Wasiir degay Guri aan musquluhu xabbad karin

0
488

waaxa qoreya yaasir br

Wasiirka gobolka Telangana ee Koonfurta dalka Hindiya ayaa la kulmay dhalleecayn iyo cambaarayn ba’an ka dib markii uu degay qasri hanti badan gashay oo ku kacay 7.32 milyan doolar (Todobo milyan sadex boqol iyo labaatan kun) oo ah lacagta canshuur bixiyayaasha laga qaado.
Guriga oo ku fadhiya 9 kun oo mitir oo isku wareeg wuxuu ku yaal faras magaalaha magaaladda Hyderabad, wuxuu leeyahay Musqullo xabaddu ka gudbi karin, Masrax 250 qof wax ku daawan karto, iyo Hool ama goob 500 qof ay fariisan karto. Waxaa intaas dheer in dhamaan daaqadaha guriga aannay xabaddu karin.
Koox wasiirka ay isku diin yihiin ayaa intii aannu u guurin waxay guriga u tageen si ay ugu duceeyeen, waxaase musqulaha xabbaddu karin ee gurigu leeyahay ay dhalisay in dadku ay si wayn u dhalleeceeyaan.Wasiir K Chandrashekhar Rao ayaa gurigaas Khamiistii u guuray ka dib markii hogaamiye diimeedka Chinna Jeeyar Swamy uu wardi diinta Hinduuga ah ku soo aqriyey.
Mr Swamy waxaa kale oo uu ku fariistay kuriga rasmiga ah ee wasiir Rao si uu u barakeeyo.
Guriga ayaa lagu magacaabay Pragathi Bhavan, waxaana lagu dhisay la tashi dhaw oo ku salaysan hab dhaqan diimeedka vaastu oo lala sameeyey koox quburo ah.
Mr Rao wuxuu si wayn u aaminsan yahay dhaqanka vaastu oo ah dhaqan soo jireen ah oo Hinduugu u adeegsado dhismaha.
Wasiirka ayaa bishan hortaanteedii wuxuu soo jiitay saxaafadda ka dib markii uu isku dayay in uu burburiyo dhisme dawladdu leedahay oo uu aaminsan yahay innaanay ku dhisnayn hab dhaqanka diineed kuwaasi oo nasiib xumo ku ah dawlad goboleedka.