Warsaxafadeed uu soo saaray Xoghayaha Xidhiidhka gobalada iyo Degmooyinka Xisbiga UCID

0
436

JAMHUURIYADDA SOMALILAND REPUBLIC OF SOMALILAND

XisbigaCadaaladda Iyo Daryeelka
UCID
Justice and Welfare Party
حزب العداله والرأفة

Ref/UCID/XDH/070/2015 Date: 24/08/2015
Hargeisa

Warsaxaafadeed

Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka UCID Waxaa uu Halkan ku Cadaynayaa inaan habayaraatee Cid Xisbiga XilKa haysay oo iska Casishay aanay jirin Isla Markaana ay Wax La layaabo Nagu Noqotay Markii aanu Website yada Qaar kamida ku Aragnay Xubno aan Xilba Ka haynin Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka Laanta GobolkaTogdheer ay ku Andacoodeen Inay Xisbiga iska Casileen, Hadaba Waxaan Halkan ugu Cadaynayaa Shacabka Reer Somaliland gaar ahaanTaageerayaasha qiimaha badan ee Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka UCID in Xubnahan uu ka mid yahay Mukhtaar Maxamed Jaamac hore looga qaaday xilalkii ay xisbiga u Hayeen,

Waxaan Halkan idiinku soo lifaaqayWarqadii aan xilka kaga qaaday xubanahan sheegtay inay is casileenTaariikhdu markay ahayd. 21/05/2015 sida warqada xilka qaadista ku cad hadaba waxaan leeyahay warbaahintu ha iska hubsadaan intaanay qorin wararka noocan oo kale ah.

ALLA MAHAD LEH

Xog/ Xidhidhka Gobolada iyo Degmooyinka Xisbiga UCID
Md: Cabdiqani Ibraahim Salaf _____________________

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here