Wasiir Ka Tirsanaan Jiray Xukuumadda Silaanyo Oo Wafti Dawlada Somaliya Ka Tirsani Ka Galbiyeen Shalay Nairobi, Kana Degay Magaaladda Muqdisho Iyo Xogta Rakaabkii La Socday

0
467

Wasiir Ka Tirsanaan Jiray Xukuumadda Silaanyo Oo Wafti Dawlada Somaliya Ka Tirsani Ka Galbiyeen Shalay Nairobi, Kana Degay Magaaladda Muqdisho Iyo Xogta Rakaabkii La Socday

Hargeysa(Warsugannews)Wasiir Ka Tirsanaan Jiray Xukuumadda Silaanyo Oo Wafti Dawlada Somaliya Ka Tirsani Ka Galbiyeen Shalay Nairobi, Kana Degay Magaaladda Muqdisho Iyo Xogta Rakaabkii La Socday
Rakaab Reer Somaliland Ah Oo FOORE U Xaqiijiyay Maxamed Cabdilaahi Cumar Oo Ay Hareero Socdaan Wasiir Jangali Iyo Ambassador Cali Ameerika Oo Ka Degay Muqdisho.

Wasiir ka tirsanaan Jiray Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo kana tirsan Xubnaha Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE ayaa ka degay Shalay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Xarunta Maamulka Xasan Sheekh ee Muqdisho,waxaana la noo xaqiijiyay inay Magaalada Caasimada Kenya ee Nairobi ay shalay ka soo galbiyeen Masuuliyiin heer wasiir leh oo ka tirsan Dawlada Soomaaliya.

Rakaab reer Somaliland ah oo goobjoog ahaa islmarkaana ku dhex sugnaa Garoonka Diyaaraduhu ka haadaan ee Nairobi ee Dalka Kenya oo u soo safrayay Somaliland ayaa indhahooda ku arkay Wasiirkii hore ee Wasaaradaha Ganacsiga iyo Arimaha Dibada Somaliland ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Maxamed Cabdilaahi Cumar oo la socday Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya kuwaasi oo shalay kawada duulay Garoonkaasi islamarkaana u sii jeeday dhinaca Magaalada Muqdisho. Warkan ayaa intaa ku daray in Diyaarada Maxamed Cabdilahi Cumar iyo masuuliyiinta kale Nairobi ka qaaday ay ahayd diyaarad ay leeyihiin Shirkada Eest Africa Airways ee Duulimaadyada ka shaqaysa.

Qaar ka tirsan rakaabkii Diyaarada la saarnaa Masuuliyiintan ee reer Somaliland ee arintani noo soo sheegay ayaa noo xaqiijiyay in Masuuliyiinta Soomaaliya ee Wasiirkii hore ee Ganacsiga Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar Nairobi ka kaxeeyay ay ka mid ahaayeen Wasiirka Wasaarada Duulista Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jangali iyo Safiirka Soomaaliya u jooga Dalka Kenya oo lagu magacaabo Cali America,waxaana la sheegay in Masuuliyiintaasi ay hareeraha ka socdeen islamarkaana ay ka dhaadhiciyeen Magaalada Muqdisho ee Xarunta maamulka Soomaaliya. Dadkii taransitka ku soo dhaafay Magaalada Muqdisho ee ay wada socdeen ayaa noo sheegay inay masuuliyiintaasi iyo Maxamed Cabdilaahi Cumar si wada jir ah ay kaga wada degeen Diyaarada Eest Africa Airways Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Muqdisho.

Lama garanayo sababta rasmiga ah ee ka dambaysa Safarka uu ku tagay Muqdisho Wasiirkii hore ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar wakhtigan iyo ujeedada iyo waxa israaciyay Masuuliyiin ka tirsan Dawlada Soomaaliya oo ay Somaliland fiint kala dhex miranayso,balse mudo aan sii fogayn ayay warbaahinta qaar ka faalootay Masuulkani inuu quudaraynayo inuu u shaqo tago Soomaaliya wararkaasi oo uu markii dambe masuulkani daadafiyay islamarkaana uu meel adag ka istaagay.

Waxa uu Maxamed Cabdilaahi Cumar ka mid yahay Xubnaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye waxaanay saaxiibo dhaw yihiin Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye laakiin in dhawayd iyo imikaba laguma arag saaxada Siyaasada Somaliland. Waxa uu sidoo kale ka mid ahaan jiray Golaha Wasiiradda Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo isagoo kaalin weyn ka soo qaatay guulihii iyo tartarnkii Xisbiga Kulmiye talada dalka ku hantiyay,balse mar qudha uunbay kala xidhiidh furteen Madaxweyne Siilaanyo,waxaana galaaftay Khilaafka Xisbiga kulmiye ee ilaa imika taagan.

Xigasho Fooore

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here