Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland ayaa maanta Afhayeenka Wasaaradda u Magacawdey C/kariim C/laahi Daahir ”C/raxmaan Wirdaani”

0
616

Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland ayaa maanta Afhayeenka Wasaaradda u Magacawdey C/kariim C/laahi Daahir ”C/raxmaan Wirdaani”

War-saxaafadeed

Digreeto Magacaabis oo kasoo baxdey Xafiiska Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta Somaliland ayaa u dhignaa sidan.

Ujeedo: Magacaabis

Kadib markii aan ogaanay in baahi weyn wasaaraddu u qabto xafiis qaabilsan xidhiidhka saxaafadda isla markaana indho-indheynay masuul gudan kara hawshaas, waxaan ku qanacnay aqoonta iyo xirfadda waayo-aragnimo isla mar ahaantaana aan tixgaliyey baahida loo qabo buuxinta jagadaas waxaan go’aansanay in

C/kariim C/laahi Daahir ” C/raxmaan Wirdaani”
laga bilaabo taariikhda maanta oo ah 16/12/2015 loo magacaabay madaxa xidhiidhka saxaafadda ahna afahayeenka Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland.

Haddaba waxa la farayaa masuulkan inuu xilkaas loo magacaabay uguto si daacadnimo hawlkarnimo ku jirto

Dhammaan warbaahinta nooceeda kala duwana waxa laga codsanayaa in wixii Wasaaradda khuseeya kala soo xidhiidhaan masuulkaa loo magacaabay.

Alle Mahad Leh