Wasaarada Arimaha Gudaha Oo Ka Fal Celisay Wararka Sheegaya In Dawladaha Hoose Kabkii Laga Joojiyay

0
405

Wasaarada Arimaha Gudaha Oo Ka Fal Celisay Wararka Sheegaya In Dawladaha Hoose Kabkii Laga Joojiyay.

Hargaysa(warsugannews)Wasiir Ku xigeenka Maamulka iyo Degmooyinka ee Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Axmed Cadare ayaa waxba kama Jiraan ku sheegay Wararka Sheegaya in Hanti Dhawrka Qaranka Somaliland Joojiyay Kabkii Dawladaha Hoose Lasiin Lasiin Jiray,Markii Ay Xisaab Xidhkii lix Biloodka Ahayd Soo gudbin Wayeen.

Hanti Dhawrka ayaa laga wariyay inuu Joojiyay toddobo Degmo Kabkii Ay dawladu Siin jirtay Kuwaas oo Kala Ah Sida uu Baahiyay Wargayska Himilo,Berbera,Burco,Ceerigaabo iyo Oodwayne,Wasiirka Ayaa cadeeyay inaanay wali Waxba Soo gaadhin,Balse Cidii Qortay Looga Baaha yahay in Ay soo cadeyeen.

Wasiirka oo HadhwanaagNews Khadka Taleefanka Kula Xidhiidhay ayaa Bayaamiyay inaanu wali Warkaasi haynin,waxbana Wali soo gaadhin Qoraal uu qoray Hanti dhawrka Somaliland waxaana uu yidhi. “Warkaas Mahayno,Haday Qoreena iyaga ayaa Xaqiijin Doona,Lakiin Anaga wali waxba Namay Soo gaadhin,Warkaas Cidii keenta ayaa looga fadhiyaa in ay Soo cadeyeen waxba Kama jiraan.ayuu yidh isaga oo War intaas kaa Faah-faahsan Ka gaabsaday inuu yidhaah.

Xeerka Goleyaasha Deegaanka Xeer No. 17, gaar ahaan QODOBKA 89aad oo ka hadlaya XISAAB XIDHKA GOLAHA DEGMADA oo sheegaya in Xisaab-xidhyada Goleyaasha Deegaanku noqdaan qaar ku muddeysan Hal bil, saddex bilood ama Sannad isla markaana ay u gudbinayaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo leh hubinta iyo sixidda shuruucda Xisaabaadka, halka Xafiiska Hanti-dhowrka Guudna loo gudbinayo Nuqul ka mid ah Xisaab-xidhka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here