Wasiirka Wasaraada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Cismaan C/laahi Saxardiid ayaa saaka xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Ethiopia u fadhiya Somaliland

0
304

War Saxaafdeed
Hargaysa December 12 (Warsugannews) Wasiirka Wasaraada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Cismaan C/laahi Saxardiid ayaa saaka xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Ethiopia u fadhiya Somaliland Mr: Berhe Tesfay, oo ay la socdeen Saraakiil ka tirasan Safaaradaasi, dhinaca Wasaaradda waxa kulankan Wasiirka ku wehelinaayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo Agaasimaha Waaxda Duulimaadyada .
Waxana kulankaa lagaga wada hadlay sidii ay dawlada Ethiopia, Shaqaalaha Wasaaradda Duulista, iyo Kuwa Madaarada u siin lahayd deeq Waxbarso oo ah Tababaro Dhamaystiran oo u kala baxa

1) Hawlgainta (Operations )
2) Amaanka (Security)
3) Dabdamiska ( Fire Fighting Training)
4) Saadasha Hawada (Metrology)
5) Adeega iyo Wararka Gaadiidka Cirka(Aeronautical Information Service Training)
6) Maamulida Madaarada (Airport Management Training)
7) Sida loo ilaayo wax soo sarka (Products for Safety)
Waxa kale kulankan lagu soo qaaday, Xidhiidhka Labada Dal ka dhaxeeya iyo sidii loo sii kordhin lahaa,sidii Diyaarada Ethiopia Airline looga wada faaiidaysan laha, iyo sidii loo kordhin laha Diyaaradu tirade Duulimaadyada ay ku timaado Somaliland.
Alla Mahad Leh
Ismail ali Ahmed
Afhayeenka ahana Madaxa Xafiiska
Xidhiidhka Dadweynaha iyo Saxaafada
IMG_1179

IMG_1188

IMG_1189

IMG_1190

IMG_1192

IMG_1193

IMG_1194

IMG_1195

IMG_1196

IMG_1197

IMG_1198

IMG_1199

IMG_1201

IMG_1203

IMG_1207

IMG_1210

IMG_1214

IMG_1216

IMG_1217

IMG_1218

IMG_1219

IMG_1220

IMG_1221

IMG_1222

IMG_1223