Wasiir Cadaani: Hadaad ka sifaysay Wasaarada, shaqaalahana ka fogee gumarada Xaaduq Gaamuray (Cashuur) Yaasmiin Nuur-yasiimnuur@gmail.com

0
403

Wasiir Cadaani: Hadaad ka sifaysay Wasaarada, shaqaalahana ka fogee gumarada Xaaduq Gaamuray (Cashuur)
Yaasmiin Nuur-yasiimnuur@gmail.com

Salaan ka dib, waxa labadii maalmood u dambeeyey hadal-haynta bulshada qaarkood wadeen faalaynta dhacdo fool-xun oo wasaarada warfaafinta Somaliland ka dhacday, isla markaana Wasiir Cadaani ka qaatay go’aan geesinimo leh. Laakiin, hadal haynta dhacdadaa ayaad moodaysay dadka qaarkood inay dhaliilayeen talaabada wasiirku ka qaatay, kuna hadaaqayey ereyo ay ka mid ahaayeen “maxuu shan milyan ka sheegayaa in la xaday, malaayiin ayaa wasaaradaha kaleba laga qaataa, oon la sheegine” waxaa maskaxdayda ka weynaatay, tolow ma ka dhabaa inay aragtiidaa aaminsan yihiin! Oo tolow miyaanay ogeyn in xatooyadu tahay dembi culus diinteena, oo ciqaabaheeda ka mid tahay goynta gacantii geysatay! Isweydiiyey tolow dadkani miyaanay diinta islaamka aqoon wanaagsan u lahayn, halkay ku ilaaween ama isaga idho-saabayaan xadiiskii nebigeena Maxamed CSW ee macnahiisu ahaa “Qofkiina arka xumaan, ha ku bedelo, gacantiisa, afkiisa, ama niyada haka naco” tolow xatooyadu miyaanay ahayn xumaan iyo dembi, mise sidaaba uma haystaan? Waxaan leeyahay, ogaada in qof walba maalin dambe la weydiin doono dhacdadaa xatooyada xoolaha ummada halkuu ka istaagay?
Ta labaad, ee layaabka igu noqotay waxay ahayd nin magaciisa lagu sheegay abwaan cabdiraxmaan cumar cashuur oo shaqaale ka ahaa, ma filayo inuu mutaysto dib ugu soo laabashadeedee, isla markaana, wakhti aan qiyaas lahayn ugu tasarufayey gudaha wasaarada Warfaafinta, una ahayd hoy (hadda ogaada goobta hoyga ninkaasi ka dhigtay waa wasaaradii halbowlaha koowaad u ahayd qaranka Somaliland) oo markii dhacdadii xatooyadu timi Wasiirka warfaafintu amray inaanu dib ugu dhexnoolaan gudaha wasaarada, ay inkaloo dadkaan sare ku soo sheegay ee maskaxda ka madhnaa ku doodeen waa lagu khaldamay abwaanka iyo intii wasiiradii hore joogeenba wuu u hoyan jiray gudaha wasaarada! Tolow, waxani isyeelyeel ka badane ma ka bes’baa, ilayn caqliga saliimka ahi wuu diidayaa doodoodee! Mar labaad waxaan leeyahay Wasiir Cadaani, talaabo masuuliyada aad ummada u haysid ee amaanadeeda lagugula xisaabtami doono ku farayso ayaa qaaday, oo gudatay, iyadoo ay tahay “laa shukra calal-waajib” haddana HAMBALYO, waxaad asiibtay go’aan saaxiibadii kaaga horeeyey wasaarada (Wasiirada) ay garan-waayeen ama indhaha-ka qarsadeen, kuna ah dhaliil saran, waxaanan tallo kuugu soo jeedin lahaa inaanad dib ugu ogolaan shaqsigan damiirkiisu qooman yahay, kana baxay xeyndaabkii anshaxa shaqaalenimo iyo dadnimaba ugu soo laabto gudaha iyo ka sii mid noqoshada hawl-wadeenadeedaba, ilayn, hadii kale, waxuu dhxalkeedu noqonayaa inuu sadheeyo inta kale, ilayn (baruur xun ayaa baruuraha kale QUDHMISEE).

Balse amakaagii ugu weynaa waxuu yimi markaan maqlay ninkii sharci-darada ugu takrifalayey hantida ummada, ee abwaan cashuur ayaa tiriyey gabay uu aflagaado iyo deelqaaf kula dulkufay masuuliyiin uu ugu horeeyo Wasiir Cadaani, sharafta beelo dhan iyo wax kale iska daayoo Madaxweynahii sharafta iyo qadarinta shacabka Somaliland dhamaantood sitay ee Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo), waar ilayn af aanad lahayn ma qabatid- xadiis nebigeena Maxamed CSW ayaa macnahiisu ahaa “Hadii aanad xishoonayn samee waxaad doontid”, la yaab, tolow miyuu caqligiisu siin-waayey bal waxuun xeeri! Waxaan xusuustay ereyo hore abwaan u tiriyey oo ka mid ahaayeen “Guddo-baas mid laga keenay iyo Garac-xun mooyaane, ma gilgilo duqeytida ninkii AW ka soo go’ay. Bal adba.

Waxaan isyara weydiiyey, tolow ninkani ilayn garaadkiisu intaad garanaysid kuma hagi waayine, maxaa jira? Miyaanu lahayn reer iyo ehel qabta ama ka taageera aradka uu ku jiro! Maxaa keenay inuu dhex seexdo sandaqad gudaha wasaarada warfaafinta ah oo loogu tallogaly in shaqaalahu ku nastaan, balse uu kala wareegay, halka intaanu helin horteed lagu arki jiray isagoo hurda dhirta wasaarada gudaheeda, waxaan dib ugu laabtay baadhitaanka taariikhdiisi hore, taasoo aan ka helay jawaabtii aan isweydiinayey, kuna qancay natiijadii ka soo baxday iyo inuu yahay mid HABAARAN.
Waxa lay sheegay inuu soo habaaray abwaan cashuur wadaadkii diinta baray oo jooga magaalada Arabsiyo, markii khaatiyaan ka joogsadeen ummadii, kuna yidhi, “Orod naga tag-Ilaahay wax kheyr leh kuma tusee”, waxaana lay sheegay in muddo dambe hooyadii wadaadkii ku tidhi inankaygii waad iga lumisay, taasoo ku kelifi jirtay wadaadka inuu muddaba mar ugu yimaado geedaha wasaarada, si uu hooyadii u soo tuso, balse intii muddo uu ka gaabsaday, markuu cago-jiid ka dareemay ka wardoonka hooyadii dihatay, dee, bal isweydiiyoo ninkan hooyadii kala masuuqay inay ku idha-doogsato aragtidiisa, ma qeyrkeed ayuu hadh u jiidayaa, waa MAYA, kolay habaarkii Wadaadka iyo huqdii hooyadiiba way haysataa.
Waxaan kaga baxayaa, inkastoo anshaxa warbaahinta aanay ku haboonayn gudbinta macluumaadooda waxii xeyndaabka dhaafa, sida hantaatacii ninkaa madhan, haddana, hadii qaarkeed tebiyeen, waxaan ka codsanayaa dhamaan intii hore u baahisay iyo inta kaleba inay ummada u bayaamiyaan wacyiga ninkaasi taagan yahay, ilayn inbadan oo sidayda la yaaban ayaa jirtee, si ay jawaabteeda u helaan. Sidoo kale waxaan ka codsanayaa inay xaal gobeed ka qaataan deelqaafka uu ninkaasi anniga iigu suntamay (Xaaduq Gaamuray) kula dulkufay, uguna horeeyo Madaxweynaha Somaliland ee sharafta ummadiisa iyo annigaba ka mudan, guud ahaan bulshada Somaliland iyo gaar ahaan beelaha uu aflagaadada u geystay ( tolow markuu leeyahay Cidaad tahay sida auma dhaqmaan-ma waxuu u haystaa dad qariya xatooyada, mise way qarin lahaayeen ayuu ula jeedaa) uguna dambeeyo Wasiir Saxardiid Cadillahi Cadaani, oon leeyahay xaasha’e ma geydaan ereyadaase, inta samaanta jecel wejigoodana ku saamax, Ilaahay wuu jecel yahay adoomahiisa wax cafiyee, laakiin, ka dhex-saar xumaantan socota xeyndaabka wasaarada iyo shaqaalahaba, ilayn “kab iyo xaarkeed waa laysku tuuraaye” kugula talinayaa sidii abwaankii lahaa (Kac Gardaadi wiil lama yidhaah Xaaduq Gaamuray-Inuu gumaradiisi dhaxlaa looga gudayaaye) inaad ninkaa sidaad uga sifaysay Wasaarada, uga fogeysid shaqaalahana, gumarada XAADUQ GAAMURAY (Cashuur).
(Afeef: hadii ay ku jiraan hadalkayga ereyo deelqaaf ah, waan ka raaligelinayaa bulshada, laakiin, marka loo eego Xaaduq Gaamuray, way ku yaryihiin.)