Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Maalmo ka dib Somalia Ku Eedeeyay Taageeridda Kooxda Wabar, Mahad iyo Raaligalina U Diray Ethiopia

0
305

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Maalmo ka dib Somalia Ku Eedeeyay Taageeridda Kooxda Wabar, Mahad iyo Raaligalina U Diray Ethiopia

Hargeysa(Warsugannews) Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde, ayaa shir jaraa’id oo uu Hargeysa ku qabtay waxa uu raaligalin iyo mahadnaq u diray dawladda Ethiopia. Waxa kale oo uu mahad uga celiyay bulshada Awdal dhacdadii lagu weeraray guddoomiyaha Awdal Mr Ramaax.

Wasiirku waxa uu sheegay in Labadii Askari ee ku dhintay weerarkii kooxda Wabar geeriyoodeen iyagoo naftooda u huraya bulshada Somaliland, waxaanu tacsi u diray ehelada Askartaasi “ Waxaan u mahadcelinayaa Bushada Awdal iyo madaxdhaqameedka , gaar ahaanna raggii reer Awdal ee qaybta libaax ka qaatay soo qabashada gacan ku dhiigleyaasha oo runtii si qiimo leh ula shaqeeyay ciidamada Ammaanka oo ku guulaystay inay badi raggii falka foosha xun gaystay,” ayuu yidhi Wasiirku.

Waxa uu sidoo kale Wasiirku farriin u diray dawladda Ethiopia “Waxaan jeclahay inaan halkan uga mahadceliyo dawladda Ethiopia hadday tahay dawlad degaanka Soomaalida Ethiopia iyo dawladda federalka ahba, sida aynu uga wada shaqayno wixii dhibaato ah ee ka dhaca xuduuda Somaliland iyo Ethiopia. Waxaan mahad gaar ah u celinayaa madaxweynaha dawlad degaanka Ethiopia oo ku hawlan sidii xuduuda Somaliland iyo Ethiopia u noqon lahayd mid nabadeed oo ka caagan fidmo wadayaal,” ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirka oo sii hadlaya waxa uu sheegay inuu dawladda Ethiopia ka raaligalinayo ciidamada Somaliland oo ka talaabay xuduudka islamarkaana Ethiopia gudaha u galay wakhti ay Eryanayeen kooxdii weerartay badhasaab Ramaax oo gudaha Ethiopia gashay.

Eedaynta Somalia ee Wasiir Warancadde:

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland wuxuu xukumadda Muqdisho ku eedeeyay inay dabada ka riixayso kooxda Wabar ee xuduuda gobolka Awdal la leeyahay Ethiopia ku sugan “Arrintaasi waxa wada dad wax ma garato ah oo caqli gaaban oo cadawgu ku adeeganayo, ha ugu horeeyaan kuwii aynu ka gonay ee Somalia oo aanu ognahay inay dabada ka riixayaan waliba maamulka Somalia,” ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirka oo arrinta Somalia ka sii hadlaya ayaa yidhi “ Waxay doonayaan in Somaliland la mid noqoto Somalia-da ay madaxda u yihiin ee ay dabka ku gurayaan bulshadoodii, markaa kuwa u adeegaya dadka doonaya in dadku(Somaliland iyo Somalia) isku wada mid noqod, hadday gudo joogaan iyo hadday dibad joogaan ba waxaanu leenahay dalkan Somaliland waa mid umaddiisu midaysan tahay, waxaanan u sheegayaa cid kasta oo isku dayda inay khalkhal galiso nabadda Somaliland inay farta dhexda ka qaniini doonto,” ayuu yidhi Wasiirku

warsugannews

Hargeysa/Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here