Wasiir Ku-xigeenka Gaashaandhiga Oo Sheegay In Jidka Ceerigaabo Marayo Marxalad gebo-gabo ah

0
316

Wasiir Ku-xigeenka Gaashaandhiga Oo Sheegay In Jidka Ceerigaabo Marayo Marxalad gebo-gabo ah.

Hargeysa (WSN) – Wasiir ku-xigeenka wasaaradda gaashaan dhiga Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac, ayaa waxa uu sheegay in ay meel gabo-gabo ah ku dhawdahay hawsha dhismaha wadada isku xidhaysa gobolada Togdheer iyo Sanaag.

Maxamuud Warsame sidoo kale waxa uu sheegay in wax-qabadka xukumadda xisbiga Kulmiye aanay ahayn wax shaqsiyaad cadhooday ay xisbi kale kaga dhex faanaani karaan. Wasiir ku-xigeenka gaashaadhigu isagoo ka hadlayay halka ay xilligan marayso wadadii Ceerigaabo, waxa uu yidhi “Imika jidka Ceerigaabo waxa uu ku dhow yahay tdhammaad, carro tuulkii in uu isgaadhana waxa ka hadhay dhawr iyo sodon kiiloo mitir oo Saraar ah, inta kale way is haysataa oo waa laami.”

Maxamuud Warsame, waxa uu ku dooday in Wasiirka hawlaha guud uu dhaqaajiyay waddadaas oo uu dhammaystiri doono. “Xirsi Cali Xaaji Xasan wuxuu ahaa kaaliye madaxwaynaha u shaqaynaayay, may hayn fikir iyo maal uu isagu lahaa, ee madaxwaynahaa u igmaday. Wadada fikirkana waxa lahaa madaxwaynaha oo taariikhda ayay ugu qormaysaa. Markaa waxaan leeyahay Xirsi dabadii wadadii way dhaqaaqday,”ayuu ku dooday.