Wasiiirka Madaxtooyada Iyo Weftigii Uu Hogaaminayay oo kulan la qaatay Cuqaasha & Salaadiinta Gobolka Gabiley

0
422

Wasiiirka Madaxtooyada Iyo Weftigii Uu Hogaaminayay oo kulan la qaatay Cuqaasha & Salaadiinta Gobolka Gabiley

Gabiley(WSN)Wasiirka Madaxtooyada Somaliland iyo weftigii uu hogaaminayay ayaa kulan la qaatay Cuqaasha iyo Salaadiinta gobolka Gabiley.
Kulankan oo darnaa derder gelinta hawlaha kaadh qadashada gobolka Gabiley iyo u kuur galida xaalada Guud ee Gobolka ayaa aad laysugu xog waraystay, waxanay Weftiga Xukuumadda ka socday ku booriyeen sidii kaadhadhka qadashadooda loo dhamaystiri lahaa madaama wakhti yari ka hadhay, Dhinaca kale waxay Cuqaasha iyo Salaadiintu ka xog warameen xaalada Guud ee Gobolka gabiley iyagoo halkaasi ka muujiyey isku duubni.

Wasiirka Madaxtooyada iyo weftiga uu hoggaaminayay waxay aad u bogaadiyeen sida habsamida ah ee ay Gobolka Gabiley uga socoto hawsha kaadh qadashadu taas oo ku dhaw dhamaad, waxa kale oo ay ku amaaneen in dhamaan saladiinta iyo cuqaasha Gobolka Gabiley ay yihiin dad midaysan oo danta dadka iyo ta gobolkaba meel uga soo wada jeeda.