WAX KA BARO BISHA RAMADAAN Qaybtii 4aad

0
448

QORMADII 4-AAD
4. FAA’IDADA CAAFIMAAD EE BISHA RAMADAAN
Bishan barakaysan ee ramadaan waxay leedahay faa’idooyin badan, waxaan u malaynayaa in laga dhargsanyahay faa’idadeeda dhinaca diiniga ah, laakiin anuu qormadeenan afraad waxaan ka istaagi doona dhinaca cilmiga casriga ah, iyo waxay ka yidhaahdeen dhakhaatiirta iyo culimada saynisku, anoo bayaanin doona faa’idada caafimaad ee ay leedahay bishan barakaysani.
Cilmiga caafimaadku soonka wuxuu u aqoonsaday inay lagama maar-maan tahay inuu qofku soomo sandkii hal mar, waana bil uu jidhka u suurta gasho inuu shaqooyinkiisa guto, waana shay lagama maar-maan u ah caafimaadka qofka haday tahay, cunitaan, cabitaan, hurdada, neefsiga, iyo shaqadiisa gaar ahaaneedba, kaba soo qaad haddii uu qofku hurdo badan seexdo wuu ku xanuusan, hadduu cunto badan waxa hubaal ah in uu xanuun la soo gudboonaan, saas oo kale ayey tahay cabiddu iyo wixii la mida, nimcooyinka Eebbe ayey ka mid noqotay in uu inagu faral yeelo bisha ramadaan si jidhkeeni caafimaad u helo, dhinac kalana aynu ay ka tahay in masaakiinta gaajada haysa in walaalkiisa muslimka ahi dareemo, haddaba haddaan soo carrabaabay faa’dada caafimaad ee ay leedahay bishani, waa maxay faa’idada cafimaad ee ku jirta.
• WUXUU KA HORTAGAA MACAANKA.
Wuxuu keenaa inuu hoos u dhigo kor u kaca uu keenayo cudurka macaanku, waayo wuxuu nasasho siiyaa waxa loo yaqaan (bankerias) , taasina waxay yareysaa dhaqdhaqaaqii uu samaynayey macaanku surtagalna uma noqoto inuu kaco.
• WUXUU KA HORTAGAA DHIIG KARKA.
Soonku dawo ayuu u yahay siday sheegeen dhakhaatiir badani, badankooduna ayna ahayn muslimiin, taana waxa aad u iftiimaysay daraasad ka soo baxday jamacad ku taala dalka jarmany, sidoo kalan waxay ku doodeen in soonku yahay fursad uu ku dajin karo qofka uu hayo xanuunka DHIIG KARKU.
• CUDURADAN KU DHACA MAQAARKA.
Soonku wuxuu daweeyaa cudurada maqaarka ku dhaca, waayo wuxuu yareeyaa xadiga biyaha ku jira jidhka, waxayna keenaysaa inuu yaraado soc-socdka ay sameynayaa midhicirada jidhku , taasi waxay keentaa inuu yareeyo cuduradii ku dhacayey maqaarka sare ee jidhka,
• WUXUU YAREEYAA BEER SUBAGA.
Sida ay ku doodeen dhakhaatiir badani waxay yidhaahdeen soonku wuxuu yareeyaa xanuunka aynu u naqaan beer subaga, mada’da loo yaqaan (calstrol) taas oo isku dahaana hareeraha sanbabada, taas oo marmar suurta gal ka dhigi karta inuu kordho subaga, sidaad oo ay tahay soonku wuxuu yareeyaa subaga, waanu ka hor tagaa.
• WUXUU XOGEEYAA UNUGYADA JIDHKA
Soonku wuxuu xoogeeyaa unugyada daciifka ah ee jidhka, waayo gaajadu waxay dhaqaajisaa xubanha hoose ee jidhka, si ay firfircooni u heelaan unugyada daciifka ah ee jidhku, taasi jidhka waxay u tahay fursad weyn xataa keenta inuu qashin saar keeno, waxa kaloo uu soonku ka ilaaliyaa waxyaabaha soo gaadhay jidhka,

Si kastoo ay tahayba soonku wuxu lee yahay faa’ido caafimaad maaha inta aynu halkan oo kaliya ku sheegnay, waaba uu kasii badan yahay, maanta waxa kale iska dhaafe gaaladii ayaa gaartey faa’dada ku jirta bishan barakaysan, maxaad u malayn ka muslimka ah ee ka moogan waxayaaba ku dugan bishan ee aan la tirin karayn, Rabbi waxaan ka baryayaa inuu inaga yeelo kuwa ka faa’idaysta bishan, inteena xanuun sanysana waxa la gudboon inay ku samraan, Eebbana ka dulqaado caafiyana, inaguna kuwa wax ku qaata alle ha inag yeelo.

W/Q: C/RAXMAAN C/LAAHI WIRDAANI