warsaxaafadeed ka soo baxay shirwaynihii midaynta iyo horumarinta beel waynat garxajis ee tolwanaaje

0
345

Hargeysa(Warsugannews)warsaxaafadeed ka soo baxay shirwaynihii midaynta iyo horumarinta beel waynat garxajis ee tolwanaaje

1 maalmihii sabtidii iyo axadii ee bisha ogost ahayd 13 iyo 14 2016 waxa ku qabsoomay magaaladda hargaysa shirwaynihii beelwaynta garxajis ee baryahanba la filaayay kasoo ka qabab qaabadiisu iyo wada tashiguusi soo sacday ilaa bishii juun 2015
2 waxa uu shirku kulmiyay haldoorka beelwaynta garxajis 00 ay ku jiraan salaadin boqoro ugaasyo cuqaal odoyaal waxagarad aqoonyahano ganacsatoiyo dhalinyaro kuwaaso oo qarkood ka kalo yimid daageenada ay dagto somaliland ujeedadda shirku waxa uu daran yahay midnimada wadao jirka horu marka iyo xoojinta walaaltinimo ee belwayna garxajisiyo turxaan bixaanbixin
3 waxa lagu gudoonsaday midnimadda wadajirka iyo waxwadaag qabsigu inuu lagama marmaan u yahay danaha belwaynta garxajis wuxuu shirku turxaan bixiyay dhamaan tabashooyinkii lakao tirsanaayay waxaana lasykaga garaabay lagu heshiiyay hiigsi cusub
4 waxa iyana laqiray in uu kulanku ahaa mid loo bahnaa mihiimna u ah midnimadda horumarka danaha guud ee beelwaynta garxajis wakhtigiisina sugana una horsiide yool cusub bulshaddda somalilnd
5 waxa uu shirku ku baaqay ilaalinta iyo xoojinta midnimadda nabadgalyadda bulshadda iyo madaxbanaanida iyo goosi isku taaga qarananimadda somaliland ee lama taabtanka ah waxa kaloo shirka lagu gorfeeyay feeyay xaaladda haatan uu dalka iyo dadkuba kujiraan waxtigan kallo guurka ah ee darashooyinka kalo duwani ina soo dood saaren filashadda ay ku naloonayaan bulshadda somaliland.
6 Waxaanu Ku Talinaynaa In Doorashooyinka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Iyo Golaha Wakiilada Ay Ku Dhacaan Wakhtigoodii Loo Cayimay
7 Shirku Waxa Uu Taageerayaa Talaabo Kasta Oo Horumarineed Oo Loo Baahnaa Oo Cadaali Ah Oo Ay Xukuumadu Ku Dhaqanto
8 Shirku Waxa Uu Baaq Nabadeed U Dirayaa Labada Beeloood Ee (reer) Ee Walaalaha Ah Ee Dirirtu Ku Dhex Martay Deegaanada Bacda Ee Degmada Derer Weyne,Waxaanu Shirku Codsanayaa In Wixii Ay Kala Tirsanayaan Lagu Dhameeyo Walaaltinimo Iyo Nabad Gelyo,Sidoo Kale Waxaanu Ka Cod Sanaynaa Beelaha Walaalaha Ah Ee QAAYAD IYO BAHARSAME In Ay Nabad Ku Dhameeyaan Arimaha Ka Dhexeeya Ee Ee Ay Hada Gacanta Ku Hayaan
9 Gabegabdii,Waxa Uu Shirku Ansixiyey Magacyada Gudida Guud Ee Beelweynta Garxajis Oo Ka Kooban 21 Xubnood.Musdanbeedka Marjaca U Noqonayaa Ay Yihiin Salaadiinta,Waxa Kale Oo La Ansixiyey Xeerkii Gudida Guud Ee Beelweynta Garxajis Lagu Hagi Lahaa Waajibaad Kooda Wax Qabad Ee Lagula Xisaabtami Lahaa
19 Ugudanbayntii,Waxa Uu Shirku Ugu Baaqay Beelaha Somaliland Ee Walaalahood Ah Nabad,isqadarin,wada-noolaansho gacaltooyo iyo in lawada ilaashado qaranka ku dhisan sinaanta iyo cadaalada,wadatashi,isku tanaasul iyo isku joojinta caqabadaha qaran lagaga bixi jiray ee aynu hore ugu caana maalnay

shirka beela weynta garxajis ayaa waxaa kasoo qeyb galay xidhitaankiisa marka laga imaado ergadii beeshaasi ku abtirsaneysay ee shirka kujirtay
salaadiin,boqoro,ugaasyo ,iyo madax dhaqamed tiro badan kuwaaso kasoo kala socdaalay gobolada dalka oo dhan sida suldaanka guud ee beesha habar jeclo Suldaan cabdilaahi suldaan cali , suldaanka guud ee beesha subeer awal suldaan xasan suldaan cabdilaahi,suldaanka guud ee salaadiinta samaroon suldaan cabdiraxmana jamac dhawal ,boqorka beelaha gabooye boqor axmed iimaan warsame ,suldaanka beesha ciisa muuse suldaan maxamuud axmed sheekh ,suldaan daakir ,suldaanka beelaha warsan gali iyo suldaanka guud ee beesha ayuub
waxaana halkaasi ay ka jeediyeen kalmado lagu sharfay yagoona ​