Wasaarada Duulista iyo Maamulka Madaarka Oo Abaal Mariyey Shaqaalihii Ay Hawlkarka U Arkeen Sandkan Galbaday

0
423

Wasaarada Duulista iyo Maamulka Madaarka Oo Abaal Mariyey Shaqaalihii Ay Hawlkarka U Arkeen Sandkan Galbaday

“waxa la yidhi lacag badan oo kusoo gasha waxa ka fiican adiga oo lacag yari kusoo gasho oo maarayn karaaya”Wasiirka Duulista.

Hargaysa 27 12 2016 (WSN) Shirkii Sanadlaha ahaa ee ay ku kulmijreen Masuuliyiinta Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka iyo Hawlwadeenada Madaarka Cigaal International Airport, ayaa saaka ka qabsoomay Hoolka dhoofayaasha ee Madaarkaasi, Shirkan oo ay ka soo qaybgaleen Wasiirka Wasaarada Duulista, Wasiirudawlaha Wasaaradad Duulista,Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Duulista, Agaasimaha Guud ee Wasarada Duulista, Abaanduulaha Ciidanka Qaranka, Maamulaha Madaarka iyo Kuxigeenadiisa, iyo Shaqaale Weynaha Madaarka, ayaa waxaa lagu abaal mariyey tiro kooban oo loo arkay in ay yihiin, shaqsiyaadka ugu firfircoona xaga shaqada.

Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland Farxaan Aadan Haybe oo shirka ka hadlay ayaa waxa uu Shaqaalaha Ku waaniyey dhawar arimood, halka uu arimo kalena uga digay, isaga oo arimahasi ka hadlaaya ayaa waxa uu yidhi “Laba shaybaan idinkula dardaarmayaa , Inaynu hiigsi yeelano oo nin walba kaalinta uu joogo is odhan halkaas ayad fadhiyaysaa, dee waa laysugu imanyaa waxa laga yaabaa in Madaarkan Terminal cusub loo dhiso inuu habkan wax ka bedelmo, in ama qaabkiisa wax iska bedelaan dabadeedna la yidhaahdo maxaad taqaanaa, oo aanay noqonin yaad taqaanaa, taasina waxay keenaysaa inad dedaashaan oo aqoontiina kobcisaan, oo akhlaaqiyaadkiina iyo himiladiina fogaysaan, oo habka aynu ula macaamilayno Dadka dhoofaya iyo kuwa inoo soo degayaba dabeecad iyo dhaqan wanaagsan aan kula dhaqano, wax allaale wixii ka reeban Madaarkana la joojiyo, aad baan anigu ula socdaa dhaqdhaqaaqa Madaarka iyo kuwa kaleba gaar ahaana Madaarkan maalin walba warbixin baa ii yimaada maalinkasta oo aan xafiiskayga fadhiisto waxa lay keenee warbixin oo ama wax ka dhacaya inta badan todobaadkii waxaan soo maraa hadaanan shaqo kale yeelan shan cisho.”

Wasiirka oo shaqaalaha ku war galinaya in uu dhamaan dhaqdhaqaaqooda shaqo la socdo, ayaa waxa uu yidhi“Kormeekayguna waxa uu yahay indha indhayn wax badan oo an arkay, hadii ay tahay shaqaalaha laftiisa iyo waxyaabo badan oo toosin u baahan, anigu inta badan Hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa muxaliga ah baan la shaqayn jiray waxay leeyihiin nidaam ay u shaqeeyaan, nidaamkuna waa waxa wax kala haga, waxa la yidhi lacag badan oo kusoo gasha waxa ka fiican adiga oo lacag yari kusoo gasho oo maarayn karaaya, waxaan uga jeedaa inaynu maamulka iyo, la macaamilka tayayno waa waxa ay aduunyadu horumar ku gaadhayso.”

Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Duulista iyo Hawada Axmed Nuur Faahiye oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu shaqaalaha ku amaanay dadaalkooda, waxaana ka mid ahaa hadaladiisa “Waxaan aad idiinka mahadnaqayaa adkaysigiina, kartidiina, iyo dedaalkiina, shaqaalaha wasaaradda duulista, gaar ahaan shaqaalaha madaarka Hargeysa”.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Cumar C/laahi Aadan ayaa tibaaxay korodhka Dadka Wadanka yimaada ama ka dhoofa, sidoo kalena amaan u jeediyey Ciidamada kala duwan ee ka hawlgala Madaarkaasi, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa:-“Sanad walba dadka Somaliland soo booqanaya waa ay kordhayeen waxa aanay kordhayeen inta u dhaxaysa 10% ilaa 20%, sanad walbana waa ay kordhaan rakaabka ka soo degaya madaarku, waxaan bogaadinayaa shaqaalaha ka socda Laanta socdaalka Somaliland oo suurto galiyey in Tahriibayaashii ka dhoofayey madaaradu ay ka joogsadaan, ciidamada ammaanka ee Milatariga iyo Booliska ayaan iyaguna bogaadinayaa oo inagu halka ay xafiisyada quruxda badan ka fadhino ay iyaguna bacadka iyo dhaxanta u taagan yihiin inay diyaaradaha amnigooda ilaaliyaan”.

Abaanduulaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sareeye Guute Ibraahim Bare oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu tilmaamay doorka ammaan ee ay ciidankoodu ku leeyihiin Madaarka caalamiga ah ee Egal International Airport, isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Anaga kalmada amniga ayaa na khusaysa dadka ku hawlan ayaanu nahay halkan amnigeeda oo dedaalka ku bixiya wasaaradduna aadbay u mahadsan tahay”.

Maamulaha Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal Maxamed Yuusuf Ismaaciil ayaa isna faahfaahin ka bixiyey ujeedka shirka, waxana uu yidhi “Xafladani waa munaasibadii sanadlaha ahayd ee aynu sanad walba qabsan jirnay iyada oo shaqaalaha dedaalka dheeraadka ah muujiyeyna la abaal mariyo, isla markaana ay soo mareen heerar kala duwan noocyada abaal marineed ee la siiyaa, maantana shaqaalaha qaar ka mid ah waxa aynu isugu dari doonaa Shahaado sharafyo iyo abaalgud kale oo wanaagsan, waxaanan halkan uga mahadnaqayaa wasiirka iyo masuuliyiinta kale ee wasaaradda Duulista iyo hawada ee suurto galiyey hirgalinta Shirkan”.

Maamulaha oo ka warbixinaya Duulimaadyada iyo Rakaabka Sanadkan dhoofay ayaa yidhi“Sanadkan waxa uu ahaa sanadkii aynu ugu rakaabka (passenger) badnayn uguna duulimaadyada badnayn, tirada rakaabka sanadkan ee aynu u shaqaynay waxa ay gaadhayaan 149,918 (Boqol iyo sagaal afartan kun, sagaal boqol iyo sideediyo toban) rakaab ayaa sanadkan ka soo degay gegida oo aynu u shaqayanay, waana markii u horaysay ee tirada intaasi le’eg ka dhoofaan kana soo degaan taariikhda madaarka, dib markii aynu qiimaynay ee aynu eegnay awal dadkaasi marba waxbay ka caban jireen ee aynu sanduuqii soo jeedinta iyo cabashada dib u eegnay 90% (boqolkiiba sagaashan) dadka ka dhoofa kana soo dega madaarku waxa ay noqdeen rakaab ku qanca sida aynu u shaqaynayno, taasina waa ta keentay in la idiinka abaal mariyo la idiinkana mahadceliyo shaqadaasi fiican ee aynu soo qabanay”.