Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta oo Mar kale Cuno-qabatayn Dhanka Risiqa ah ku soo rogay Shaqaalihiisa iyo Dhiilal loo Toshay Dhiddidka Shaqaalaha!

0
455

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta oo Mar kale Cuno-qabatayn Dhanka Risiqa ah ku soo rogay Shaqaalihiisa iyo Dhiilal loo Toshay Dhiddidka Shaqaalaha!

Hargaysa (WSN):- Waxaa mudooyinkii u danbeeyay ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyigelinta wareegtooyin iska hor iyo daba imanaya.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta mudane Cabdiraxmaan C.laahi faarax guri barwaaqo ayaa soo saaray Wareegto kale oo uu u kala diray Wasaaradaha iyo Hay’adaha kale ee dawlada taas oo uu ku amrayo in aanay Wax lacag ah siin Weriyeyaasha ka soo duuba wararka ay baahinayaan taas badalkeedana ay wixii Lacag ah ku soo Shubaan Mas’uuliyiin ka tirsan wasaarada uu madaxda ka yahay.

Shaqaalaha Wasaarada Warfaafinta Ayaa mushaharka ay qaataan uu yahay mid aan kafaynayn noloshooda xili uu dalka ka taagan yahay Sicir barar saamayn culus ku yeeshay nolosha shaqaalaha dawlada iyo dadka danyarta ah,Sidoo kale ma helaan xuquuqaadka ay qaranka ku leeyihiin ee ugu jira Miisaaniyada wasaarada Warfaafinta haday tahay Caafimaad,habeen dhax, iyo dhamaanba adeegyada hawl socodsiinta, Shaqaalahan ayaa waxaa noloshooda kaabi jirtay kharashaadka yar ee faro guudkood ah ee ay u gartaan Mas’uuliyiinta dawlada ee ay Wararka iyo barnaamijyada ka soo qabtaan iyadoo aanay jirin wax cabasho ah oo ka yimid madaxda dawlada ,Waxaa kale oo ay arrintan kala sinaayeen Weriyeyaasha ka hawl gala Warbaahinta Madaxa bannaan, hasa yeeshee Wareegtadan ka soo baxday Wasiir Guri barwaaqo ayaa sharci ka dhigtay in Kharashka ay hay’adaha dawladu siiyaan Weriyeyaasha hada laga bilaabo ay joojiyeen taas badalkeedana ay ku soo shubaan Accoun-no ay gacanta ku hayaan Mas’uuliyiin risiq ka dhigta dhididka shaqaalaha oo dhex jooga kaanboolka wasaarada warfaafinta.

Waxaa kale oo Wareegtadan uu Soo saaray Wasiir Guri barwaaqo uu ku faray Madaxda hay’adaha dawlada in aanay wax guno ah siin Shaqaalihiisa halka aanu taas badalkeeda sheegin inuu damaanad qaadayo daboolida baahida shaqaalihiisa.

Dhanka Kale Wasiirka Warfaafinta ayaa marka uu qabto Shirarka Jaraa’id waxa uu ku bixiyaa dhaqaale xoogan kaas oo ka soo hor jeeda amase Khilaafsan amarkan uu hada soo saaray.

Tan iyo Markii loo qaybiyey Wasaaradaha iyo Hay’adaha kale ee Xukuumada wareegtadan ka soo baxday Wasiirka Warfaafinta waxaa hoos u dhac ku yimid wararkii maalinlaha ahaa ee laga baahin jiray Telefishanka iyo Idaacada Radio hargaysa iyadoo shaqaale badani ay guryahooda dhigteen Kaamaradihii ay gaarka u lahaayeen ee ay ugu adeegi jireen Telefishanka qaranka maadaama wasiir guri barwaaqo uu shaaciyey in Cidii hada ka dib la soo gasha xarunta wasaarada warfaafinta Kaamarad iyo Computerada Laptop-ka ah inay kala wareegi doonaan Ciidanka booliska ee Rugta Idaacada.

Dhacdooyinka la yaabka leh ee arrintani sababtay waxaa ka mid ah in Maanta oo Madaxweyne Muuse biixi uu dalka ku soo laabanayay la waayay Cid Camara Man ah oo Warkiisa ka soo duubta,taas oo nusqaan ku ah Milgaha dawladnimo.

Geesta kale Waxay Wareegtadani muujinaysaa in Wasiir Guri barwaaqo uu albaabada u laabay xafiiskii cashuuraha bariga ee Ku dhex yaala xarunta wasaarada warfaafinta kadib markii uu Shakhsiyaad gaar ah u samaystay Ururinta dhaqaalaha ka soo baxa Xayaysiisyada,Iidhehyada, Ogaysiisyada Iyo wixii la hal maala oo markii hore ku dhici jiray Khasnada dawlada.

Sida ay noo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay Waxaa talaabadan soo jeedinteeda lahaa Agaasimaha Maamulka iyo Xisaabaadka ee wasaarada warfaafinta Xasan Maxamed Maxamud ‘’xasan yare’’ oo mudo dheer ku taamayay sidii uu uga takhalusi lahaa xafiiska cashuuraha beriga ee wasaarada maaliyadu ku leedahay xayn daabka wasaarada warfaafinta si uu ugu adeegsado danihiisa gaarka ah iyo iska hor keenka shaqaalaha wasaarada warfaafinta.

Sida ay Tibaaxo Wareed noo Xaqiijiyeen agaasimaha ayaa Xidhiidho kala duwan la sameeyay Ganacsatada Xayaysiiska ka sii daysata Telefishanka Iyo Idaacada Radio Hargaysa kana dalbaday in hada kadib halkii ay uga Tagi Jireen Xafiiska Cashuuraha beriga ee Wasaarada Maaliyada ay Toos ugu soo hagaajiyaan Wixii xayaysiis ah Xafiiska Agaasimaha Maamulka Taas oo cadayn u ah ku tagri falka hantida qaranka.

Agaasimaha Maamulka ee Warfaafinta ayaa mar uu dhawaan Warbaahinta uga jawaabayay sababta markasta loogu eedeeyo buuqa iyo khilaafka ka dhasha wasaaradan uu mas’uuliyeenteeda ka midka yahay waxa uu ku dooday inuu yahay Wiil Shaqadiisa ku wanaagsan oo fariid ah !!!

Waxaa intaas dheer inaanu dib u dhugan Rikoodhka Musuq Maasuq ee uu ilaa Heer maxkamadeed ku Suntan.

Xasan Maxamed Maxamud Agaasimaha Maamulka ee Wasaaradda Warfaafinta ayaa hore loogu Xidhay Musuq Maasuq iyo wax is daba marin baahsan taas oo Sababtay in laga eryo Wasaarada isla markaana uu u cararay dalka Ingiriiska,waxaanu dib ugu soo laabtay xarunta wasaaradaasi horaantii sanadkii tegay ee 2017-kii xiligaas oo uu Wasaarada Warfaafinta Wasiir ka ahaa Mudane Cismaan Saxardiid Caddaani iyadoo qadiyadii musuq maasuq ee loo xidhay lagu dhameeyay qaab dhaqameed, Wuxuu Agaasimahani Meesha ka Saaray Xisaabiyihii Wasaaradda Warfaafinta isaga ayaa isu noqday Agaasime Maamul iyo Xisaabiye isaga ayaa qora oo gacanta ku haya Bayrolka Mushaharka Shaqaalaha wasaaradda Warfaafinta,taas oo ka hor imanaysa shuruucda maamul ee dalka.

Si kastaba ha ahaatee Go’aanadan kala duwan ee Ka soo baxaya Xafiiska Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka Iyo Wacyigelinta ayaa Saamayn culus ku yeeshay hawl-qabadka shaqaalaha wasaaradaasi iyo dhaq-dhaqaaqii hawl- maalmeedkooda shaqo u muuqda mid niyad jab laga dheehanayo, xili ay Xukuumadu ku mashquulsan tahay soo bandhigida waxqabadkeeda 120 Cisho ee ugu horeeyay Mudo xileedka Madaxweyne Biixi.