Wariye Sakaaro Oo Xorriyaddiisa Dib U Helay, Una Mahadnaqay Bahda Garsoorka Somaliland

0
351

Wariye Sakaaro Oo Xorriyaddiisa Dib U Helay, Una Mahadnaqay Bahda Garsoorka Somaliland

Burco(Warsugan) Wariye Axmed Muuse Sakaaro oo muddo bil ah ku xidhnaa magaalada Burco ayaa xorriyaddiisa dib u helay. Waxa uu sheegay in bahda garsoorku caddaalad u samaysay, islamarkaana lagu waayay dambiyada loo haystay.Wariyahan ayaa hore suxufiyiinta ugu boorriyay inay hub qaataan si ay isaga difaacan weerarro kaga yimaadda dad dhibsada warbixinahooda.
Suxufi Sakaaro oo loo haystay falal kicin iyo abaabul amni darro ah ayaa sheegay in maxkamaddu si caddaalad ah u qaaday dacwaddiisa “Waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa bahda caddaaladda, gaar ahaan Maxkamadda gobolka, garsooreyaasheeda iyo guddoomiyaheeda,” ayuu yidhi isagoo saxaafadda kula hadlayay Burco.

Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Runtii qofka waa la xidhi karaa laakiin, waxaa muhiim ah inuu caddaalad helo.Runtii caddaalad waan helay, aad baan ugu faraxsanahay.Waxa kale oo aan mahad u celinayaa bahda warbaahinta Somaliland sidii ay ii barbar istaageen.”

Bahda garsoorka Somaliland ayaa muddooyinkii u dambeeyay laga dareemayay isbedel caddaaladeed, kadib markii kiisas siyaasadeed iyo kuwo bulshada u dhexeeya laga soo saaray go’aammo lagu qancay. Maxkamadda Hargeysa ayaa dhawaan fasaxday Siciid Maxamuud Gahayr oo lagu waayay falal amni darro oo loo haystay laakiin, wali wuxuu u xidhan yahay sababo aan la sheegin.

Xigasho Wargeyska Warsugan
Warsugan15@gmail.com
warsuganmedia@gmail.com
Hargeysa/Somaliland/Office