Waraysi Gaara: Cali Xoor-xoor, Oo Ka Hadlay Abaabul La Sheegay In Isaga Iyo Siyaasiyiin U Hogaaminayo Ay Ku Biirayaan Xisbiga WADDANI

0
348

Waraysi Gaara: Cali Xoor-xoor, Oo Ka Hadlay Abaabul La Sheegay In Isaga Iyo Siyaasiyiin U Hogaaminayo Ay Ku Biirayaan Xisbiga WADDANI

Itoobiya(Warsugan) Maareeyihii hore ee dekada Berebra Eng Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor Xoor) oo ku sugan dalka Itoobiya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar laga baahiyey oo sheegayey inuu ku biirayo xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.

Eng Cali Xoor-xoor oo xidiidh la soo sameeyey Wargeyska Warsugan ayaa warbaahinta warkaa ka baahisay u soo jeediyey inay ka waan toobaan isla markaana ay iska hubiyaan wararka noocaas ah. Maareeyaah oo arrintaas ka hadlayey ayaa yidhi “Waxan idinla soo xidhiidhay in aan ka hadlo warar la sheegay inay baahiyeen qaar ka mid ah wargeysyada ka soo baxa caasimada Somaliland ee Hargeysa, kuwaasi oo sheegay in aan ku hawlanahay abaabul siyaasadeed oo aan kaga digo roganayo xisbiga aan ka tirsanahay ee KULMIYE oo aan weliba ka mid ahay golaha dhexe ee xisbiga waxanan leeyahay kuwa waxaa qoraya hubiya wararkiina oo ummadda u soo gudbiya wax la hubo”

Cali Xoor xoor oo ka hadlayey ku biiritaanka xisbgia WADDANI ee laga baahiyey ayaa intaas ku daray “Waxba kama jiraan ummadda Somalilandna way i taqaan ma ihi siyaasiyiinta guur guura ee marba meel u diga rogta, wakhtigana waan ka maqnahay dalka, cid aan la xidhiidhay oon arrintaa kala hadlayna ma jirto, meel aan wakhtigan u socdaana ma jirto, waxanan ka mid ahay xubnaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, warkaana iyaguu ku kooban yahay.

XIGASHO WARGEYSKA WARSUGAN
warsugannews@gmail.com
warsugan15@gmail.com
Hargeysa/Somaliland/Office