Wasiir-Ku-Xigeenka Amniga Oo Sheegay Inay Aaminsan Yihiin In Xisbiyada Mucaaradku Masuul Ka Yihiin Dhallinyarada Isku Dilka Xaafad Xaafadda

0
405

Wasiir-Ku-Xigeenka Amniga Oo Sheegay Inay Aaminsan Yihiin In Xisbiyada Mucaaradku Masuul Ka Yihiin Dhallinyarada Isku Dilka Xaafad Xaafadda

Hargaysa (Warsugannews)- Wasiir ku xigeenka amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, Cabdi Daahir Camuud ayaa sheegay in xukuumaddu aaminsan tahay in dhallinyarada xaafad xaafad isku laaya ay abaabulaan xisbiyada Mucaaradka ah, hasa-yeeshee ay ka hor-taggooda qaabilsan yihiin ciidamada boolisku.

Wasiir ku xigeenka Amniga Somaliland oo ka qayb-galay dood Telefiishanka HCTV qabtey, ayaa la waydiiyey sababaha ay u soo noqnoqdaan dhibaatada ay ciidamada boolisku u geystaan dhallinyarada Magaalooyinka dalka, ayaa sheegay in ciidamada boolisku u xil-saaran yihiin mushkiladaha amni daradu ka mid tahay “Amni daraa dhacda oo dad baa is dila, dad baa Qabiilo qabiilo u dagaalama, waxaasi oo dhan ciidamada boolisku hawl-gallo ayay ka sameeyaan, dadka way kala celiyaan oo way kala dhex galaan..” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray “Waad ogtihiin ciyaal la abaabulo oo inta badan aanu annagu xisbiyada Mucaaradka ku eedayno inay abaabulaan, kuwaasi oo isku laynaya iyo kuwo baad ka qaadaya tukaannada iyo baatac-mushtarka, waxaasi oo dhan waxa u xil-saaran ciidanka booliska…”

Warsugannews/Hargeysa Somaliland Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here