Wasaaradda Ciyaaraha Iyo Waddani Oo Siyaabo Kala Duwan Uga Hadlay Ciyaaryahano Reer Togdheer Ah Oo Kharash La’aan Ka Cawday

0
307

Wasaaradda Ciyaaraha Iyo Waddani Oo Siyaabo Kala Duwan Uga Hadlay Ciyaaryahano Reer Togdheer Ah Oo Kharash La’aan Ka Cawday

Hargeysa(Warsugan) Garabka dhalinyarada xisbiga mucaaradka ah ee Waddani iyo dhalinyaro reer Togdheer ah ayaa shalay saxaafadda wada jir ula hadlay waxaanay sheegeen in wasaaradda ciyaaruhu hagratay dhalinyaro ciyaartoy ah. dhalinyarada oo xilligan waxbarashada fasaxa lagaga jiro ciyaaro saaxiibtinimo u yimid Hargeysa ayaa maalmihii u dambeeyay saxaafadda u sheegayay in masuuliyiinta wasaaraddu albaabada ka soo xidheen, islamarkaana diideen gargaar ay uga baahdeen.

Hase ahaatee masuuliyiinta wasaaradda ciyaaraha ayaa sheegay inaanay aqoonsanayn ciyaartoygaasi. Wasiirka iyo isuduwaha gobolka Togdheer oo ka jawaabayay dhalliisha dhalinyarada xisbiga Waddani noolyay ayaa sheegay inaanay ahayn ciyaartoy ogolaanshahooda kaga yimid Burco “ Horta waxaan la yaabanahay in la iska hadla uun, wax meesha qabatana maaha, innamada yaryar ee Burco ka yimid waxaanu ka ogayn ma jirto, isu duwane wuu noo joogaa, meel ay nagaga imanayaana ma jirto, laba jeer oo horena way ii soo martay inamo ii yimid oo yidhi reer Burco ayaanu nahay oo aan noolyay, markaa hadday wax iska socota noqoto wax soconaya maaha,” ayuu yidhi wasiirka ciyaaruhu.

Geesta kale garabka dhalinyarada oo ciyaartoyga ku qaabilay xarunta xisbigaasi ayaa sheegay in markii dhalintaasi ku gadoonsan Hargeysa ay warkooda heleen u gudbiyeen guddoomiyaha Waddani, islamarkaana uu degdeg uga jawaabay ambabixintooda. Dhalinyarada ayaa sidoo kale ka mahad sheegtay xisbiga Waddani oo ay tilmaameen inay ka heleen waxay ka waayeen wasaaradda ciyaaraha u qaabilsan Somaliland. sidoo kalena masuuliyiinta garabka dhalinyarada ayaa wasaaraddaasi ku dhalliilay fadhiidnimo.

“Dhaliyarada waxaan leeyahay qofkii wax inoo qabanaya waa inaynu raadsanno, haddii dhalinyaradii tahriibtay, intii joogtayna aan waxba loo qabanayn lana danaynayn, hadday xukumaddu leedahay dhalinyarada codkii waanu ka haysanaa, wax Kulmiye noogu hadhay ma jiro,markaa xisbiga Waddani ayaanu isbedel ka doonanaynaa.. waxaanu ku faraxsanahay in xisbiga Waddani na gacan qabtay, wasaaraddii aanu ku hungownayna aanay jirin cid noo soo jeeday, qof walbana uu iska kaayo dhaafayay, dhalinyaradiina aan la danaynayn,” ayaa ka mid ahaa hadallada dhalinyarada ciyaartoyga ah ee Burco ka yimid.
Masuuliyiinta garabka dhalinyarada xisbiga Waddani ayaa sheegay inaanay xisbi ahaan haysan dhaqaale buuran maadaama aanay jirin cashuur ay qaadaan, xisbiguna ku dhisan yahay qaadhaanka xubnaha laga qaado, balse ay intii karaankooda ah dhalinyaradaasi siiyeen sahay ay kaga ambabaxaan magaalada Hargeysa oo ay muddo dhawr cisho ah ku sugnaayeen, kana soo rajo dhigeen wasaaradda ciyaaraha.

Xigasho Wargeyska Warsugan