WAX KA BARO BISHA RAMADAAN Qaybtii 3aad

0
334

QORMADII 3-AAD
3. FADLIGA BISHA RAMADAAN
Hargeysa(Warsugannews)Waa bishii towbada iyo danbi dhaafka, iyo xumaha wasakhda qofka muslimka ahi iska maydhayey, waa bishii shayaadiinta la xidhxidhayey, waa bishii ay ku jirtey habeen ka fadli badan 1000 habeen, waa bishii habeen kasta Alle ka xoreynayey naarta, waa bishii horaanteedu ahayd raxmad, badhtankeeduna ahaa danbi dhaaf, gadaasheeduna ahayd naarta oo Rabbi laga magan galo, waa bil dhamaanteed khayr tahay, rabbi ha inaga yeelo kuwa ka faa’idaysta, kana qaniimaysta.

Nusuus badan ayaana ku soo aroortay fadliga bishan ramadaan, waxaana ka mid ahaa xadiiskii rasuulka (NNKHH) ku lahaa ”salaadaha shanta ah, jimce ilaa jimce, ramadaan ilaa ramadaan intaa u dhaxaysa waxa lagu dhaafa danbiga… ” xadiis kalana waa kii tilmaamayey nabiguna ku lahaa ”qofka ramadaan istaaga isagoo rumaysan iimaan ajarna dalbaya waxa loo danbi dhaafaa kiisii hore ” Alle ha inoo danbi dhaafee.

Maxaad u malayn kay ramadaan usoo gashay haddana aan loo danbi dhaafin ee sankiisu boodhoobay, Alle inagama yeelee, maxaad u malayn malaa’iik intaad soomantahay rabbi kuu baryeysa inuu kuu danbi dhaafo, bishani malag ayaa dhawaaqa wuxuu yidhaa: ” kii khayr doonayoow soo qaabil waa bishii khayrkee, kii shar doonayawna gaabso”.

Bishani waa bishii Rabbi muslimiinta ka xoreynayey naarta, alle ha inga yeelo kuwa uu ka xoreeyo naartee, habeenkasta Eebbe wuu ka xoreeyaa mu’miniitiisa naarta, habeen iyadana si gaar ah Eebbe uga xoreeyo umadiisa naarta, waana LAYLATUL QADRIGA, Eebbe inta muslimka ah haka yeelo kuwii uu ka xoreeyo naar, wajiyadoodana ka baajiyo jahanama.

Waa bishii Alle xidhayey alaabaabada naarta dhamaan ee aan midna la furayn, albaabada janadana la balaqayey ee aan mid la xidhayn, shaydiinta kuwooda madax adagna la xidhxidhayey, rasuulkeenii subanaana waa kii xadiis ku lahaa (NNKHH):” markay ramadaan timaad albaabada janada ayaa lafuraa midna lama xidho, albaabada nartana waa la xidhaa midna lama furo, shayaadiinta ku wooda madax adgna waa la xidhxidhaa” . iblayska la xidhayn bulshadeena iyo masaajida ayaa laga gartaa, sidaas oo ay tahay yaanu inaga adkaan kiisa yaryari, ee aynu nafaheen ku xidhno masjidka.

Waa bishii sabirka, waxaad ku sabri gaajada, waxaad ku sabri daalka salaadda taraawiixda, waxaad ku sabri ictikaaf masjidka, bishani waa bishii sabirka dhamaanteed, sidaas oo ay tahayna qof muslimka ahi xataa wuxuu naftiisa ka joojinayaa xumaanta, sidaas oo ay tahay sababta soonku u noqday sabirka badhkii.

Waa bishii ducada, waa bishii uu alle baryey inuu jano galiyo, ka maydho danbigii uu soo falay, wajigiisa ka dheereeyo naarta ama jahanama, siiba qofka muslimka looga baahnyahay inuu Alle bari la yimaad wakhtiyada ducada la aqbalo, markuu salaadaha ka baxo, markuu afurayo oo timirta u horreysa afka gali inuu gamaha kor utaaga waayo ducadaa lama soo celiyo, waxay tahay bishan inay si gaar Alle u barino.

Waa bil Eebbe dhexdhigay habeen ka fadli badan 1000 habeen, waa habeenka laylatul qadri, maxaad u malayn habeen kaliya camalka aad qabto ka fadli badnaado habeenada intaa leeg, maxaad u malayn ducada habeenkaa lagaa aqbalo, waa habeenka rabbi qorsheeyo sandkaa danbe waxa dhici doona, waa habeenkii Rabbi soo dajiyey quraanka kariimka ah, wuxuu ku jiraa tobanka dabe ee ramadaan laakiin asxaabta ayaa qaarkood yidhaahdeen waa 27 ama 29, si kastoo tahay habeen gaar rasuulkeenu mee sheegin (NNKHH) laakiin inaga waxa inala gudboon inaynu tobanka danbe ku dadaalno si aanu inagu dhaafi lahayn habeenkaasi, tobankaba duco, quraan akhris iyo cibaadaba ku xoojin lahayn, habeenada kala dhimana fiiro gaara u yeelan lahayn.

Waa bishii quraanka waana bishii uu soo dagay, sidaas oo ay tahay miyaanay ahayn inaynu badino akhris quraanka, dadkii hore ee salfka ahaa markay ramadaan u timaad maalinkiiba hal jeer ayey dhamayn jireen, nabiguna (NNKHH) waa kii xadiis ku lahaa: ‘’ qofka akhriya xaraf ka mida kitaabka ilaahay waxa loo qoraa darajo, halkaa darajana waa loo toban laabayaa’’ walaalahayga muslimka ahaw aynu ramadaan ku xoojino quraan akhriska oo aynu badino qofba inta awoodiisa ah insha allaah.

Bisha ramadaanta fadligeeda kuma soo koobi karno halkan wey fadli badantahay, kuwa fadligeeda ka faaidaysta, kana qaniimaysta, inaguna aynu noqono kuwa ku camira salaadda, quraan akhris, iyo camal kasta oo khayra, Eebbana ha inaga yeelo kuwuu naarta ka xoreeyo, janadana galiyo, umadda muslimka ahna dhibaatooyinka haysta Rabbi haka qaado, meel kasta oo ay joogan, inagana inoo bara keeya inta aynu haysano.