Wasiirka Madaxtooyada: Madaama Aynaan Ahayn Qaran La Aqoonsan Yahay Oo Taag Yar, Ceeb Maaha Dee Inaynu Runta Sheegno.

0
303
????????????????????????????????????

Wasiirka Madaxtooyada: Madaama Aynaan Ahayn Qaran La Aqoonsan Yahay Oo Taag Yar, Ceeb Maaha Dee Inaynu Runta Sheegno.

“boqolkiiba shan iyo labaatan (25%) boqolkiiba shan iyo todobaatanna (75%) waxaa caadiyan inaga kaabi jiray deeq bixiyayaasha ama dalalka aynu saaxiibka nahay Midowga Yurub gaar ahaan Dawladda Ingiriiska” Wasiir Maxamuud Xaashi
“Annaguna, annagoo danaynayna masuuliyadda aanu qaranka u hayno iyo in waxaasi qabsoomaan waxanu bixinay lacag aad u faro badan oo ka badan ku talo galkii markii hore xata miisaaniyada aanu samaynay meelo badan baanu wax ka habaynay” Wasiir Maxamuud Xaash

“Dalalka inaga taageeri jiray diiwaangelinta waa u abaal haynaa waa u mahad naqaynaa waxaynu xaq ugu leenahay oo waajiba maaha saaxiibtinimada, taakulaynta iyo taageerada waynu isku lahayn ilaa maantana waynu u baahanahay iyagana waxaanu ugu baaqaynaa in ay maanta hawshaa nala suuro geliyaan siday awalba noo garab joogeen ayaanu iyagana ugu baaqaynaa”
Hargeysa(WSN)Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland, Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo si qoto dheer uga hadlay arrinta doorashada ayaa yidhi “Waxaa saaka aanu halkan munaasibadan u qabanay in aanu Gudiga Doorashooyinka qaranka ku wareejino sidii Wasiirka Maaliyaddu sheegay Lacagtan miisaaniyadii ay ku kacaysay Doorashada Madaxtooyaddu iyo dhamaystirka diwaangelinta cod bixiyayaashu qeybtii aanu hore u balan qaadnay, 25-kii bisha Augost 2016-ka waxaa xarunta gudiga doorashooyinka ka qabsoomay shir saddex geesood ah ama afar geesoodba ah, gudiga komishanka qaranka oo ah hay’adda u qaabilsan maamulka iyo isku duba ridka doorashooyinka oo ah hay’ad Farsamo garsoor. Waxa kale oo goobtaa joogay deeq bixiyayaasha oo laba qeybood ahaa, qeyb Nairobi kaga jirtay wada hadalka oo aanu isku arkaynay maqal iyo muuqaal iyo qeyb nala joogtay shirka. Waxa kaloo shirkaa joogay saddexda gudoomiye ee saddexda xisbi qaran iyo cid ku wehelisay xisbiyadooda, waxaa kaloo shirkaa joogay xubno ka tirsan Xukuumadda ama Wasiiro oo aanu ka mid ahayn aniga iyo Wasiir Samsam iyo Wasiirka Qorshaynta, shirkaasi waxaa gudiga doorashooyinka qaranku kusoo bandhigeen Miisaaniyad lagu qabyo tirayo Diiwaangeilnta codbixiyayaasha laga bilaabo marka bisha September ilaa iyo 28-ka March oo laba qeybood isugu jirta dhamaystirka diiwaangelinta cod bixiyayaasha oo ay ka mid tahay kaadhadh bixintii, daabacadii iwm, iyo doorashada lafteedii qabashadeedii kharashkaas bay soo bandhigeen Lacag balaadhan bay ahayd lacagtaasi oo ay si fiican usoo hufeen oo khubaro ka caawisay, kharashka markii lannoo soo bandhigay waxa aanu golihii kaga hadalnay annagu Xukuumadd ahaan diwaangelintii in aanu kharash badan bixinay oo dedaalnay, taasoo ay sabab u tahay danaynta aanu danaynay in doorashada iyo diiwangelintu qabsoomaan.

Xukuumadihii Somaliland u kala danbeeyey xilalka, iyadoo mas’uuliyad qaran ah qabashada doorashooyinku iyo diiwangelinnuhu, haddana duruufaheeda iyo awoodaheeda madaama aynaan ahayn qaran la aqoonsan yahay oo taag yar, ceeb maaha dee inaynu runta sheegno, waxay bixin jireen boqolkiiba shan iyo labaatan (25%) boqolkiiba shan iyo todobaatanna (75%) waxaa caadiyan inaga kaabi jiray deeq bixiyayaasha ama dalalka aynu saaxiibka nahay Midowga Yurub gaar ahaan Dawladda Ingiriiska.

Diiwaangelintani waxay ahayd diiwaangelin xooga oo ka duwan tii hore oo miisan faro badan leh waan u hambalyeynaynaa gudida doorashooyinka qaranku hawl badan bay ka qabteen annaguna, annagoo danaynayna masuuliyadda aanu qaranka u hayno iyo in waxaasi qabsoomaan waxanu bixinay lacag aad u faro badan oo ka badan ku talo galkii markii hore xata miisaaniyada aanu samaynay meelo badan baanu wax ka habaynay, iyagaa wakhtiga ay munaasib noqoto ka warami doona waxaanu bixinay adduun weyn oo aanu aamisanahay inaanu bixinay annagu ay sida kale isu dhaaftay oo gacanta sare aanu annagu leenahay imika kharashyadii hadda baxay baanu aaminsan nahay.

Maalintaa aanu isu nimidna iyadoo sidaa laga warbixiyey, cid waliba waxay bixisay ayaanu nidhi lacagtaas lagu qiyaasay ee golaha la keenay annagu waxaanu bixinaynaa lacag Afar Milyan oo Doolar ah ($4,00000 Million) oo taqriiban boqol kiiba afartan (40%) ka dhigaysay kharashkii doorashada iyo diiwaangelinta.

Waxaanu markaa maanta munaasibadan u qabanay inaanu halkan ka baanno warbixino kale ka jeedino ma ahayn nuxurku inaanu ku cadayno ku talo galkii iyo balan qaadkii fulino, oo ay naga go’an tahay in doorashadaasi xiligeedii masuuliyadda qeybta nagaga beegan, doorashadu waa masuuliyadd wadaradeed dabcan Madaxweynaha ka wada masuula qaranka, hadana mas’uuliyadaa wadareed qeybiba inbay leedahay annagu qeyb baanu leenahay xisbiyaddu qeyb bay leeyihiin gudiga doorashooyinku qeyb bay leeyihiin, beesha caalamka ee innaga taageertaana qeyb bay leedahay, markaa innaanu qeybtayadii Commitments-kii shirkaa aanu ku galay inaanu ku wareejino guddiga doorashooyinka ayaanu munaasibada u qabanay, waxaa kale oo aanu diyaar u nahay inaanu gudiga doorashooyinka kala shaqayno wixii duruufo yimada, annagu hadda dardaar warin mayno waxaanu ognahay saaxiibadeen dalalka inaga taageeri jiray diiwaangelinta waa u abaal haynaa waa u mahad naqaynaa waxaynu xaq ugu leenahay oo waajiba maaha saaxiibtinimada, taakulaynta iyo taageerada waynu isku lahayn ilaa maantana waynu u baahanahay iyagana waxaanu ugu baaqaynaa in ay maanta hawshaa nala suuro geliyaan siday awalba noo garab joogeen ayaanu iyagana ugu baaqaynaa, hadii ay cadaato in markaasi saaxiibadeen aanay maanta waxba inagu biirinayn ummadd baynu nahay waynu tashanaynaa waa isu tashanaynaa waynu isku kalsoonahay tallo balaadhan baynu geli doonaa”
Wa-bilaahi Tawfiiq