Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ka hadlay kala duwanaansha xaga aragtiyaha Xukuumada Somaliland iyo Mucaaridka qaar ee ku aadan dhinaca maalgashida iyo xidhiidhka wadamada carabta+Sawiro

0
677

“Ragga Maanta Ka Soo Horjeeda Horumarka, Maalgashiga, Saaxiibada Cusub Aragti Ahaan Iyo Mab’da Ahaan Ayaanu Soo Kala Horjeednaa, waxay doonayaan inay didiyaan wixii aanu dalkan u soo shukaaminay.” Wasiirka madaxtooyadda jsl.

Hargeysa (WSN) 16-02-2017-Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ka hadlay kala duwanaansha xaga aragtiyaha Xukuumada Somaliland iyo Mucaaridka qaar ee ku aadan dhinaca maalgashida iyo xidhiidhka wadamada carabta.

Wasiir Xaashi ayaa sheegay inay Xukuumad ahaan iyagu muhiimad koowaad siinayaan sidii ay Somaliland u heli lahayd saaxiibo ka gacan siiya dhinacyada dhaqaalaha iyo horumarka, halka uu mucaaridka qaarna ku eedeeyey inay ku hawlan yihiin sidii ay u dibin-daabyeyahaayeen dadaaaldaasi xukuumadu wado.

Mudane Maxamuud Xaashi ayaa arrimahaasi saxaafadda u sheegay ka dib kormeer isaga iyo masuulyiin kale ay maanta ku sameeyeen Mashruuca biyo xidheenka dhaamka Xumba weyne oo ay dawladda Imaaraadku maalgalinayso. Waxaanu yidhi “ Maanta waxaanu halkan xumbaweyne u nimid in aanu soo kormeerno mashruucan biyo xidheenka weyn ee halkan laga samaynayo ee ay maalgalisay dawladda Imaaraadka Carabtu, iyo in aanu halka uu marayo xogogaal u noqono, isaga oo gabogabo ku dhaw.Waxaanu ugu horayn u mahad celinaynaa dawladda Imaraadka ee walaalaha iyo saaxiibka aynu nahay ee mashruucan maalgaliyey, mar labaadka shirkadii mashruucan fulinaysay oo khuburadeedii inala joogto ayaanu iyadana u mahad celinaynaa, mashruucan shirkada qandaraaska qaadatay marka laga tago waxa dhinac socda oo ilaalinaya khuburo madax banaan oo mashruuca tayadiisa eegaysa, mashaariicda dad madax banaan oo kormeera oo ilaaliya ayaa loo sameeyaa, oo ka madax banaan shirkada wada, inaggana Injineero ayaa inoo jooga, dawladda Imaaraadkana Injineero ayaa u ilaalinaya.”

“ Dawladda Imaaraadka carabtu waxay ka mid tahay dawladdaha aynu saaxiibka nahay ee Somaliland ka caawiya mashaariicda badan, mustaqbakana kuwo badan inagga caawinaya, waxa qorsha ku jira dhaamkan marka la dhameeyo in laba kale la dhiso, oo laga dhisi doono meelaha ku haboon oo ah meelo la sahamiyey oo la qorsheeyey, meeli ay tahay duleedka magaalada Laascaanood, meelina ay tahay deegaanka Berbera goobaha ay biyuhu ku soo dhacaan.”

Wasiirka Madaxtooyada ayaa geesta kalena ka hadlay baadiyada aynu qaran ahaan uq abno inay ka faa’iidaysano biyaha roobka waxaanu yidhi “ Dhaamamkani wax badana ayey ina tari doonaan, biyaha ayey inoo qadaban doonaan, dhibaatada abaarta ee ina haysta ayey wax ka tari doonaan, ILAHAY (SWT) roob ayuu ina siiyaa laba wakhti sanadkii biyo xoog leh ayaa badeena gala, waxa aynu nahay bulsho aan ka faa’iidaysan karin mudadaa aynu jirnay biyahaa soconaya, umadda horumarka taqaana ama farsamada iyo xirfadaha taqaana way inala yaabtaa markay yimaadaan silica iyo baahiya aynu ku nool nahay iyo biyaha ina dhaafa, dad inagga biyo yar ayaa inaga beero wanaagsan oo innaga tacab badan, waxa aynu u baahan nahay ummad ahaan inaynu horumarno, in aynu caqligeena iyo xirfadaheena kordhino, inaynu qorshe aynu abaaraha kaga baxno u samaysano, oo sanad walba calaacal, cabatin iyo baryo aynaan ku noolaan.”

Mudane Xaashi waxa kale oo uu ka hadlay siyaasada Xukuumada eek u aadan Abaaraha iyo qorsha fog ee arrintaasi waxa laga qaban karo waxaanu yidhi “ Annagu Xukuumada ahaan waxaanu xooga saaraynayaa in aanu dalkan qorshe u samayno , oo ah abaaraha maanta in wixii umadda la tari karo ee caawimo iyo gurmad degdeg ah in la siiyo, dhinaca kalena in qorshe lagaga samato-baxo abaarta aynu diyaarsano, qorshadaasi wuxuu ku jiraa qorsha shanta sano ee qarankan, waa mashaariicda ugu waaweyn in biyo xidheeno la sameeyo, iyo ceelal dhaadheer, biyo xidheenadu ceelasha way ka faa’iido badan yihiin waanay kharash badan yihiin, waxa aynu u baahan nahay cid aynu kula ciirsano oo la kaashano.”

Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sidoo kalena ka hadlay xidhiidhka Somaliland iyo wadamada carabta oo uu ku sheegay mid guulaystay waxaanu yidhi “ Carab waxa inooga iman jiray intii aan Xukuumadani talada haaneedin niman shinbiro iyo ugaadh doonaya oo meelahaas soo mara, ama iskuulo yaryar inoo maalgaliya, waxa aynu u baahan nahay maaha xumad jabin, waxa aynu maanta u baahan nahay dib u dhis iyo ka hortaga aafooyinka ah. Waxaanu aaminsan nahay in aanu wax weyn ka badalnay xidhiidhkii dawlaha carbeed, maanta intii Xukuumadani jirtay mashaariicda laynoo qabtay maynaan qabsan karneen, been maaha , beena iskuma maaweelin karno, si kasta oo dakhliga aanu u kordhino waxay aynu nahay ummad waxeedu aanu af iyo gacan dhaafi karin. Waxaanu rabnaa annagu dalka in aanu saaxiibo u abuurno, siyaasadayadu waxa weeye in saaxiibo badan Somaliland yeelato, oo caawiya oo dhaqaalaha ka taageera, oo siyaasada ka taageera, nin waliba intuu jaal leeyahay ayuubuu xoog yeeshaa. Annaga Siyaasadayadu waxa weeye saaxiibadii aynu hore u lahayna waa ku mintidaynaa, waa ku faro adaygaynayaa qubi mayno, haday tahay midowga Yurub, dalka Ingiriiska, wadamada IGAD ee saaxiibadeen Ethiopia iyo Djibouti, wadamaas oo dhan saaxiibtinimadooda waanu adkaynaynaa, kuwo kalena waanu soo kordhinayaa.”

Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland ayaa geesta kalena ka hadlay kala duwanaansha Aragtiayaha Xukuumada iyo mucaaridka ee ku aadan Xidhiidhka carabta waxaany yidhi “ Wadamadda inala la saaxiibka ah danteena ayaanu horaysiinaynaa, oo muqadim wax walba ka ah, marka labaadna danaha saaxiibadeena waynu ilaalinaynaa, duniduna way isku danaysataa, dantuna dhinac qudha kama socoto, waana in koobadan intay ka socon karnaa. Annagu ma’da ayanu aamin sanahay ee Madaxweyne Siilaanyo uu wadaa waa kaa, isaga oo Wasiir ah ayuu kusoo waday sidaa oo waxa maanta Berbera la dugsanayo uu meel mariyey maantana dalka waa ka Madaxweyne. Waxa weeye ragga maanta ka soo horjeeda horumarka, maalgashiga, saaxiibada cusub aragti ahaan iyo mab’da ahaan ayaanu soo kala horjeednaa, Iyana waxay doonayaan inay didiyaan wixii aanu dalkan u soo shukaaminay, annaguna waxaanu doonaynaa in aanu saaxiibo badan keeno “ Soo hala wadaay deeq Allaa ku hafan doontaan” ayaanu leenahay, waxaanu dalkan u dhignay siyaasad saaxiibo lagu kasbado, oo aanu wadnaa dabino ayanu danta guud ee qaranka u dhiganyaa, dabinada aanu wadno sakaaro ku soo xarayn mayno, ee maalgashadayaal iyo saaxiibo siyaasadeed ayaanu soo daynay oo danta dalkan u ah, dabin maroodi ayaanu dhigaynaa. Qarin mayno iyagana dano ayaanu siinaynaa, laakiin waxaanu leenahay waa dano lays waydaarsanayo.”

Ugu dambayntiina Hargeysa wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa shaaciyey in raysal Wasaaradaha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn oo ay dhawaan Adis-abab kula kulmeen uu u balan qaaday Somaliland inuu ka caawin doono arrimo doora waxaanu yidhi Wasiirku “ Raysal waraasha wadanka Itoobiya mudane Hailemariam Desalegn waanu u mahad naqaynaa kulankii dhawaa ee aanu la yeelanay, wuxuu inoo balan qaaday inuu inagga caawiyo khuburo iyo aqoonyahano beeraha dadka muwaadiniinta ah bara, oo ina tusa halka roobku ku yaryahay waxa fiican ee ka bixi kara, waxa uu inoo balan qaaday inoo inagu caawin doono khuburo dhismaha iyo wadooyinka inagga caawiya, waa dal weyn oo dad badan, aqoon iyo jaamacado leh. Wuxuu noo balan qaaday inuu kordhin doono deeqda waxbarashada oo sanadkii dhawayd aynu boqol ka helanay ilaa laba kun oo arday in sanadka soo socda ee 2017-ka ay ina siin doonaan, aad baanu ugu mahad naqaynaa, waa walaaladeen iyo jaalkeen.”