Wasiir Cukuse “Dadkaanu Waydiisaynaynaa Qaadhaan, Si Ale Sidii Aanu Qaadhaan Kaga Heli Karayno Ayaanu Yeelaynaa”

0
392
????????????????????????????????????

Wasiir Cukuse “Dadkaanu Waydiisaynaynaa Qaadhaan, Si Ale Sidii Aanu Qaadhaan Kaga Heli Karayno Ayaanu Yeelaynaa”

“Halkan Madaxtooyo Ayaa La Yidhaa, Aniga Ayaa Madaxweynaha Iyo Guddoomiyaha Xisbigaba Afhayeen U Ah”

Hargeysa(Warsugan) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, oo ay weheliyaan musharaxa Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo masuuliyiin xukumadda ka tirsan ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtay. Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa muddo socdaal ugu maqnaa dalka Imaaraadka Carabta oo uu uga sii gudbay waddanka Ingiriiska.

Madaxweynaha iyo weftigiisu markii ay soo gaadheen Madaxtooyada waxaa saxaafadda uga warbixiyay socdaalkiisa wasiirka xannaanada xoolaha Somaliland, Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse, hase ahaatee wariyeyaasha ayaa sheegay inaanu ku habboonayn ka warbixinta maaddaama aanay shaqadiisa ahayn oo socdaalka warkiisa laga sugayay madaxweynaha iyo musharaxa Kulmiye laakiin, wuxuu doodaasi kaga jawaabay “Anigu waxaan ahay afhayeen sare(wakhti dheer), markaa afka aan idinkula hadlayaa waa af rasmi ah, halkan madaxtooyo ayaa la yidhaa, aniga ayaa Madaxweynaha iyo guddoomiyaha xisbigaba afhayeen u ah, wixii kale ee aad uga baahnaydna i waydiiya,” ayuu yidhi Mudane Cukuse.

Wasiirka oo ka warbixinaya socdaalka madaxweynaha ayaa sheegay in nuxurka safarka madaxweynuhu ahaa Imaaraadka, halka safarka Ingiriisku ahaa socdaal ololaha Kulmiye la xidhiidha “Socdaalka madaxweynaha waxay qaybtiisa hore ee muhiimka ahi ahayd waddanka Imaaraadka Carabta oo ay hawlo maalgalineed inoo socdaan, taas oo mashruucii DP World dhammaaday, waxaa haddana inoo bilawday wada hadallo aynu doonayno in dalkeenu gacan saar kala yeesho waddanka Imaaraadka dhinaca Ciidamada iyo maalgashiyada kale ee horumarineed, talaabada koobaad ee weftigu taas ayay ahayd,” ayuu yidhi Cukuse.

Geesta kalena waxa uu sheegay in socdaalka weftiga ee dalka Ingiriisku daarranaa ololaha doorashooyinka soo socda ee xisbiga Kulmiye.Waxa uu sheegay in xisbigu taageerayaal badan ku leeyahay dalkaasi, sidaasi darteedna boodhka laga soo jafayay ka hor doorashada horraanta sanadka soo socda.

Geesta kalena wariyeyaasha ayaa Wasiir Cukuse waydiiyay munaasibad Musharax Muuse Biixi kula kulmayay jaaliyadda, taas oo tigidhka lagu galayo dhinac sawirkiisa laga dhigay, dhinaca kalena lagaga qoray in qiimaha lagu galayaa yahay 20 Lacagta Ingiriiska ah, taas oo bulshadu falanqaysay, islamarkaana u eegaatay bandhigyada fannaaniintu dhigato ee dadka loo heesayaa ku soo galaan xafladdaha.

Hase ahaatee wasiir Cukuse wuxuu arrintaasi kaga jawaabay sidan “Fannaan maaha, waa waayo aragnimo kaa dhiman, waa waayo aragnimo aanad adigu adeer gaadhin” ayuu yidhi isagoo la hadlaya wariyaha su’aasha waydiiyay, waxaanu intaasi raaciyay “Xisbiyadu waxay urursadaan qaadhaan, waxaa ka muhiimsanayd adigoo I waydiiya ‘ doorashada ma hantida dawladda ayaa ku galaysaan mise kuma galaysaan? Taas baa ka muhiimsanayd, markaa dadkaanu waydiisaynaynaa qaadhaan, si Alle sidii aanu qaadhaan kaga heli karayno ayaanu yeelaynaa,” ayuu yidhi mudane Cukuse.

Ugu dambeya waxa uu wasiir Cukuse sheegay in xisbiga Kulmiye taageero balaadhan ku leeyahay dalka Ingiriiska, taasi oo farxad galisay “Waxaa naga soo farxisay xisbiga Kulmiye oo aad u abaabulnaa, taas oo la yaab leh oo wakhtiyaddii hore ee 2010-kii shucuurtii jirtay mid la mid ah ayay muujiyeen,” ayuu yidhi Mr Cukuse.

Xigasho Wargeyska Warsugan

Warsugan15@gmail.com

warsuganmedia@gmail.com

Hargeysa/Somaliland/office