday deggaamayn ay ka samaynayso degmada Buuro-wadal oo ka tirsan gobolka Sool kana mid ah ciid dhuleedka Jamhuuriyadda Somaliland,” ayuu yidhi wasiir Caddaani.

Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay inay Somaliland difaacayso ciideeda “ Somaliland waxay xaq u leedahay difaacidda ciideeda iyo xuduudaheeda duruuf kasta oo jirta. Faraha kama laabanayso ilaalinta madaxbannaanideeda iyo jiritaanka dhulleed, sidaasi darteed waxay ugu baaqaysaa maamul goboleedka Puntland inuu si degdeg ah ugala baxo ciidda Somaliland ciidamada lagu soo daldalayo Buuro-wadal, islamarkaana dib u liqaan hammigooda ah inay ku hantiyaan bogcad ka tirsan dhulka Somaliland,” ayuu yidhi wasiir Caddaani.

Geesta kale wuxuu wasiir Caddaani baaq u diray bulshada Caalamka “Jamhuuriyada Somaliland oo ku caan baxday nabad kuwada noolaanshaha dalalka jaarka ah, waxay u caddaynaysaa ururada caalamiga ah sida Qaramada midoobay, Midawga Africa, Ururka IGAD iyo jaamacadda Carabta gardarrada qaawan ee Puntland ku soo qaaday Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanay beesha caalamka la socodsiinaysaa in wixii halkaas ka yimaadda ee dhib ah ay qaadi doonto Puntland oo ka tirsan dalka Somalia,” ayuu yidhi wasiirku.

Dhinaca kalena guddoomiyaha xisbiga talada haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa digniin taas la mid ah u diray maamulka Puntland “Puntland oo ku soo xadgudubtay qarannimada jamhuuriyadda Somaliland, sida wararka xaqiijinayaan waxay xuduudka Somaliland soo galeen dhawr Kilomitir, waxaanay ka bilaabeen dhisme ama magaalayn. Waxaanu u sheegaynaa caalamka oo dhan iyo Puntland ba inay wanaagsan tahay in nabad galyo iyo iskaashi lagu wada noolaado. Xadgudubka xuduudu waa mid caalamka oo dhan ka reebban, waxaanay keentaa cawaaqib aan fiicnayn,” ayuu yidhi Mudane Muuse Biixi.

Waxa uu intaasi raaciyay inaanay Somaliland aqbali doonin in xuduudkeeda lagu xadgudbo “Jamhuuriyadda Somaliland qaadan karri mayso in dhulkeeda lagu soo xadgudbo oo waliba dhisme laga bilaabo. Jawaabta aanu bixinayno qaran ahaan xisbi iyo xukumad ba waxa weeye inaanu isku dayno inta ugu macquulsan in Puntland looga digo khaladkeeda. Waxaanu u jeedinaynaa inay ka noqdaan khaladkooda iyo dhismaha iyo deegaamaynta ay ka bilaabayaan Somaliland, hadday taas wax ku qaadan waayaana wixii halkaas ka yimaada ee dhibaato ah iyagaa masuul ka ah,” ayuu yidhi Muuse Biixi.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale mawqifka Somaliland ee dhaqdhaqaaqa Puntland waddo wuxuu la socodsiiyay beesha caalamka “Waxaanu u sheegaynaa dawladdaha Jaarka, IGAD, midawga Africa iyo ururada caalamka oo dhan inaanan gardarradaas u sinnayn ee Puntland ku soo faro galinayso qarannimada Somaliland.

Jamaal Cali Xuseen Oo Weeraray Hogaanka Laba Xisbi Ee Kulmiye iyo Waddani Ku Tilmaamay Kuwo Boob Ku Jira

Hargeysa (Warsugan) Musharaxa jagada madaxwayne ee xisbiga mucaaradka ah ee Ucid aqoonyaha Jamaal Cali Xuseen Oo safar In Muddo ah qaatay ugu maqnaa dalka dibadiisa ayaa maanta kusoo guryo noqday magaalada hargeysa ee caasimada dalka Somaliland.

Waxaana Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen kusoo dhaweeyey madaarka Cigaal Internation, masuuliyiin ka tirsan xisbiga ucid, odayaal, waxgarad iyo taageerayaasha Xisbiga Ucid.

Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu kusoo guryo noqdo dalkiisa hooyo, sidoo kalena waxaa uu ka hadlay xadhigii loo gaystay salaadiintii ay xukumadda Somaliland xidh xidhay ee la sheegay inay weerareen goobtii ay diiwangalintu ka socotay  waxaana uu yidhi.

“Horta salaadiintu waa qayb kamida halbowlayaasha dalka, xadhigoodana in lagu da dag-dago may ahayn iyadoo fal danbiyeed gacanta kula jira ama dhib gaystay mooyaane, waana dad matalaya qayb shacabka ka mida, xukuumaduna may ahayn inay xadhig kula dag dagto waanan ka xunahay falkaas lagula kacay salaadiinta”Sidaas ayuu yidhi Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen.

Dhanka kalena aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen waxa uu dhaliilo Xoogan usoo jeediyay xisbiyada Wadani Iyo Kulmiye isagoona ku eedeeyey inay olole cad ka bilaabeen gobolada galbeedka Somaliland intii ay ku sugnaayeen waxaana uu yidhi.

“Xisbiyada Wadani iyo Kulmiye waa laba xisbi oo xulufo ah maanta iyagaa dalka wada oo midna shirgudoonkii baarlamaanka ayuu haystaa midna dawladii ayu haystaayoo hantidii umada ayaa la xaraashay, labada xisbiba xoolihii umadda ayay haystaan laakiin Ucid Xoolihii umaddana ma haysato.

Siyaasiyiinta laba xisbiba  iyagoo aan wakhtigiii kaambaynka la gaadhin ayay olole cad ka bilaabeen gobolada dalka iyadoo xilli abaaro ah lagu jiro walibana kulmiye ayaa bilaabay ololahaas,ila iminkana komishanku talaabo kamay qaadin markaa waxaan leyahay olole cad ayuu ahaa”Sidaas ayuu Jamaal Cali Xuseen.

Sidoo kalena Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen waxa uu tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaskii qaraabadii asxaabtii iyo bulshada Somaliland ee ay ka baxeen 14 kii ruux ee ku dhintay shilkii baabuur ee jimcihii ka dhacay wadada u dhaxaysa Kalabaydh iyo Gabiley, wariye Cabdiqaadir Baay Iyo siyaasi Gadhyare oo  kuwada geeriyooday magaalada hargeysa waxaana uu alle uga baryay inuu alle u naxariisto qabrigana u waasiciyo Samir iyo imaana inaga siiyo.

Gabagabadiina aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen waxa uu kulamo kula qaatay hotel Sammur Time  ee magaalada hargeysa xubno ka tirsan xisbiga ucid, taagerayaal,  iyo dhaliyaro iyagu goobtaasi diyaar kusii ahaa.

Xisbiga Kulmiye Oo Dilkii Taliyaha Booliska Gobolka Saaxil Ka Hadlay, Tacsina U Diray Ehalada Uu ka Baxay Marxuumku

“Falkani waxa uu waxyeelo ku yahay nabadgalyada, dawladnimada iyo kala dambaynta sharciga ee dalka Somaliland”

Hargeysa (Warsugan) Xisbiga Kulmiye ayaa ka hadlay dhacdadii ka dhacday magaaladda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ee lagu dilay taliyihii ciidanka booliska ee gobolka Marxum Cabdirisaaq Yuusuf Muxumed Casayr oo dablay hubaysani rasaar ku fureen.

Xisbiga Kulmiye ayaa sheegay in falkaasi yahay  mid dhaawac gaadhsiinaya nabad galyada iyo dawladnimada somaliland, waxaanay arrintaas ka soo saareen war-saxaafadeed lagu yidhi ” Xisbiga KULMIYE waxa uu si adag u cambaaraynayaa falka xaq-darrada ah ee lagu dilay Taliyihii Qaybta Booliska Gobolka Saaxil Alle ha u naxariistee Marxuum Gaanshale Cabdirisaaq Yusuf Maxamuud Casayr oo koox hubaysani ku toogatay deegaanka deegaanka Biyooley ee Gobolka Saaxil maanta (01/03/2016) waqti isaga iyo ciidammo uu hoggaaminayey shaqo qaran u socdeen.

Falkani waxa uu waxyeelo ku yahay nabadgalyada, dawladnimada iyo kala dambaynta sharciga ee dalka Somaliland. Sidaas darteed, waxa uu xisbiga KULMIYE ku talinayaa in gurmad degdeg ah laga galo sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa gacan-ku-dhiiglayaasha ka dambeeyey weerarkan foosha xun, si sharciga loo horkeeno ciddii gaysatay.

Ugu dambayntii, anigoo ku hadlaya afka Guddoomiyaha iyo hoggaanka KULMIYE iyo guud ahaan taageerayaasha xisbiga waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, ciidanka booliska iyo guud ahaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Cabdirisaaq Yusuf Maxamuud Casayr oo ay dishay gacan-ka-xaqdarani, waxaanan Ilaahay uga baryayaa inuu ka waraabiyo jannadiisa Fardowsa, qoyska iyo guud ahaan shacabkana samir iyo iimaan innaga siiyo. Aamiin…Aamiin….Aamiin.

Xisbiga Waddani Oo Qabyaalaad Lagu Dhaliilo Iyo Gudoomiye Cirro Oo Ka Hadlay Dareenka Uu Ka Qabo Nidaamka Qabiilka

Guddoomiye Cirro waxaa la waydiiyay Qabyaaladda Xisbigiisa Lagu Sheego

Hargeysa(Warsugan) Guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa ka hadlay qorshe dhinacyada doorashadu khusaysaa isla garteen oo ku aadan goobaha aan doorashadu ka dhicin ee ay ku muransan yihiin gobollada Awdal, Maroodijeex iyo Saylac, halkaasi oo muran degaan dartii aanay doorashadu ka dhicin in ka badan 10 sanno. Waxa uu sheegay in xukumadda laga filayo qorshe ay dadkaasi ugu ogolaato dhiibashada codkooda dastuuriga ah.

“Komishanka doorashadu waxay soo bandhigay in dadka muwaadiniinta ah ee lixda goobood xaqooda la siiyo. Waxay soo bandhigeen in waajibaadka kala xadaynta ay xukumaddu leedahay. Anaguna waanu ku taageernay in waajibkaa xukumaddu leedahay. Waxa la isla qaatay laba qodob oo laga filayo xukumaddu inay fuliso mid, midna Komishanku fuliyo. Ka hore wuxuu ahaa iyadoo la raacayo dastuurka Somaliland, iyadoo la raacayo sidii 1960-kii xuduudaha degmooyinku  ahaayeen, iyadoo la raaciyo wixii kale ee shuruuc qaranku leeyahay in xukumaddu soo saarto inta aanay bilaaban diwaangalinta labada gobo lee u dambeeya kala xadaynta iyo meesha ay ku darayso goobahaas iyadoo u raacaysa sharciga. Ta kalena waxa weeye in Komishanku fursad siiyo dadkaasi oo diwaangaliyo, markaa waajibkaasi xukumadda ayuu ku laalan yahay,” ayuu yidhi guddoomiye Cirro oo telefishanka Star la hadlayay.

Geesta kale guddoomiye Cirro waxaa la waydiiyay aragtidiisa ku aadan eedo la xidhiidha qabyaalad oo xisbigiisa lala xidhiidhiyo “Dacaayadaasi waa dacaayad raqiis ah oo wayna iska soo go’I doontaa, wax la eryadana beentaa ugu itaal yar baa la yidhi, markaa hoggaankiisa dadkuna way wada yaqaan oo degaanka aan ka soo jeedo kaligay baa kaga jira. Xisbigu waa xisbi Somaliland ah, waxaana caddaynaya sidii uu ku soo baxayna si qaran bay ahayd oo degmo kasta oo dalka ka mid ah ama kow buu galay ama labaad isagoo urur ah, markaa taas baa caddaynaysa cidda metelaysay ee soo saartay inay dhammaan shacbiga Somaliland yihiin. Dee anigu degaan baan ka dhashay oo reerkayagu intaas oo dhan ma wada deggo, markaa ka Layocaddo iga doortay iyo ka Badhan iga doortay waa diwaan cad,” ayuu yidhi guddoomiye Cirro.

Ugu dambeyn guddoomiye Cirro waxaa la waydiiyay xilliga xisbigiisu qabsan doono shirweynihiisa golaha dhexe wuxuuna yidhi “Waad ogtihiin oo hawl qaran baa hadda socota, waxaanu doonaynay shirka inaanu qabanno ama hadda ama ka horba, markaa hadday noo suuro gasho inta diwaangalintu socotana waanu qaban doonaa, haddii kalena diwaangalinta ka dib ayaanu qaban doonaa,” ayuu yidhi guddoomiye Cirro.

Hay’adda Al-suna Alkhayriya Oo Deeq Biyo Ah Ku Wareejisay Guddiga Abaaraha Ee Gobolka Hawd

Hargeysa (Warsugan) Guddida Gurmadka Abaaraha ee Gobolka Hawd ayaa deeq biyo ah oo gaadhaysa shan iyo afartan booyadood oo biyo ah ka guddoomay Haayada Al-suna Alkhayriya , biyahaasi oo loogu talo-galay dadka abaaruhu saameeyeen eek u nool deegaanada Gobolka Hawd

Munaasibad kooban oo Haayada Al-suna Alkhayriya ku wareejinaysay  deeqdan biyaha ah ee ay ugu talo-gashay deegaanada Gobolka Hawd oo lagu qabtay barxada koonfureed ee garoonka Kubbada Cagta ee Hargaysa Studium waxa ka soo qayb-galay Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye(Nac-nac), Masuuliyiinta Haayada Al-suna Alkhayriya iyo Guddida abaaraha ee Gobolka Hawd.

Guddoomiyaha Haayada Suna Al-khayriya Sheekh Xasan Cismaan Cali oo oo ugu horayntii halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in haayadoodu iyadoo ka duulaysa baaqii xukumada Somaliland ee gurmadka abaaraha ay muddo dhawr iyo toban cisho ah ay deegaanada dalka ka wadeen hawlo biyo dhaamineed,iyadoo noqonaysa markii labaad ee ay gobolka hawd gaadhsiiyaan deeq biyo ah waxaana uu yidhi:-“Waxa walaalayaal muddo laga joogo dhawr iyo toban cisho aanu bilownay biyo dhaan Haayada Suna Al-khayriya ka waday gobolka guud ahaan ,waxa markii labaad aanu taaganahay mandaqadan ku beegan gobolka hawd oo guddida gurmad oo dhinacayga taagan aanu ku wareejinayno maanta 45 booyadood oo biyo ah oo la gayn doono gobolka hawd ,hore waxa aanu u gaynay toban booyadood oo aanu u qadinay”.

Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay Maxamuud Xuseen Xirsi oo ka mid ah guddida Gurmad ee gobolka hawd waxaana uu ka waramay deegaanada ay gaadhsiin doonaan biyahan waxaana uu yidhi:-“Waxa aanu halkan saaka ku joognaa Guddidii abaaraha ee gobolka hawd ee gurmad anaga oo gudoomayna biyo dhan shan iyo afartan booyadood oo biyo ah , shan iyo afartankaas booyadood kow iyo labaatan ka mid ah waxa laga dhaamin doonaa agagaarka xarunta gobolka iyadoo halkaas lagu qaybin doono anaga oo u wakiilanay guddida qayb ka mid ah oo deegaankeedu balligubadle yahay , saaka waxa aanu halkan u taaganahay afar iyo labaatan booyadood oo la kala gayn doono sayla, Baargoo, Ina Cunaaye, Warta Maxamed Fanax, Darfacle , Cuna-qabad, Masaajidka , Bariisa-yar Iyo Wudh-wudh”.

Sheekh Mubaarik Muuse Faarax Guddoomiyaha Guddida Abaaraha ee Gobolka Hawd oo isna halkaasi ka hadlay ayaa Mahadnaq u diray Haayada Suna Al-khayriya oo deeqdan biyo ah ku wareejisay waxaana uu yidhi:-“Waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa Haayada Suna Al-khayriya oo runtii ka soo jawaabtay baaqii aanu u jeedinay haayadaha islaamiga ah iyo kuwo kaleba eek u aadanaa in ay il naxariis leh ku eegaan oo ay hadda bal soo fiiriyaan gobolkan iyo waxa ka taagan iyo abaaraha iyadoo al suna alkhayriya sidaas ay imika inoo sheegeen qayb hore ay bixiyeen , shan iyo afartan booyadood ayaanu anagu ka guddoonay , shan iyo afartankaasi deegaanka ugu abaarsan baa markaasi la gaynayaa”.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye(Nac-nac) oo ugu dambayntii halkaasi ka hadlay ayaa Mahadcelin uu u diray Haayada Suna Al-khayriya ka dib waxa uu baaq u diray bulshada isagoo yidhi:-“Ilaahay waxa aynu ka baryeynaa gacmihiisa ayaa lagu dhargaa in uu inaga soo gaadho oo roob dhaqso ah aynu helno,waxa weeyaan haayadani maalin hore toban booyadood ayey na siiyeen aad iyo aad ayaanu ugu mahad-naqaynaa waa mar labaadkii ,insha allah mar saddexaadka kii ilaahay ayaa inaga soo gaadhi doona”.

Geesta kale Xildhibaan Nac-nac waxa uu baaq u diray qubo joogta iyo ganacsada u dhalatay gobolka hawd isagoo ugu baaqay in ay soo taakuleeyeen walaalahooda abaaruhu saameeyeen waxaana uu yidhi mar kale:-“aad iyo aad ayey u mahadsan yihiin gurmad iyo haayada suna , waxa aan leeyahay ninkii wax hayow halkan ku soo shub , halkaas ayuunbaa la wada tagayaa , qofkii dabada ku maqan iyo qofkii halkan jooga ee deegaanka u dhashay ee muxsinka ah waxa aanu jecel nahay in uu halkan ku soo shubo”.

Musharrax Cabdimajiid Sh. Maxamed Ibraahim (Janno-galle) oo Shaaciyey Hankiisa Siyaasadeed Ee Ku Wajahan Doorashada Golaha Wakiilladda

 Hargeysa (Warsugan) Muwaadin Cabdimajiid Sheekh Maxamed  Ibraahim (Cabdi-majiid Jannagalle) oo kamid ah ganacsatada Aqoonyahanka ah ee reer Somaliland gaar ahaanna reer Hargeysa ayaa si rasmi ah u shaaciyey hankiisa musharraxnimo ee ku wajahan doorashada golaha wakiillada Somaliland ee la quudarraynayo in ay dalka ka qabsoonto kal-dembe, isaga oo sheegay in uu u taagan yahay xubinnimada labaatanka xildhibaan ee ka sharraxan gobolka Hargeysa.

Musharrax Cabdimajiid Jannogale oo War qoraal ah oo uu maanta Hargeysa kasoo saaray  u qaybiyey warbaahinta ayaa sheegay in kadib markii uu eegay xaallada siyaasadeed ee dalka iyo baahida loo qabo xildhibaanno dhalinyaro ah oo aqoon iyo waayo aragnimo xeel dheer  u leh xaallada siyaasaddeed,  isla markaana uu  door biday in waayo aragnimadiisa ku wajahan baahiyo badan oo uu wax ka qabashadooda xog ogaal u yahay uu go’aansaday in uu isu taago doorashada xubnaha golaha wakiillada ee la filayo sida qorshuhu yahay in ay dalka ka qabsoonto kal dembe 2017-ka haddii alla idmo.

Qoraalka Uu Cabdimajiid Janno-galle u qaybiyey warbaahinta madaxa banaan ee somaliland oo nuqul kamid ahi soo gaadhay Hubaal Media, waxaa uu farriin kooban oo baaq xambaarsan u diray madax dhaqameedka beesha uu kasoo jeedo oo uu ugu baaqay in ay dhex u ahaadaan isla markaana soo dhaweeyaan cid kasta oo han siyaasadeed leh, waxaana qoraalkaasi u  dhignaa sidan:  “ Aniga Oo Ixtiraam Badan U Haya Cuqaasha Iyo Odayaasha Reerka Waxaan Ka Codsanaaya In Ay Dhex U Ahaadaan Musharixiinta Ka Sharaxan Beesha Iyo Cid Kasta oo Han Siyaasadeed Leh, Lana Ilaaliyo Isku Xidhnaanta Beesha Iyo Wada Jirkeeda Taas Ayayana Guusha Reer Ku Jirtaa iyo Tan Qaranka Somaliland , Guul Iyo Gobinimo Ayaan U Rajaynaay Cidkasta Oo Horumarka Iyo Wadda Jirka Ummadda Jecel …..” Ayuu ku Yidhi  Musharax C/Majiid Sh.  Maxamed Ibraahim (Jannogale) Oo Ah Musharraxa U Taagan Doorashadda Golaha Wakiillada Somaliland Kana Sharaxan Gobolka MaroodiJeex.

Halkan ka akhri wararkii oodhan  cadadka 65