Wasiir Ku Xigeenka Maaliyadda Oo Si Adag Uga Jawaabay Warar Sheegaya Inay Jiraan Wasiiro Diideen Miisaaniyada 2017 iyo Cashuur Kordhin

0
424

Wasiir Ku Xigeenka Maaliyadda Oo Si Adag Uga Jawaabay Warar Sheegaya Inay Jiraan Wasiiro Diideen Miisaaniyada 2017 iyo Cashuur Kordhin

“Dadka reer Somaliland ee ganacsatada ah iyo bulshada wax iibsada ee macaamiisha ahba waxaan u sheegayaa inaanay jirin wax cashuur kordhin ah oo ku lifaaqan miisaaniyadda” Wasiir ku xigeenka maaliyada Cali Axmed Maxamed

Hargeysa(Warsugan) Wasaaradda maaliyadda Somaliland ayaa meesha ka saartay warar ku saabsan in korodhka cashuurta 2017 ay ku lifaaqan yihiin cashuurro lagu kordhiyay badeecadaha kala duwan. Wasiir ku-xigeenka maaliyadda Cali Axmed Maxamed oo wargeyska Warsugan xalay u warramay ayaa sheegay inaanay waxba ka jirin warar saxaafadda qaar qoreen oo sheegaya in wasiirrada qaar diidan yihiin miisaaniyadda.
Wasiir xigeenka ayaa sheegay in dhammaan wasiirrada golaha xukumaddu ansixiyeen odoroska miisaaniyadda 2017-ka oo golaha wakiillada la horgeeyay“Waxaa jira war sheegaya in wasiirrada qaar diidan yihiin miisaaniyadda laakiin, warkaas wax ka jiraa ma jiraan.Wasiirrada xukumaddu way wada ansixiyeen miisaaniyadda.Waanay wada taageersan yihiin.Miisaaniyaddani waa mid qaran, waa mid qodaxda laga guray oo si farshaxannimo leh loo soo diyaariyay,”ayuu yidhi wasiir xigeenku.

Odoroska Miisaaniyadda sanadka 2017-ka ayaa 27% ka badan miisaaniyaddii 2016-ka. Arrintan ayaa abuurtay dareen ah in meelaha dakhligu ka kordhayo ay ka mid yihiin cashuurro lagu kordhiyay ganacsatada, kuwaasi oo saamayn kara bulshada laakiin, wasiir xigeenka ayaa sheegay in arrintaasi tahay tushuush lagu furayo miisaaniyadda.

Waxa uu guud ahaan bulshada Somaliland u damaanad qaaday inaanay jirin cashuurro la kordhiyay oo la socda miisaaniyad sanadeedka 2017 “Dadka reer Somaliland ee ganacsatada ah iyo bulshada wax iibsada ee macaamiisha ahba waxaan u sheegayaa inaanay jirin wax cashuur kordhin ah oo ku lifaaqan miisaaniyadda aanu shalay horgeynay golaha wakiillada,” ayuu yidhi wasiir xigeenku.

Geesta kale waxa uu sheegay in korodhka cashuurtu ka yimid horumarka dalka oo socda iyo badeecadaha dalka soo galaya oo sanad walba kordhaya. Waxa uu sheegay in hagaajinta cashuur qaadista iyo dib u habaynta ku socota wasaaradda maaliyaddu qayb ka tahay korodhka dakhliga soo galaya dawladda “Miisaaniyaddani waxay ku soo baxaysaa dadaal ay waddo wasaaradda miisaaniyaddu oo qorshaysan oo ah in cashuurta la nidaamiyo iyo horumarka dalka ka jira, mana jiro habayaraatee wax tacriifad ah oo aanu shacabka dhibaataysan ku kordhinaynaa,” ayuu yidhi wasiir xigeenku.

Xigasho Wargeyska Warsugan