Wasaaradda Waxbarashada iyo Jaamacaddaha Maxalliga ah Oo Dalka Jordan Kaga Qayb Galay Shirka Jaamacaddaha Carabta iyo Shiinaha

0
374

Wasaaradda Waxbarashada iyo Jaamacaddaha Maxalliga ah Oo Dalka Jordan Kaga Qayb Galay Shirka Jaamacaddaha Carabta iyo Shiinaha

Hargeysa(Warsugan) Wasaaradda waxbarashada Somaliland iyo guddoomiyeyaasha jaamacaddaha maxalliga ah qaarkood ayaa ka qayb galay shir Jaamacaddaha Carbeed iyo Shiinuhu ku yeesheen waddanka Joordan, kulankaasi oo ay tilmaameen inay ka soo faa’iideen arrimo muhiim u ah jaamacaddaha Somaliland. kulanka oo furmay 26-kii bishii hore, waxaa ka qayb galay wasiiru dawlaha waxbarashada, madaxda jaamacaddaha Somaliland iyo masuuliyiin kale oo wasaaradda waxbarashada ka tirsan, waxaana lagu lafo gurayay is dhexgalka jaamacaddaha, kobcinta cilmi baadhista iyo horumarinta waxbarashada.

Guddoomiyaha Jaamacadda Golis ee Somaliland ayaa sheegay inay heshiisyo iskaashi la saxeexdeen jaamacaddaha shirka ka qayb galay“Shirka waxaa isugu yimid boqol iyo dhawr iyo toban Jaamacadood, 30 Shiinaha ka yimid iyo inta kale oo dalalka Carabta ahayd. Jaamacaddaha intii aanu arki karaynay waanu kulannay oo waanu is barangay, waa nala soo dhaweeyay qaarkoodna heshiisyo is afgarad ayaanu la saxeexannay.”

Guddoomiyaha Jaamacadda Burco, ayaa isna sheegay in waxyaabaha ka soo baxay shirkaasi cajab galiyeen “ Dhawr wax oo la yaab leh ayaa nooga soo baxay kulankaasi, waxaa nooga soo baxday in Jaamacadduhu yihiin qaali oo dal, dad iyo horumarba ku xidhan yihiin awood siinta jaamacaddaha, markaa way na cajab galisay in jaamacaddaha hawl culus loo igmaday,” ayuu yidhi guddoomiyuhu.

Wasiiru dawlaha waxbarashada Maxamed Aadan Cilmi, ayaa si buuxda ugu mahadceliyay waddanka Jordan oo uu sheegay inay casuumad rasmi ah ka heleen, islamarkaana la soo dhaweeyay “Safarku wuxuu ahaa safar aqooneed, wuxuu ahaa is dhexgalka jaamacaddo ka badan boqol oo Carabta iyo Shiinaha ka kala socday. Wasaaradda waxbarashaduna waxay u igman tahay inay aqoonta u raadiso dalkeeda, dadkeeda iyo ubadkeeda, meel kasta iyo jaho kasta oo ay ka kobcin karayso iyo cid walba oo ay xidhiidh la yeelan karayso ayay ku dedaalaysaa,” ayuu yidhi wasiiru dawluhu.

Wasaaradda waxbarashada Somaliland ayaa muddooyinkii u dambeysya xidhiidh la lahayd isu tagga jaamacaddaha Carabta, kuwaasi oo qiimaynaya Jaamacaddaha Somaliland si ay iskaashi ula sameeyaan Jaamacaddaha Carbeed, taasi oo la rumaysan yahay inay taageero ka heli karaan Jaamacaddaha Somaliland oo la dhalliilo tayadooda waxbarasho.

Xigasho Wargeyska Warsugan