Wasiir Samsam Oo Bedka Soo Dhigtay Miisaaniyad Saddex Weji Xambaarsan + Golaha Wakiilada Somaliland Oo Durduro Ku Ansixiyey Shalay, Maxay Yihiin saddexdaasi weji?

0
479

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Oo Bangiga Dhexe Ku Wareejisay 5Milyan Oo Doolar ahna Hordhaca Heshiiskii Shirkadda DP World Ay Ku Maalgelinaysay Dekeda Berbera

Wasiir Samsam Oo Bedka Soo Dhigtay Miisaaniyad Saddex Weji Xambaarsan + Golaha Wakiilada Somaliland Oo Durduro Ku Ansixiyey Shalay, Maxay Yihiin saddexdaasi weji?

Hargeisa(Warsugan) Wasiirka wasaaradda maaliyadda Somaliland marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa shalay si rasmi ah baanka dhexe ugu wareejisay lacag qadarkeedu dhan yahay shan milyan (5m) oo doolar oo kaash ah, taas oo kasoo xarootay shirkadda la wareegtay dekadda Berbera ee DP World.

Wasiir Samsam Cabdi Aadan ayaa sheegtay inay lacagtaasi ka mid tahay 10 milyan oo doolar oo sida uu dhigayo heshiiskii DP World iyo Somaliland kala saxeexdeen horaanta sanadkan 2017 kusoo xaroonaysey qasnada dawladda, taas oo shantii milyan ee hore shalay ay ku dhacday xisaabta dawladda dhexe uga furan baanka dhexe ee Somaliland.

Munaasibadan lagula kala wareegayey lacagtaasi oo ka qabsoontay xarunta baanka dhexe ayaa waxa kale oo isaguna ka hadlay guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland Maxamed Cabdi Dhoobaale, Agaasimaha Waaxda Cashuuraha Beriga Somaliland Maxamed Axmed Maxamuud (Cawad), kuwaas oo dhamaantood ku dheeraaday mihiimadda ay qaranka u leedahay lacagtaasi ay la kala wareegayeen ee kasoo xarootay shirkadda DP World. Ugu horayna Agaasimaha Waaxda Cashuuraha Beriga Somaliland Maxamed Axmed Maxamuud (Cawad) oo halkaasi ka hadlay, waxa hadalkiisa uu ku bilaabay “Maanta oo ay bishu January 2 sanadka cusub 2017, waxa na soo gaadhay lacag ka timid shirkadda DP World ee la wareegtay maamulka dekadda magaaladda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, isla markaana lacagtaas oo ah 5milyan oo doolar oo ah intii hore sida balantu ahayd oo naloogu soo diray xawaaladda Dahabshiil oo TFG-deedu ay xisaabiyaha guud soo martay ayaanu ku wareejin doonaa qasnajiga Bangiga dhexe ee Somaliland”.

Intaas ka dib waxa halkaasi ka hadashay Wasiirka Maaliyadda Somaliland marwo Samsam Cabdi Adaan, waxaanay tidhi “Heshiiskii dekadda Berbera ee aynu la galnay Shirkadda DP World ayaa waxa uu heshiiskaasi dhigayey in marka ay dekadda la wareegayaan sanadka cusub ee 2017-ka inay bixiyaan 10 milyan oo doolar, markaa anaguna bajadka sanadkan 2017-ka ayaanu ku darnay oo $10 milyan ee doolar shan milyan oo ka mid ah waa kuwaa imika keenay oo waxay soo mariyeen Dahabshiil oo aanu aad ugu mahadnaqayno run ahaantii sida wanaagsan ee muwaadinimada leh ee ay noo soo gaadhsiiyeen iyaguna, 5 milyan ee doolar ee kalena way keenayaan dhawaan Insha Allaah”.

Wasiir Samsam Cabdi Aadan iyadoo hadalkeeda sii wadata waxay intaasi raacisay “Lacagtaa ay na soo gaadhsiisay DP World anaguna waxa aanu ku wareejinaynaa Baanka Dhexe oo lacagtani waxay ku dhacaysaa Accoun-ka la yidhaahdo Account 11, iyadoo aan akoon 11 lacag laga saari karin ilaa ay foojar ku dhacdo, iyadoo uu foojarkaasi xisaabaadka kasoo bilaabmayo oo uu hanti-dhawrka soo marayo. Markaa waxa aynu la sugi doonaa Insha Allaah 5 Milyan ee doolar shantii kale oo iyaduna dhawaan sida qorshuhu yahay ina soo gaadhi doonta Insha Allaah, marka ay $10 ee doolar inoo wada yimaadaan ayey dakhliga toos u galayaan oo imika 5 milyan ee aad arkaysaan baanka dhexe ayaa xaraynaya oo marka ay inta kale timaado ayuu baanka dhexe hadana insha allaah inagala wareegi doonaa, isla markaana waxaan jeclahay inaan TFG-gana inaan guddoomiyaha baanka ku wareejiyo”.

Ugu danbayntii waxa halkaasi ka hadlay guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland Maxamed Cabdi Dhoobaale, waxaanu yidhi “Lacagtaas shanta milyan ee doolar ee aad arkaysaan waa dakhli dawladeed oo waxay kasoo xarootay DP World, iyadoo nidaamka la sheegay soo martay ee Dahabshiil ilaa cashuuraha barriga isla markaana waxay ku dhacaysaa akown 11 oo dakhliga dawladda dhexe kusoo dhacdo, iyadoo sida ay wasiirku sheegtay sifihii sharciga ahaa uga baxaysa oo soo maraysa xisaabaadka ilaa hanti dhawrka, markaa waxaanu bulshadda u sheegaynaa uun in lacagtaas horaanteedii na soo gaadhay oo aanu kala wareegnay wasiiradda”.

Dhinaca kale waxa shalay golaha wakiilada Somaliland ay ansixiyeen miisaaniyad sanadkeedka 2017-ka ka dib markii ay ka yeesheen dood iyo falan qayn dheer ka dib waxa golaha ka soo xaadiray 66 mudane, waxaanu gudoomiyaha golaha wakiilada mudane Cabdiraxmaan Cirro oo isagu shir gudoominaayey xildhibaanadu uu geliyey cod gacantaag ah, iyadoo ay ogolaadeen una codeeyeen 43 mudane halka ay diideen 17 mudane, kana aamuseen 6 mudane, gudoomiyuhuna ma codayn, waxaana sidaai ku dhaqan gashay ansixinta miisaaniyad sanadeedka 2017ka oo iyagu noqotay miisaaniyadii ugu dakhliga badnayd sanadihii hore, gadhwadeena ay ka noqotay Wasiir samsam Cabdi Aadan oo iyagu labadii sanno ee u danbeeyey hoggaanka u haysay wasaaradda maaliyada Somaliland, dakhliga miisaaniyadu uu kordho iyadoo ku soo beegmaysa sanadkii u danbeeyey muddo xileedkii xukuumada uu hogaaminaayo madaxweyne Silaanyo oo isagu marka la eego xaga dhaqaalaha dalka ama miisaaniyada dalka gaadhsiiya halkii u saraysay isagoo wasaaraddana u magacaabay markii u horaysay qof dumar ah, taasina ay midho dhalkeedu uu jawaab buuxda u noqday dad dhaliili jiray miisaaniyada dalka.

Miisaaniyad Sanadeedka 2017 ayaa ku soo beegmay wakhti kala wareega oo ay dhamaanayso muddo xilieedkii Madaxweynaha wakhtigan talada dalka gacanta ku hayaa, taasina waxay miisaaniyadan u yeeshay saddex weji oo kala. @ Waa markii u horaysay ee dalka dakhliga miisaaniyada ay haweenay gaadhsiiso 2,175,104,355,662 oo shilin Somaliland ah una dhiganta $ 362,517,393 doolar, iyadoo weliba labadii sanno ee u danbeeyey 26kii sano ee ina soo dhaafay ay hoggaanka u haysay miisaaniyada. b) Madaxweyne Silaanyo oo jebiyey dayr hortaagnaa in Wasaaradda Maaliyada ay hoggaamiso Haweenay, taasoo wakhtigan noqotay mid laga midho dhaliyey aragtidaasi madaxweynuhuna uu ku amaanan yahay c) Misaaniyad sanadeedka 2017ka oo noqonaysa miisaaniyadii ugu danbeysay xukuumada talada gacanta ku haysa gadhwadeenkana uu u yahay madaxweyne silaanyo.

 

Xigasho Wargeyska Warsugan