Wasiir Maxamud Xaashi + Oloha SOYVO Ee Taageero Raadiska Muuse Iyo Maxamud + Digtoonaanta Dhalinyarada.

0
482

Wasiir Maxamud Xaashi + Oloha SOYVO Ee Taageero Raadiska Muuse Iyo Maxamud + Digtoonaanta Dhalinyarada.

Kulankan oo labadii maalmood ee ugu danbeeyey ka soconayay magaalada Burco ayaan wali waxa ka soo bixin go’aamo lagu kalsoonaan karo Bismilaah; marka hore waxaan salaamayaa dhamaan warbaahinta madaxa banaan ee ka hawl gasha guud ahaan Somaliland, intaas ka dib waxaan maqaalkaygan si kooban ugaga hadlayaa Kulan dhalinyaro oo ka dhacay magaalda Burco oo ku dhex maray laba garab oo ka mid ah dhalinyarada Galbeedka Hargaysa iyo Bariga Burco, kulankaas oo daaranaa sidi loo wada taageeri lahaa Muuse Biixi iyo Maxamud Xaashi oo loo carbinayo inuu noqdo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye muuse dabadii.

Kulankan oo labadii maalmood ee ugu danbeeyey ka soconayay magaalada Burco ayaan wali waxa ka soo bixin go’aamo lagu kalsoonaan karo. Kulankan oo ay dabada ka riixayaan xubno dhalinyaro ah oo ka soo kala jeeda laba beelood, ku waas

oo qaar kood lug ku leeyihiin lamaaha dawlada, yadoo xidhiidh dhowna la sameeeyey wasiirka duulista iyo hawada kaas oo ugu ballan qaaday wixii garab iyo gaashaan ay u baahan yihiin, maadaama oo ay ku doodayaan in Wasiir Maxamud Xaashi xaq u leeyahay inuu noqdo gudoomiyaha xisbiga Kulmiye wakhtiga muuse uu noqdo musharaxa xisbiga.

Kulankaas oo badiba ay wateen xubno u jeedo gaara leh, oo ku ololaynaya inay ka soo horjeedaan xubno ka mid ah golaha wasiirada, yagoo karaankooda is leh kulan toban qof ka kooban ayaa lagu metelikaraa guud ahaanba dhalinyarada labada beelood ee galbeedka hargaysa iyo Bariga Burco.

Kulankan oo khilaaf badan soo kala dhex galiyay dhalinyaradii Bariga Burco ayaa hadana u muuqda in aanu midho dhal lahayn, ka dib markii xubno ka mid ahi ku doodeen in hawshani aanay maanta u oolin dhalinyarada ee go’aanku uu u yaalo xisbiga kulmiye, yadoo guud ahaana laysku af garan waayay wada taageerida Muuse Biixi ayaa hadana waxa goobtaas laga saaray laba gudi oo ka soo talo bixiya sidii isku fikir loo noqon lahaa.

Dhalinyaradan jibootay ee laabta la kacday oo badiba ah dhalinyaro iminka uun siyaasada indhaha ku kala qaaday ayaad moodaa inay hadana waxyaabo badan oo aan looga fadhiyin ku kacayaan.

Arinkan buuqa ka dhex dhaliyay dhalinyarada Bariga Burco ayaa ah arin ay dano gaar ahi ku ladhan yihiin oo ay qayb yar oo dhalinyaradaas ahi wadato yagoo garab ka helaya Wasiirka Duulista iyo Hawada oo mashruuca kala jabinta dhalinyaradana soo mariyay NGO-ga SOYVO, kaas oo mudooyinkii u danbeeyey ku mashquul sanaa shirar madhalaysa oo ku tacaluqa sidii loo qaybin lahaa dhalinyarta.

Waxaan u soo jeedinayaa cid kasta oo faraha kula jirta arimaha kala qaybinta dhalinyaradu inaanay horumar ku gaadhayn.

Waad Mahadsantihiin

Allaa Mahad Leh

By: Mohamed Hamud Ali

Burco Somaliland

Hamudson@Gmail.Com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here