Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Oo Wacdi Diiniya U Jeediyey Ciidanka Dab-damiska Caasimada

0
807

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Oo Wacdi Diiniya U Jeediyey Ciidanka Dab-damiska Caasimada

Hargeysa(Warsugannews)-Wasiirka Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Mundane Sheekh Khaliil C/laahi Axmed ayaa maanta wacdi diiniya u jeediyay Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa oo uu ku booqday xaruntooda,

Isaga oo Wasiirku Ciidanka Dab-demiska kula dardaarmey in ay ilaahey dartii ula niyoodaan heeganka ay Ku jiraan iyo naf hurida ay dhibaato walba kaga hortagayaan si ay xasanaad ilaahey dartiiya ugu helaan aduun iyo aakhiraba.

Wasiirka Wasaarada Diinta Iyo Awqaafta Somaliland oo ka mid ahaa xubnaha hindisey in la abuuro ciidanka khaasa oo la dagaalama aafooyinka dabka iyo masiibooyinka kale ee dabiiciga ah ayaa aad ugu hambayeeyey Hogaanka Sare ee Ciidanka Dab-damiska oo uu xusay inay Dadaal dheer u galiyeen sidii ay u tayey lahaayeen Ciidanka taas oo uu tilmaamay in uu ka muuqdo tababar iyo dhisme Ciidan oo aah u qurux iyo tayo badan

Dhinaca kale Hogaanka Ciidanka Dab-damiska ayaa . Sidoo kale uga mahadnaqay booqashada iyo wacdiga diiniga ah ee uu Ciidanka Xaruntooda ugu soo booqday,Agaasimaha Fulinta ee Ciidanka Dab-damiska Qaranka Md.C/qaadir Cumar Xaashi oo Wasiirka u mahad naqayaayey ayaa waxa hadaladaiisii ka mid ahaa “sidaan ka warqabno wasiirka wasaarada Diinta Iyo Awqaafta Somaliland waxa uu ka mid yahey xubnaha hindisey in la abuuro Ciidanka Dab-damiska, Sidoo kale wasiir khaliil waxaa uu mar walba heegan ugu jiraa horumarka iyo ka warhaynta ciidanka dabdemiska caasimada isagoo mar walbana garab taagan ciidanka haday noqoto dhiirigelin iyo waxtarba,waxaana ciidanka dabdemiska caasimadu ay uga mahad celinayaan sida wanaagsan ee uu ula shaqeeyo wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland sheekh khaliil cabdilaahi axmed.”