Warbixin Iftiiminaysa Waxqabadkii Maayirka Berbera Cabdishakuur Cidin Mudada Saddex Sano Xilka Hayo

0
711

Warbixin Iftiiminaysa Waxqabadkii Maayirka Berbera Cabdishakuur Cidin Mudada Saddex Sano Xilka Hayo

waxa Soo Ururiyay Suxufi Mubaarik Nirig

Warbixintan waxaan ku soo koobi doona waxqabadkii golaha deegaanka ee degmada berbera mudadii uu Hogaanka u qabtay maayir cabdishakuur maxamuud xasan (Cidin) waxayaabihii u qabsoomay mudadaas oo ku dhaw saddex sano, Golaha Degaanka ee Degmada Berbera ilaa iminka wax khilaaf ah oo soo kala dhexgalay ma jiro inta badan waxa lagu arkaa isku duubni iyo midaysnaan Mudadaa Aan soo xusnay waxaa u qabsoomay kal fadhiyadii loogu talo galay oo ku dhan 14 kala fadhi oo sharciyada la waafajiyey.

Waxqabdkii oo Faahfaahsan

Sanadkii Kobaad 2013

Balaadhinta iyo dayactir lagu sameeyay wadada laga soo galo magaalada berbera ee u kala baxda Burco iyo Hargeysa Goolad Jidka Qeybisana laga hirgaliyey.

Dhismaha xarunta dabdamiska Dawlada hoose iyo abuurida qaybta ciidanka dabdamiska oo aad loo qalabeeyay oo aan hore u jirin.

Darbiga xarunta 26 june oo la dhisay iyo xafiisyada maamulka gaadiidka oo la hirgaliyey lana dayactiray

Dhismaha kawaanka gawraca iyo Kawaanka Qaliinka Xoolaha Nool oo Dayactir Lagu Sameeyey Lana balaadhiyey

Wado laami ah oo laga hirgaliyay xaafada wadajir ama jaamalaaye

Maamulka dawlada hoose waxa uu soo iibiyay gaadiid isugu jira Booyadaha ,Qashinka Qaada ,cagafcagafyo. Basab e.t,c gadhaya ilaa 15 gaadhi.

Sanadkii 2014

Dhismaha Xafiiska Gudida ka garnaqa dhulka oo laga hirgalyay 26 june dhexdeeda.

Kormeero lagu sameeyay 42 Dugsi hoose dhexe ee maamulka d.hoose hoos yimaada si loo hirgaliyo Maamul Daadejinta Waxbarashada.

Waxa la dhisay dhisme laba dabaq ah oo lagu kordhiyay xarunta dawlada hoose.

Waxaa dayactir lagu sameeyay ku dhawaad 10 Dugsi oo iskuuladaa ka mid ah hoose dhexe

Waxaa la dayactiray xafisyada waaxda hawlaha guud ee dawlada hoose iyo xafiisyo kale oo ka mid ah gudaha dawlada hoose

Waxaa dayactir aad ubalaadhan lagu sameeyay sariibadii waynayd ee magalaada berbera Tan iyo markii la dhisay

Waxaa markii uhoreeyay maamulka dawlada hoose fulisay mashaariic maalgalineed oo lagu horumarinaayo dhaqaalaha degmada dadka ku nool

Waxaa la dhisay maktabadii ugu horeysay ee Barbara yeelato oo Pubilc library

Sanadkan 2015 .Ee DHamaadka Ku Dhaw Mashriicda Qabsoontay IYO Kuwa Socda

Dhameystirka Jid Laami ah Oo Casriya Oo Asfal oo dhan 8 Km Oo Gudaha Magaalada ah.

Biyo mareenada biyaha roobka ka saara Magaalada oo laga hirgaliyey Jidka koowad ee Berbera.

Marmar La dhigay Jid Laamiga hareerihiisa si ay bulshada iyo gaadiidku kala wado u noqdaan.

Xeyndaab Derbi ah Oo Lagu Xidhay Guud ahaan xabaalaha Magalada iyo Dadkii Degenaa Agagaarka Xabaalaha Oo Dhul Badal La Siiyey.

Waxaa la dhisay afar garoon kubadeed oo casri ah Oo Afarta Xaafadood Laga Hirgaliyey.

Sidoo kale waxaa la dhisay oo gacanta lagu hayaa 185 guri oo laga dhisay xaafad cusub oo leh adeegyadeed bulshada sida garoomo saldhig iyo caafimaad.

Waxaa la dhismihiisu Socdaa terminal bus station, markii u horaysay laga hirgaliyo somaliland Oo Gadiidka Ka Baxay Berbera ee Hargaysa, Burco u baxayaa ay isticmaali donaan.

Waxa dayactir lagu sameeyay guryihii dawlada hoose ee Berbera ee xaafada barwaaqo

Waxaa kor loo qaaday amaanka dawlada hoose yada oo latayeeyay ciidanka kahawlgala, iyo lahirgaliyay CCTV-CAMERA dhamaan lagu rakibay

Waxa tobabaro la siiyay qaar ka mid ah shalaaha dawlada hoose iyo xafiisaydooda la qalbeeyay

Mashiicada intaa lee gee maamulka degmada berbera ku guulasyteen ma jirto degmo kale oo intaa in leeg saddexaad sano ku guulaystay inay hirgaliso .Bulshada reer berbera waxay calmanyaan inuu caynaanka u sii hayo maayirka berbera mudada u hadhsan golaha degaanka degmada berbera

10151323_556119604521265_7522098225463308394_n

DSC03024

DSC03142

DSC03145

DSC03157

S3500004

S3500004[1]

S3500010

S9110004

S9110020

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

By: Mubaarik nirig

Saaxil181@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here