Wasiirka Ciyaaraha Oo Ka Hadlay Garoonka Labaad Ee Lagu Goglayo Rooga Cagaaran

0
397

Wasiirka Ciyaaraha Oo Ka Hadlay Garoonka Labaad Ee Lagu Goglayo Rooga Cagaaran

Hargeysa (warsugannews)- Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarrada Ciyaaraha iyo Dalxiiska Axmed Cabdi Kaahin ayaa sheegay in rooga cagaaran la dhigi doono garoonka kubadda cagta ee Alamsay Stadium ee magaaladda Burco.

Wasiir Ciyaaraha ayaa sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay shalay garoonka kubadda cagta ee Alamsay ee magaaladda Burco oo lagu qabtay ciyaar saaxiibtinimo oo dhex martay labada kooxood ee duulista iyo hawada iyo kooxda City Plaza Hutel. Waxaanu wasiirku ku amaanay labada kooxood ciyaarta ay soo bandhigeen.

”Labada kooxood ee City Plaza iyo Duulista hawada ee ciyaartan saaxiibtinimo ku dhex martay magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer, aad baan u soo dahwaynayaa. Ciyaartan oo sidii la rabay u dhacday waxa ay na tustay in aanay waxba ka jirin wixii Burco laga sheegi jiray oo arrintaasi dhamaatay oo ay tahay meel nabadeed,”ayuu yidhi Wasiir Axmed Cabdi Kaahin.

Wasiirku waxa uu Balan-qaaday in rooga cagaaran sannadkan la dhigi doono garoonka Alamsay ee magaalada Burco waxaana uu yidhi “Waxa aanu balan ugu qaadaynaa reer Burco in sannadkan aanu dhigno roogii garoonka Alamsay si aanay mar dambe jilbuhu aanay u mudhxin.”
Wasaarada Ciyaaraha ayaa sannadkan rooga cagaaran dhigtay garoonka kubadda cagta ee Hargeysa Stadium.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here