“Wax Allaale Waxa Hees Soomaali Midnimadeeda Iyo Calanka Buluugga Ah Loo Qaado Ee Radhyow Muqdisho Laga Saaro Bal Ha Laga Helo Mid Ay Leeyihiin Qolada Muqdisho Iyo Galkacayo Joogta,”

0
458

“Wax Allaale Waxa Hees Soomaali Midnimadeeda Iyo Calanka Buluugga Ah Loo Qaado Ee Radhyow Muqdisho Laga Saaro Bal Ha Laga Helo Mid Ay Leeyihiin Qolada Muqdisho Iyo Galkacayo Joogta,”

Hargeysa(Warsugan)Musharraxa xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa si adag uga jawaabay hadallo muddooyinkii u dambeeyay ka soo yeedhayay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo. Waxa uu sheegay in aanay Somaliland iyo Soomaaliya wada hadli doonin ilaa Madaxda Muqdisho ogolaato in loo wada hadlo sidii la isugu biiray 1960 la isuna qadariyo sidii laba dawladood.

Waxa uu meesha ka saaray in bulshada Somaliland neceb tahay Soomaalida.Musharrax Muuse Biixi oo magaalada Qorilugud dadweyne kula hadlayay ayaa sheegay in aanu Farmaajo ogolayn labadii dal ee midoobay “Xamar ninka jooga wuxuu maanta leeyahay ‘Soomaali ma kala maaranto, waanu jecelahay gobollada Somaliland’ xata Somaliland inooma quudho ee wuxuu yidha ‘ gobollada waqooyi waanu jecelahay’ Somaliland afkiisa ma soo mari karto hadana wuxuu yidha waxaan u dabaal degaya 26 June, wuxuu ii raaciya ‘Soomaali waa muqadas” Sidaas ayuu yidhi Mujaahid Muuse.

Guddoomiyaha Kulmiye ayaa Farmaajo u sharraxay taariikhda iyo halganka Somaliland u gashay jacaylka Soomaalinimada “Waxaan doonaya in aan u sheego taariikhdu siday tahay markii dagaalkii 2-daad ee dunida laga soo baxay ee Afrika oo dhan xornimada aloosiday ee qolo walba tidhi ‘dawlad baanu doonayna’ horta Soomaali ciddii isugu yeedhay ee ugu jecla ee xeelaheeda galiyay ee meel walba ugu dhintay ee meel walba u orday waxay ahaayeen reer Somaliland waana makhraati iyaguna ay ogyihiin,” sidaas ayuu yidhi Muuse Biixi.

Waxa uu intaasi raaciyay “Maxaa ka makhraati ah; Wax allaale waxa hees Soomaali midnimadeeda ah iyo waxa Calanka Buluugga ah loo qaado ee maanta radhyow Xamar laga saaro(laga sii daayo) ee gabay leh ee hees leh ee khudbado leh bal ha laga soo helo mid ay leeyihiin qolada Muqdisho iyo Galkacayo joogta, mid qudha kuma laha. Dareenka Soomaali ha midawdo oo wax ha wada yeelato oo waliba waxayga aniga idin sooryaynaya oo idiin goglaya horta reer Somaliland baa laha oo aabbayaashayo iyo awoowayaashaya laha anaguna tii waanu qabna Soomaalina ma necbin in Afrika isu timaaddana waanu ogolahay, in Geeska Afrika midoobana waanu ogolahay ma nihin dad Soomaali diid ah oo la odhanayo Soomaali bay diidayaan,” sidaas ayuu yidhi Muuse Biixi.Guddoomiyaha Kulmiye ayaa sawir ka bixiyay dhibaatadii Dawladdii Soomaaliya ka gaysatay Somaliland

“ Soomaali waxa diidaya ninkii diyaaradaha ku garaacay, waxa diidaya ninka Gaalkacayo kala gooyay maanta. Kamay dhicin adduunyada waxa Somaliland ka dhacay; may dhicin inan gashaanti ah oo awr wadda in iyadana la kufsado aabbaheedna lagu hor dilo Awrkiina la qasho oo haamihii la soo dhaammiyay lagu karsado, ma ragga taas sameeyay iska dhaaf diyaarad iyo wax la isku garaacee ayaa maanta I leh igu soo noqo ma dhacayso,” ayuu yidhi Muuse BiixiWaxa uu intaasi raaciyay hannaanka lagu wada hadli karo “Soomaali goorma ayay wada hadlaysa oo miis isugu imanaysa, marka nin walba wixii uu ahaa noqdo oo aynu Somaliland oo 26 June Calan qaadatay iyo Kowdii Julay iyaga oo calan qaatay laba dawladood oo calan qaatay oo is qadarinaya ina aanay taas ogolayn ninka Xamar jooga ha ku fikirina Somaliland iyo Somalia oo isu yimaadda dab hadduu ka hilaacayo dab,” sidaas ayuu yidhi Musharrax Muuse Biixi.

Guddoomiyaha Kulmiye waxa uu intaasi raaciyay in Soomaaliya kolba soo dirayso dad carqaladeeya Somaliland “Si Somaliland loo furfuro, si aanay u degin, si ay u qasnaato waxa la soo dira dad Xamar ka yimaadda oo dab ka shida Buuhoodle iyo halkan dhexdooda iyo meeshii ay shidi karayaanba. Walaalahayaga Buuhoodle farriin baan u dirayna, waxaanu doonayna nabad, waxaanu doonayna walaaltinimadii aynu lahayn, waxaanu doonayna wax wada lahaanshihii, waxaanu taageerayna nabada Cali Khaliif wado oo aanu doonayno in ay dhisanto, nin kii kale ee nabad wadana waanu la ogolnahay,” sidaas ayuu yidhi Musharrax Muuse Biixi Cabdi

Xigasho Wargeyska Warsugan