Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Oo Ku Guuleystay Xubnaha Aqalka Sare Xubno Ee Ka Soo Jeeda Somaliland.

0
449

Wasiirka warfaafinta Dawladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa maanta loo doortay Xubnaha aqalka Sare ku matalaya Deegaanada Somaliland,waxaana uu ka guuleystay Axmed Maxamed Cumar.
Wasiir Maareeye ayaa kamid noqday xildhibaanada fara ku teriska ee kusoo baxay dhamaan codadka ergooyinka wax dooranaya, wuxuuna helay 51 cod.
Wasiirka warfaafinta oo kasoo jeeda deegaanada Somaliland waxaa uu ka mid yahay siyaasiyiinta u shaqo tagay dalka Soomaaliya waxaana uu loolan adag u galay sidii uu uga mid noqon lahaa xubnaha aqalka sare ee dalkaas.
Axmed Maxamed Cumar oo la tartamayay wasiir Maareeye ayaan helin wax cod ah.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soconaya doorashada xildhibaanada maqaar saarka ah ee matalaya Somaliland , waxaana doorashadaasi dib loo bilaabay maanta.