Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wafti uu Hogaaminayo oo Ka Qayb Galay Shir Ay Soo Qaban Qaabisay Haayada Eu cab-Nester Xarunteeda Magaalada Nairobi.

0
610

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wafti uu Hogaaminayo oo Ka Qayb Galay Shir Ay Soo Qaban Qaabisay Haayada Eu cab-Nester Xarunteeda Magaalada Nairobi.

Kenya (Warsugannews)-Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland iyo wafti uu hogaaminayo Oo Socdaal Shaqo Ku Jooga Dalka Kenya Ayaa Maanta Ka Qayb Galay Shir Ay Soo Qaban Qaabisay Haayada Eu cab -Nester Xarunteeda Magaalada Nairobi.

Shirkani oo ay kasoo qayb galay haayado badan oo ka socda midawga yurub iyo qarammada midoobay ayaa lagaga wada hadlay sidii loo horumarin lahaa loona tayeyn lahaa ciidamada ilaalada badda JSL, boliska iyo barmaamijyo kale.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamed Waran-Cadde Ayaa Socdaalkiisan Ay Ku Wehelinayaan Taliyaha Ciidamada Ilaalada Bada Maxamed xuseen Xiirane, La Taliyaha wasiirka ee Ciidamada Ilaalada Xeebaha Suhuur Fadxi Mukhtar Iyo Masuuliyiin Kale Oo Ka Tirsan Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland.
20150101_090951

20150101_090941

Jamaal Abdi Muhumed
Afhayeenka wasaarada arrimaha gudaha