WAX KA BARO BISHA RAMADAAN Qaybtii 17-20aad

0
695

WAX KA BARO BISHA RAMADAAN Qaybtii

QORMADII 17-AAD
17. MAXAA DHACAY RAMADAAN GUDAHEED.
Hargeysa(Warsugannews)Waxaynu ka warrami doonaa oo aynu ka sheekayn doonaa wixii dhacay ramadaan gudaheed, marka la eegayo taariikhda muslimiinta, wayna farabadan yihiin wixii dhacay ramadaan dhexdeeda, waxaana ka mid ah, dagaalo ay galeen muslimiintu, meelo ay furteen muslimiintu, sidoo kale waxa ka mida cid ka dhimatay muslimka, ama dhalatay ramadaan gudaheed, iyadoo ay aad u fara badnaayeen hadda intii ugu caansanayd ayeynu ka sheegi doonaa, intuu Eebbe inooga qadaro.
 Ramadaan 1/ waxa ay muslimiintu furteen marooko.
 Ramadaan 3/ sanadkii (11h) waxa dhimatay faadumo bintu Rasuuli laah (NNKHH).
 Ramadaan 6/ sanadkii (92h) waxa ciidamadii abu qaasim furteen dhulkii loo yaqaanay (ASANDI) imikana kala ah dawladaha kala duwan sida bakistaan, afgaanistaan, iyo hindiya.
 Ramadaan 10/ tobankeedii waxa dhacay dagaalkii loogu magac daray (DAGAALKII TOBAANA) ee cidamadii masar kaga sareen kanaalka suways ciidamadii yuhuuda.
 Ramadaan 12/ waxa dhintay Imaamkii waynaa ee Ibnu jawsi, Eebbe ha u naxariistee.
 Ramadaan 15/ sanadkii (658h) muslimka Eebbe korreeye wuxuu ku guuleeyay furashadii (caynu jaaluut).
 Ramadaan 17/ waxa dhacay dagaalkii weynaa ee (BADAR) maalinkii Eebbe korreeye kala saaray xaqa iyo baadilka, muslimkana kaga guulaysteen gaaladda dagaalkaa.
 Ramadaan 18/ waxa dhintay saxaabigii waynaa ee khaalid ibnu waliid, ee Rasuulku ku magacaabay (sayful Laahi masluul), wuxuuna ku dhintay suuriya.
 Ramadaan 20/ sannadkii (8h) muslimiintu waxay furteen magaalada (makkah), iyadoo maalinkaa uu hogaaminayey Rasuulkeenii Nuxamed (NNKHH), kadibna halkaa asxaabtu asnaamtii ku hereeraysnayd kacbada jajabiyeen, Bilaalana ka eedaamay kacbada korkeeda, Nabiguna saamaxay (NNKHH) kuwii ka saaray isaga magaalada (makkah.
 Ramadaan 24/ sanadkii (20h) waxa dalka masar muslimiintu ka dhiseen masjidkii ugu horeeyey halkaas, waxayna ugu magac dareen saxaabigii waynaa ee cumar Ibnu caas.
 Ramadaan 28/ sandkii (2h) waxa muslimiinta lagu faral yeelay sakaatul fidriga, taas muslimiinta la faray inay xoolahooda ka bixiyaan.
 Ramadaan 30/ waxa dhintay Imaamkii wayaan ee BUKHAARI, Rabbi ha u naxariistee, isagoo Imaamku ahaa ninkii ururiyey axadiistii Rasuulkeenii suubanaa (NNKHH), taas oo maanta inoo noqotay dhaxal dhexdeena yaal, ilaa maantana bar-baarteenu ka faa’idaysato.
Muslimiinta ramadaan waxa haleelay farxad iyo murugo, bishan barakaysana wixii dhacay gudaheeda intaan halakan ku qoray oo kaliya maaha, runtii way ka badanyihiin, laakiin anuu waxan ka soo qaatay intii ugu caansanayd, waxaan rajeynayaa inaad noqotaan kuwii barta taariikhdii ay lahaayeen dadkii islaamka inooga horeeyey.

QORMADII 18-AAD
18. BISHA RAMADAAN IYO QURAANKA.
 A-XIDHIIDHKA KA DHAXEEYA RAMADAAN IYO QURAANKA.
Xidhiidh wayn ayaa ka dhexeeya bishan ramadaan ee barkaysan iyo kitaabka ilaahay, waayo waa bishii la soo dajiyey, sidoo kale waxa ku jira habeenkii sida gaara loo soo dajiyey, taaso xataa uu dareemi karo qof kasta oo muslimka ahi ayaamaha ugu horeeya ee ramadaan, kadib qofkii muslimka ahaa ha u dag-dago inuu badiyo akhriska quraanka kariimka, isagoo u fiir-fiirsanaya ayaadihiisa, warkiisa, iyo axkaamtiisa, kadib ay mu’miniintu soo buuxinayaan masaajida, kadibna imaamku cadeeyo in bishani tahay bishii quraanka, Eebbana quraankiisa ku yidhi ‘’ bishii ramadaan waatii soo dajinay quraan xaal uu hanuun u yahay dadka….’’ haddana salaadda iyadoo lagu jiro imaamku aayadan kale akhriyo ee Rabbi ku leeyahay ‘’ waxaan soo dajinay habeenka laylatul qadri’’ iyadoo Eebbe u jeedo quraanka waxa la soo dajiyey habeenka laylatul qadriga, ogsoonawna hadda laylatul qadrigu wuxuu ku jiraa bisha ramadaan, hadan qofka muslimka ahi isagoo quraanka akhrinaya ayuu ayaadan akhrin ‘’ waxaanu soo dajinay habeen barakaysan…’’, haddaba qofka muslimka ayaaba dareemi kara xidhiidhka ka dhaxeeya quraanka iyo bishan ramadaan, markuu akhriyo quraan una fiirso ayaadahiisa.
Bishani waa bil quraan, waa bil ay mudan tahay in la badiyo akhriska kitaabka alle, xataa bil fursad u noqon karta kaan aqoon quraanka rabana inuu barto, kii yaqaanayna fursad ayey u tahay inuu barto macnihiisa kuna camal falo, waayo waa bishii quraan la soo dajiyey, xidhiidh wayna ayey wadaagaan bishan iyo quraanku, haddaba waxaan soo qaadan siday kor ugu qaadi jieen kitaabka Ilaahay dadkii islaamka inooga horeeyey, waxaana jeclaanlahaa inaynu ku dayano dadkaa, dhinaca kalana is qiyaasno halkaynu taaganahay.
Haddaba siduu ahaa xaalka Rasuulkeenii suubanaa (NNKHH), wuxuu ahaa mid la subciya quraanka lana akhriya kitaabka Alle malaku jibriil, siduu tilmaamayo xadiiska ku sugan saxiixaynka,’’jibriil wuxuu ahaa mid u yimaad Nabigeenii Muxammed (NNKHH), kadibna quraanka la akhriya quraan habeen kasta, sidaas ayuu jibriil ula subcin jiray Rasuulka (NNKHH), haddaba bulshadeena xaalkeeda quraanka iyo bisha ramadaan waa sidee?
Asaxaabtu waxa ay ahaayeen qaar kor u qaada kitaabka ilaahay gaar ahaan bisha ramadaan, asxaabtu Eebbe raali haka noqdee waxa ay ahaayeen saddex qaybood, qaarkood maalin kasta quraanka way dhamayan jireen sida cismaan binu cafaan, iyo qaar iyaguna saddexdii habeenba ku dhameeya quraanka, qaarka kalana waxay ahaayeen iyaguna kuwo ku dhameeya quraan todobadii habeenba mar, xaalkii asaxaabtu Rabbi raali ka noqdee iyagu waa kaas, inaga xaalkeena quraanka iyo bisha ramadaan waa sidee?
Salafkii hore ee umaddani waxay ahaayeen qaar iyaguna wayneeya quraan bishan, waxayna ahaayeen qaar wakhtigooda inta badan ku qaata akhriska quraanka, mararka qaar ayaa dhici jirtay inay ka tagaan goobaha ay cilmiga diiniga ah ku baranayaan si ay firaaqo ugu helaan akhriska kitaabka Alle, imaamu shaafici wuxuu ahaa mid akhriya maalinkasta oo ramadaan quraanka ilaa todoba jus, imaamu maalik ayaana la tilmaama mid aan lagu arki jirin goobaha sheekada iyo meelaha wax lagu dhigto, wuxuuna ku mashquuli jiray akhriska quraanka, qaabkaa ayey u waynayn jireen quraan salfkii umaddani, haddaba adiga xaalkagu waa side?
Walaalkayga muslimka ahaw ama walashayda muslimadda aheey adiga xaalkaagu waa side?
Haddaba aragtay siday ahaayeen dadkii inaga horeeyey ee khayrka badnaa, jawaabta su’aashana adaan kaaga tagay, kolan waad taqaan halkaad taagan tahay, cidana kaaga sheekayn mayso, laakiin talo waxay iga tahay kitaabkaa Eebbe dhaxdeena dhigay aynu akrino oo aynu ku camal falno, runtii waynu liibaani aduun iyo akhiraba, laakiin intuu dhexdeena siduu ku yahay ognahay xaalkeenu wuu adagyahay, maanta muslimka dhibta haystaa waxa weeye kitaabkii ilaahay ayey gadaashooda dhigeen, halkii laga rabay inuu quraanku hogaan u noqdo
 B- EEDAABTA LOOGA BAAHANYAHAY QOFKA AKHRINAYA KITAABKA ALLE.
Eedaabta looga baahanyahay qofka akhrinaya kitaabka Rabbi (swt), gaar ahaan bisha ramadaan ee barakaysan si aynu dadka Quraanka Kariimka ah akhrinaya wixii ka khaldan ugu saxno.
EEDAABTA QURAANKA.
1. Inuu yahay daahir, kana madhanyahay jinaabadii, qofkii dumarka ahaana ka madhantahay labadii dhiigba, sidoo kalana aanu ku akhrin goob iyadana aan ahay daahir.
2. Qofka akrinaya kitaabka Ilaahay waa inuu la yimaad ikhlaas iyo inuu niyada galiyo inuu camalkan iyo akhriskan dar Ilaahay u qabanayo.
3. Waxa haboon Markuu qofku bilaabayo akhriska quraanka waa inuu u jeedsadaa dhinaca qibaladu ka xigto.
4. Markuu akhrinayo kitaabka Ilaahay waa inuu soo xaadiriyaa qalbigiisa oo aanu ku mashquulin wax kale, si uu u wayneeyo kitaabka Alle.
5. Markaad akhrinayso quraanka Rabbi waa inaad la timaado(tadabur) ama u fiir-fiirsataa macanha ayaadaha ilaahay, si aanad u noqon kuwuu Eebbe quraankiisa ku yidhi ” miyaanay ku tadaburayn quraanka mise waxa xidhmay quluubtoodii”, quraanka boobsii ha kaga dhigin dul istaag ayaad kasta, fahana macanaha ay leedahay.
6. Waxa habboon inaad quraanka ku akhrido goob ka fog qaylo iyo dhibaato, waana inaad ku akhrido quraanka cod dhexdhexaada.
7. Ma haboona inaad u kala jarjarto quraanka akhriskiisa hawlo aduunyo, sida daawashada muuqbaahiye, ama dhagaysiga idaacad, iyo wixii la mida.
8. Waxa habboon in qofku markuu akhriyayo kitaabka Rabbi inuu ilaahay baryo, hadduu soo maro ayaad jano ka waramaysa, Eebbe waydiisto jano, dhinaca kalana hadduu soo maro ayaad ka waramaysa naarta inuu Rabbi ka magan galo, sidaas oo kalana sameeyo ayaadaha kale.
9. Waxa fiican inuu qofku barto habka loo akhrinayo quraanka (Tajwiidka) waxa loo yaqaan, inuu barto ayaa aad u mihiima, waayo waxay kaa caawinaysaa barashada (Tajwiidku) inaad si qurux badan u akhrido quraanka oo maqalku ku raaxaysto.
10. Waxa waajiba in qofku awaamir Eebbe farayo iyo wuxuu ka reebayo ee ku sugan aayd kitaabka Alle ee uu akhriyo inuu sidooda u qaato.
Haddaba innagoo ka hadalnay quraanka iyo xidhiidhka uu la leeyahay bisha ramadaan, eedaabta looga baahnyahay qofka akhrinaya kitaabka ilaahay, sababtaan u qornayna tahay dadku oo aad u akhriya quraanka ramadaan gudaheed, ayaan jeclaystay inaan soo bandhigo eedaabta laga rabo qofka akhrinaya kitaabka Alle, si qofku iskaga saxo wixii ka khaldan, waxaana u malaynayaa inaynu baranay in badan oo inaga maqnayd, Eebbe waxaan ka baryayaa inuu inaga yeelo kuwii ku camal fala insha allah.

QORMADII 20-AAD
20. FADLIGA TOBANKA DANBE EE BISHA RAMAAN.
Tobanka danbe ee ramadaan waa habeeno fadli badan, waa habeenada ugu fadliga badan sanadka, waa habeeno Eebbe korreeye ku dhaartay quraankiisa, Rasuulkeenuna (NNKHH) uu noolayn jiray tobankan habeen ee danbe, siday tilmaamayso Caa’ish Rabbi raali haka noqdee markay ka waramaysay dhaqankii Rasuulku (NNKHH) siduu ahaa tobankan danbe ee ramadaan waxay tidhi ” wuxuu ugu dedaali jiray tobankan danbe sidaanu shay kale ugu dedaalin” haddaba hadduu Nebiga (NNKHH) oo danbigiisii hore iyo kiisii danbaba la dhaafay sidaa ugu carari jiray khayrka tobankan danbe inaga maxaad inoo malayn? runtiis xaalkeenu waa Alle u sahal.
Rasuulku (NNKHH) wuxuu dhaqankiisu ahaa markay u soo galaan tobankan danbe ee ramadaan sidan” habeenka ayuu noolayn jiray, guntiga ayuu giijisan jiray, reerkiisa ayuu baraarujin jiray”
Habeenkii wuxuu ku noolayn jiray Alle bari, salaad iyo quraanka oo akhriskiisa uu badiyo.
Reerkiisa ayuu kicin jiray si ay u salaadan, Rabbigood u baryaan, ugana qanimaystaan khayrka ku jira habeenadan tobanka ah.
Guntiga ayuu dhiisha iskaga dhigi jiray, si uu ugu dedaalo cibaadada Rabigii, iyo si aanu marnaba uga caajisin qiyaamu laylka habeenka galinskiisa danbe la tukado.
Haddaba inaga dusheena waxa ahayd inaynu ka faa’idaysano khayrka tobankan habeen, kuna noolayno Rabbigeena oo aynu is-hortaagno , oo aynu barino si uu inooga dhaafo dambiyadii aynu falnay, quraanka oo aynu akhriskiisa badino, iyo wixii kale ee alle bari ah ee aan la’imankarno si aynu Rabbigeen u raaligalino.
Maanka ku hayso in habeenada uu ku jiro habeen ka fadli iyo qiimo badan 1000-habeen, oo la yidhaa LAYLATUL QADRI, waa habeenkii Rabbi soo dajiyey quraanka kariimka ah, waa habeen ay soo dagto malaa’iktu, waa habeen nabad galyo, haddaba maxaad u malayn haddii aad ku da’daasho tobankan danbe, lana kulanto habeenkaa fadliga intaa le’eg leh, kana ajar badan habeenkaas camaalka aad qabataa sideetan sano iyo dheeraad haddiiba cimrigaagu kugu simo, waxa laga yaabaa inaanad ogayn in aad gaadhin ramadaan kale, laakiin hadduu Eebbe kugu simay tan aad maanta joogtid yaanay dhayal kugu dhaafin.
Tobankan dabe ee ramadaan inagu macasalaamaynayso warkeedu inama seegana, laakiin baraarujinta iyo is xasuusintu iyadna waa mid aan lahayn dhamaad, ani waa iga xasuusin, waxaan Eebbe ka baryayaa in aniga iyo dadka muslimka ahba waafajiyo habeenkaas, kana yeelo kuwii loogu danbi dhaafo habeenadan insha allaah.

W/Q: C/RAXMAAN C/LAAHI WIRDAANI