Wasiirkii Hore ee Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Mudane Abgaal Oo Noqday Sameecad Ay Jabuuti U Isticmaalayso Carqaladaynta Horumarka Somaliland

0
395

Wasiirkii Hore ee Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Mudane Abgaal Oo Noqday Sameecad Ay Jabuuti U Isticmaalayso Carqaladaynta Horumarka Somaliland

Shacbiga Somaliland waxay indho dheer u leeyihiin cid kasta oo jecel ama neceb wanaaga dalkooda iyo jiritaankiisa, haseyeeshee waxa maalmihii u danbeeyey soo baxayey warar aan ka farxin cadawga Somaliland iyo waddamada jaarka ee tartanka kula jira Somaliland, kuwaas oo geed dheer iyo mid gaaban u fuulay inay hor istaagaan hormarka Somaliland, waxa aynu ogayn in farmaajo u duulay sucuudiga si uu warar ka dhan ah hormarka Somaliland ku talaabsatay ugala xaajoodo, halka dalka Jabuuti oo iyagu u muuqda kuwo ka siibtay salaanka siyaasada mandaqada iyagu isticmaalaya siyaasiyiin hore ugu fashilmay Somaliland oo ay ka hadashiinayaan iyagoo kharashaad iyo balan qaadyo u samaynayna, halka kuwo kalena ay dabada ka riixayaan si ay wax uga sheegaan shacbiga Somalilandna ugu dhex maraan dareenkooda oo ka dhex hadlaya kuwo ku abtirsanaya Somaliland.

Maalintii shalay ayey ahayd markii Ex Wasiir Abgaal uu soo fadhiistay muuq baahiyeyaasha dalka isagoo ku hadlay afka jabuuti balse iska dhigaya muwaadin u diirnaxaya shacbigiisa, nasiib daro se taasi way ka bariiqatay oo shacbigu way yaqaaniin luqada laguna hadlo marka ay yihiin muwaadiniin jecel wanaaga dalkooda, sidoo kale waxa ay xarfaan iyo aqoon dheeraada u leeyihiin marka ay ku jirto gacan shisheeye oon ahayn tii gudaha dalka la isticmaali jiray, waxanan leeyahay Abgaal adeero ka toobad keen kharashka Jabuuti ku soo tuurtaa meel dheer ku geyn maaye yaanay kaa dhex saarin shacbigaage, kaana dhigin dambiile qaran iyo calooshiiste u shaqayste ka fidmoobay ummaddiise.

Ugaas Muuse
ugaasyare2000@gmail.com