Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Oo ka qayb galay Munaasibad lagu Caleemo Saaray Suldaanka Guud ee beesha Ibraahin Sheekh Isaxaaq (Sanbuur) +Sawiro

0
634

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Oo ka qayb galay Munaasibad lagu Caleemo Saaray Suldaanka Guud ee beesha Ibraahin Sheekh Isaxaaq (Sanbuur).

“ Suldaan Sheekh Yuusuf Cabdi Cawad Jid ayaanu wada marnay, Jabad ayaanu wada degnay jidiina waanu wada cunay, waxaan ku aqaana Dulqaad, Deeq, Guurtimo iyo Caddaalad.” Md. Maxamuud Xaashi

Beer (Warsugannews) Wasiirka Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi iyo wafti ka tirsan Xukuumadda Somaliland oo uu hogaaminayey ayaa maanta Degmada Beer ee gobolka Todheer ka qayb galay munaasibad balaadhan oo laga caleemo saaray Suldaanka Guud ee beesha Ibraahin Sheekh Isaxaaq (Sanbuur).

Munaasibada Suldaanka oo ahayd mid si wayn loo agaasimay isla markaana ay ka qayb galeen marti sharaf heer sare ah oo ka kala socday Xukuumadda Somaliland, Salaadiin reer Somaliland ah iyo kuwo ka socday dalka Soomaaliya ayaa maanta ka qaybsoontay Degmada Beer ee Gobolka Todheer.

Wasiirka Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo munaasibadaasi ka jeediyey khubad ayaa waxa hadladiisii ka mid ahaa “ Ugu horayn waxaan hamalyo u dirayaa beelaha Ibraahin Sheekh Isaxaaq ( Sanbuur), waxan ku hambalyeynayaa cugashada iyo doorashada ay doorteen inuu Suldaan guud u noqdo Suldaan Sheekh Yuusuf Cabdi Cawad waanu ku hambalyeynaynaa, waxaanu leenahay waxaanu ka markhaati kacaynaa bulshada halkaas isugu timid ee madax dhaqameed gobolada Somaliland ka timid leh iyo kuwa Soomaaliya ka yimid, waxay dhamaantood ka markhaati kaceen inaad doorateen qof ku haboon mansabka iyo xilkaas aad u dhiibateen, qofka masuulka laga dhigo laba jeer ayaa la qiimeeyaa mar sadexaad lama qiimeeyo, marka la caleemo saarayo waxa la qiimeeyaa dadka ka soo qayb galay iyo nooca ay yihiin waxa ay ka turjuntaa qofkaas iyo qiimahiisa, waa munaasibada aynu maanta joogno oo kale, waxa aynu nahay khaliifadii ILAHAY ee dhulka, dadka wanaagsani markhaati beena ma furaan, waxay ka markhaati kacaysaa gogashan inaga oo qiimaynayna beelaha Ibraahim Sheekh Isaxaaq ayeynu martiqaadkan nimid Xukuumad, xisbiyo shacab iyo madax dhaqameed. Waxa kale oo aynu nimid madashan inaga oo qiimaynayna qofka la caleemo saaray, markaas waa la qiimeeyaa, marka uu dhintana waa la qiimeeyaa Jinaasadiisa dadka ka soo qayb gala iyo waxa laga yidhaa.”

Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa sidoo kalena ka hadlay shaqsiyada loo caleemo saaray Suldaanka Guud ee beesha Ibraahin Sheekh Isaxaaq waxaanu yidhi “ Waxa aynu leenahay maanta madashani waxa ay ka markhaati kacaysaa in beelaha Ibraahin Sheekh Isaxaaq ay doorteen masuul qiimo leh, bulshada dhexdeedna lagu yaqaano wanaag, ILAHAY ha u barakeeyo inaga ha inoo wada barakeeyo. Suldaan Sheekh Yuusuf Cabdi Cawad dadka yaqaan ayaan ku jiraa dhawr iyo sodon sanadood in ka badan ayaan aqoon fiican u lahaa, Jid ayaanu wada marnay, Jabad ayaanu wada degnay jidiina waanu wada cunay waa sadexda qof lagu maro, duruuf badan ayaanu soo wada marnay waxaan ku aqaanaa dul, waanu soo wada shaqaynay hawlo badan oo nabadayneed iyo khayr ayaanu ka soo wada shaqaynay Cadaaladna waan ku aqaanaa, waxaan ka markhaati kacayaa inay doorteen qof masuul ah oo wanaagsan, waxaan ILAHAY ugu barynayaa inuu khaatumadiisa u wanaajiyo xilkaasna uu ku asturo, inaga ILAHAY inuu dariiqa wanaagsan iyo khaatumada uu ina waafajiyo.”

IMG_1947

IMG_1950

IMG_1956

IMG_1963

IMG_1964

IMG_1970

IMG_1976

IMG_1979

IMG_1981

IMG_1989

IMG_1996

IMG_2009

IMG_2018

IMG_2019

IMG_2021

IMG_2026

IMG_2028

IMG_2033

IMG_2039

IMG_2047

IMG_2051

IMG_2060

IMG_2064

IMG_2070

IMG_2078

IMG_2081

IMG_2098

IMG_2102

IMG_2112

IMG_2128

IMG_2145

IMG_2159

IMG_2160

IMG_2197

IMG_2202

IMG_2219

IMG_2239

IMG_2241

IMG_2257

IMG_2266

IMG_2321

IMG_2363

IMG_2383

IMG_2384

IMG_2420

IMG_2422

IMG_2423

IMG_2620

IMG_2621

IMG_2625

IMG_2627

IMG_2628