Wasiirka Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi Oo Shacbiga Somaliland ka Tacsidadeeyey Geeridii ku timid Marxuun Maxamuud Caydiid Laf-cambe

0
640

Wasiirka Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi Oo Shacbiga Somaliland ka Tacsidadeeyey Geeridii ku timid Marxuun Maxamuud Caydiid Laf-cambe

Hargeysa (Warsugannews) Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa shacbiga Somaliland ka tacsiyadeeyey Geerida ku timid Marxuun Maxamuud Caydiid Laf-cambe oo ku geeriyooday dalka Canada.

Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa sheegay inu Marxuun Maxamuud Caydiid uu ahaa muwaadin hawl kar ah, sidoo kalena uu ka mid ahaa Odayaasha Xisbiga KULMIYE ee qaarada Waqooyiga Ameerika.

Mudane Maxamuud Xaashi ayaa sidaasi ku sheegay qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook kaas oo u dhignaa sidan “ Aniga oo ku hadlaya Magacayga iyo magaca madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda Madaxtooyada JSL waxaan shacbiga Somaliland ka tacsiyadyanayaa Geerida ku timid walaalkeen Marxuun Maxamuud Caydiid Laf-cambe oo maanta ( Shalay) ku geeriyooday dalka Canada. gaar ahaana waxaan tacsidaasi u dirayaa qoyskii qaraabadii iyo Eheladii uu ka baxay walaalkeen.”

“ Marxuun Maxamuud Caydiid Laf-cambe, waxa uu ahaa Muwaadin hawl kar ah, sidoo kalena waxa uu ka mid ahaa Odayaasha Xisbiga KULMIYE ee Waqooyiga Ameerika. Marxuunka waxaan ILAHAY uga baryeynaa inuu naxariistii janada fardawsa ka waraabiyo una dambi dhaafo, inagana uu khaatumada inoo wanaajiyo, dhamaanteena uu samir iyo Iimaan inaga siiyo. In-naa lillaahi wa in-naa ilayhi raajicuun.” Ayuu yidhi Wasiir Xaashi.