Wasiirka Maaliyadda Oo Xadhigga Ka Jartay Madxafka SERYAN Oo Lagu KaydinayoTaariikhda Halgankii SNM Iyo DhaqankaUmmadda Afka Soomaaliga Ku Hadasha

0
504

Wasiirka Maaliyadda Oo Xadhigga Ka Jartay Madxafka SERYAN Oo Lagu KaydinayoTaariikhda Halgankii SNM Iyo DhaqankaUmmadda Afka Soomaaliga Ku Hadasha

Hargeysa, 28 August, 2017(WSN)MagaaladaHargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa waxa Shalaylaga furay Madxaf Magaciisu yahay, SARYAN MUSEUM
kaasi oo uu aasaasay Muwaadin Reer Somaliland ah, sidookalena ka mid ahaa Ururkii Dib u xorreynta Somaliland ee SNM.

Munaasibadda Xadhigga lagaga jaray Madxafkan oolagu ururinayo Taariikhda Halgankii Ururkiidhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed ee SNM dib ugu xorreeyay Jamhuuriyadda Somaliland, sidookalena lagu kaydin doono Dhaqanka iyo HiddahaDadka ku hadla Afka Soomaaliga, ayaa waxa ka qayb-galay Wasiirro ka mid ah Xukuumadda Somaliland, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Wasiirka WasaaraddaMaaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan oo iyaduxadhigga ka jartay Madxafkan, Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Cadaaladda, Aqoonyahan iyo Marti-sharrafkale oo tiro badnaa.

Siciid Shukri Xuseen oo ah aasaasaha SARYAN MUSEUM oo ugu horreyn halkaa ka hadlay ayaa ka warramay Marxaladihii uu soo maray aasaaskaMadxafku iyo Qaybaha uu ka kooban yahay, waxaanuyidhi “Madxafkan Fikirkiisu wuxuu bilaabmay Muddodheer ka hor, oo ku xidhiidhsan illaa dhallinyaro-nimadii, markii aanu Halganka Hubaysan aanu kujirnay oo mar walba la iswaydiin jiray waar intahalganka ka soo hadha ee noolaata, intii hoyataymaxay ku xusuusan doonaan, taasaa Saldhig u ah inaanu Madxafkan Seryan samayno, iyadoo ay ILAAHAY Mahaddii tahay in Dad badan ay igalaqayb-galeen, hadday tahay Xukuumadda Maanta jirta, Saaxiibbo, Dad Waayo-arag ah oo yaqaanna sidaMadxafyada loo sameeyo.”

Mujaahid Siciid Shukri Xuseen waxa kale oo uukhudbaddiisa ku faahfaahiyey Qaybaha uu ka koobanyahay Madxafku, “Madfaxku wuxuu u qaybsan yahaySaddex qaybood oo waaweyn. Kow Madxaf markaadsamaynayso Dal-baad ka hadlaysaa, Dalkaa aad ka hadlayso Astaamihiisa, dhaqamadiisa, Qiyamkiisa, Wiciyadihiisa iyo Aqal-Soomaaliyadiisa in la soodhigo waa lagama maarmaan, markaa Hool ayaa u gaarah Dhaqankii ay Soomaalida wada lahayn, Somaliland-na dhaqankaa si gaar ah uma sheegan karto. Hoolkalabaad (waxa ku keydsan) Taariikhda Somaliland intiila heli karayey oo aanu soo qaadanay, halgankii