Wasiir Xaglatoosiye oo taageero aan la filayn ka dhex kasbaday kulmiye iyo Orordkii Shalay ee Saylici

0
358

Wasiir Xaglatoosiye oo taageero aan la filayn ka dhex kasbaday kulmiye iyo Orordkii Shalay ee Saylici
Hargeysa(warsugannews)-Wasiirka caafimaadka Dr. Saleban Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) ayaa hantiyay qaar badan oo ka mid ah ergada golaha dhexe ee KULMIYE, isagoo u sharaxan in ergada KULMIYE u doorato murashaxa madaxweyne-xigeen ee KULMIYE u meteli doona doorashooyinka 2017.

Wasiir Saleban oo markii hore aanay dad badani filayn inuu taageero intaas leeg ka heli doono ergada golaha dhexe marka loo eego mudada aan badnayn ee uu ka tirsanaa xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE, ayaa hadda u muuqda inuu sameeyay xawaare badan, waxaanu labadii toddobaad ee u dambeeyay ku jiray kulamo uu la yeelanayay ergada golaha dhexe qaarkood kuwaas oo uu sir iyo caadba u weydiinsayay in la taageero murashaxnimadiisa, waxaana taageeradooda u balan qaaday ergo kala duwan oo ka soo kala jeeda deegaano kala duwan oo Somaliland ah.

Maalmihii u dambeeyayna wuxuu kulamo la yeeshay ergada golaha dhexe ee deegaanada Hargeysa qaarkood, iyadoo ay barbar socdeen qaar ka mid ah salaadiinta reer Hargeysa maadaama oo uu ku barbaaray magaalada Hargeysa oo uu muddo dheer degenaa.

Wasiirkan, waxa ay tartamayaan madaxweyne-xigeenka Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici oo isna toddobaadkii u dambeeyay dareemayay halista uu ku hayo Xaglatoosiye oo uu markii hore dhayalsaday isagoo culayska saaray kala jejebinta siyaasiyiinta ay ka soo wada jeedaan gobalka Awdal oo ay qaarkood u tanaasuleen, qaarna weli taaganyihiin sida wasiikii hore ee waxbarashada Prof Faarax Cilmi Geedoole.

Madaxweyne-xigeenku wuxuu shalay booqday qaar ka mid ah xarumaha ay fadhiistaan golaha dhexe ee KULMIYE qaarkood ee degen Hargeysa, kuwaas oo uu weydiistay inay taageeraan murashaxnimadiisa.

Saylici oo ay dad badani u saadaalinayaan inuu noqon doono murashaxa ku guulaysan doona murashaxa madaxwene-xigeenka KULMIYE , ayay dad badani aaminsanyihiin in loolankani hoos u dhigay miisaankiisa maadaama oo madaxweynihii mar la wada doortay kursiga banaynayo islamarkaana uu Saylici la tartamayo qaar ka mid ah wasiiradiisii.

xigasho Geeska

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here