WASIIRKA MAALIYADA MARWO ZAMZAM OO XILALKII U KALA WAREEJISAY AGAASIMIHII HORE IYO AGAASIMAHA CUSUB

0
377

WASIIRKA MAALIYADA MARWO ZAMZAM OO XILALKII U KALA WAREEJISAY AGAASIMIHII HORE IYO AGAASIMAHA CUSUB

Hargeysa(Warsugannews):- Wasiirka Wasaarada maaliyada Somalilad marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa waxaa ay maanta si rasmi ah xilalkii ugu kala wareejisay agaasimihii hore iyo agaasimaha cusub ee wasaaradaasi dhawaan loo soo magacaabay .

Munaasibada xil wareejinta oo ka dhacdey hotel imperial ayaa waxaa ka soo qeyb galay saraakiisha wasaarada maaliyada , gudoomiyaha haayada shaqaalaha , xisaabiyaha guud iyo masuulyiin kale.

Ugu horeyn waxaa madashaasi ka hadlay Gudoomiyaha hayaada shaqalaha Mr.Maxamed Maxile Boqore waxaana uu sheegay in uu agaasimihii hore uu ahaa nin wasaarada wax badan ku soo kordhigey agaasimaha cusubna u rajeynaayo u dadaalka halkaasi ka sii wadi dooni

Sidoo kale agaasimihii hore ee wasaarada maaliyada oo halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu yidhi “Farxad ayey maanta ii tahay In aan wareejiyo xilkii wasaarada Maaliyada kuna warejiyo saxibkey Maxamed Xassan Ibraahim oo aanu in badan wada shaqeynaynay intii aan joogay wasaarada maaliyadana isaguna ka shaqeenayey wasaarada waxbarashada oo aanu shaqo badan soo wada qabanay

Runtii waa qof xil kas ah oo waayo arag ah kuna kalsoonahay in uuu shaqadaas ka soo bixi karo waxaana aan leeyahay agaasime guud ku soo dhawoow xilka agaasinimada wasaarada maaliyada somaliland “ ayuu yidhi agaasimihii hore ee wasaarada maaliyada Somaliland Saleebaan Jaamac Diiriye .

Dhinca kale waxaa isna madasha hadlo kooban ka yidhi agaasimaha cusub ee maanta la wareegayey xilka waxaana hadaladiisi ka mid ahaa“Marka kowaad ilaahay baa mahad iska leh marka labaadna madaxweynaha jamhuuriyada somaliland oo ii saamaxay ina siiyey fursada in aan mar labaad noqodo agaasimaha guud ee wasaarada Maaliyada waana uu ku mahad san yahay ilaahayna waxaa aan rajeynayaa in uu xilkaasi igu asturo oo uu igu garab galo “ ayuu yidhi agaasimaha cusub ee wasaarada maaliyada somliland Maxamed Xassan Ibraahim

Ugu danbeyntii wasiirka wasarada maaliyada marwo Samsam Cabdi Aadan oo hadlo kooban goobta ka tidhi xilkana si rasmi ah ugu kala wareejisay ayaa waxaa ay tidhi “Waa ilahay mahadii maanta inaga oo u joogna xaflada xil wareejinta agaasimihii hore soona dhaweynayno agaasimaha cusub ee wasaarada maaliyada waxaana aanu markhaati ka nahay xilka ay la kala wareegayaan waxaa aan leeyahay labadaas Agaasime midana waxaa uu igala shaqeynaayey wasaarada waxbarashada midana waxaa aanu ka wada shaqeynay wasaarada maaliyada runtiina waa laba nin oo mudan in ay noqdaan agaasimayaal waa laba nin oo shaqo badan oo daacad ah .

Waxaana aan leeyahay agaasimahii hore nagama fogid oo wasaarada caafimaadka ayaa lagu geeyey agaasimaha cusubna waxaan leeyahay ku soo dhawoow waxaa lagu keenay wasaaradii aad jaarka aheydeen ee maaliyada “ ayey tidhi wasiirka wasaarada Maaliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan .

1

2

3

4

5

6

7

8

images
Warsugannews

Warsuganmedia@gmail.com

Hargeysa/Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here