Warsaxaafadeed R-Wasaaraha Somaliya oo soo xidhay kulan looga hadlayay Qabyo-tirka Dastuurka dalka‏+Sawiro

0
770

Ra’iisul Wasaaraha oo soo xiray kulan looga hadlayay Qabyo-tirka Dastuurka dalka

Muqdisho,(Warsugammews) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashid Sharmarke ayaa maanta soo xiray kulan muddo labo cisho ah u soconayay xubno matalayay bulshada rayidka ee maamulada gobolada iyo degmooyinka dalka, sida wakiilo ka socday degaanada Puntland, Galmudug, Jubbaland, Koofur Galbeed, Sh/hoose, Hiiraan iyo gobolka Banaadir, waxaana kulankan soo qaban qaabisay Wasaaradda Dastuurka iyada oo looga tashanayay sidii bulshada rayidku qeyb uga qaadan laheyd Qabyo-tirka Dastuurka dalka.

Gabagabadii kulankan ayaa laga soo saaray 14 qodob, oo ay bulshada rayidku u aragtay inay ku haboontahay in lagu kordhiyo Dastuurka dalka, maadaama uu yahay Qabyo, loona baahan yahay in ka hor 2016-ka Qabyo-tir lagu sameeyo, waxayna ballan qaadeen inay qeyb libaax ka qaadan doonaan sidii bulshada Soomaaliyeed gudaha iyo dibedda loo fahamsiin lahaa Dasatuurka, looguna wacyigelin lahaa dhowristiisa.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke oo hadal ka jeediyay goobta ayaa xusay muhiimada wadatashiga uu u leeyahay dhameystirka Dastuurka, wuxuuna carabka ku adkeeyey in bulshada rayidku ay laf dhabar u yihiin Qabyo-tirka Dastuurka, maadaama ay yihiin dad dhex dhexaad u ah bulshada, una adeega.

“Dalkeena waxa halkaan dhigay waa Xasilooni darri siyaasadee, waxa maanta aan ka shaqeyneynona waa sidii loo dhameystiri lahaa Dastuurka dalka, si loo helo xasilooni siyaasadee, maadaama Dastuurku qeexayo awoodaha Dastuuriga ah” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo kula dar daarmay wakiiladii bulshada rayidka in aysan ku saleyn siyaasad iyo rabitaan shaqsi, balse ay ku saleeyaan danaha ummadda iyo wacyiga dalka.

“Mudada yar ee aanu heysano, waxaa nalooga fadhiyaa inaan ku dhameystirno Dastuurka, isla markaana dalka loo helo nidaam suurtagalin kara doorasho, maadaama aan la socono in dalka maanta aysan ka dhici karin doorasho hal qof iyo hal cod ah” ayuu mar kale yiri Ra’iisul Wasaare Cumar, wuxuuna ugu dambeyntii kula dardaarmay in wax kasta loo waajaho wadajir iyo wadatashi.

—DHAMAAD—-

IMG_5098

IMG_4996

IMG_4999

IMG_5013

IMG_5056

IMG_5068

Press Release

Mogadishu, August 31.2015—-The Prime Minister of the Federal Republic of Somalia H.E. Omar Sharmarke today concluded a two day long conference attended by the Civil Society from both regional and district level local governments. There were also representatives from the Regional States – Puntland, Galmudug, Jubbaland, South-West, and from Hiran and Middle Shabelle and Banadir. The conference was organized and facilitated by the Ministry of Constitution with the aim to include the civil society in the process of finalizing the Provisional Constitution.

In the conclusion the attendees proposed to insert 14 points in the Provisional Constitution before concluding its provisional period on 2016. And they have pledged to raise the awareness of the general public both in the domestic and Diaspora in order that it is fully comprehended.

The Prime Minister in his closing remarks stressed the importance of the consultative process for the completion of the Constitution. He pointed out that the Civil society are the core essential to be part of this process to make the Provisional Constitution complete.

“Our country has suffered from a long period of political instability, today we are working on completing the final drafts to the Constitution in order to attain political stability governed by a strong and solid Constitution”..this was said by the Prime Minister who also advised the Civil society not to be influenced by anything else other than the National Interest and what is best for the country.

“In the remaining short period of this tenure it is expected of us to complete the Constitution, and at the same time create an ‘electoral process’ that is viable since the much expected ‘one person one vote’ process is inapplicable because of circumstances”, said Prime Minister Sharmarke in his closing remarks. And finally urged the importance to approach these tasks in unison.

—-ENDS—-

Muqdisho

Wasrugannews
warsuganmedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here