WAX KA BARO BISHA RAMADAAN QORMADII 9-AAD

0
604

QORMADII 9-AAD

9. RAMADAAN MAXAY BILAHA KALE DHEERTAHAY
Hargeysa(Warsugannews)Sanadku waa labo iyo toban bilood, waxaana ku jira bil ka fadli badan kaw iyo tobanka bilood ee kale, waa bisha Ramadaan, waa Bil Eebbe ka fadilay Bilaha kale, waana Bil mudan in la soo dhaweeyo una diyaar garoowno, marka ay Bilatana mudan in laga faaiideesto daqiiqad kasta ama xili kasta oo ka mid ah, maxaa yeelay Ramadaantu illaah (cw) waxaa uu ka yeelay mid dheer Bilaha kale dhawr arimood oo waa weyn oo kala ah:
1. HABEENKA LAYLATUL QADRIGA.
Waxaa uu Eebbe Ramadaan dhex galiyay hal habeen oo ka fadli badan kun Bilood, taasoo macnaheeda yahay in habeenkaas Cibaadada la sameeyaa ay kheyr badan tahay 1000 Bilood oo cibaado oo aad la timaado, Waana habeenkii rasuulkeena (NNKHH) lagu soo dajiyey quraanka kariimka.
2. WAXA LA SOO DAJIYEY KITAABKA ALLE.
Ramadaanka Bilaha dheer tahay waa bishii lasoo Dejiyay Kitaabada Alle korreye, qofkii ugu Fadli badanaa lagusoo dajiyay Nabiyada Nabi maxamed (NNKHH), haddaba miyaanay ahayn in uga fa’idaysanayn bishan quraan akhris aadna u badino iyadoo ay tahay bishii Rabbi soo dajiyey quraanka, aynu ku da’daalno akhriska quraanka.
3. WAXA LA FURAA ALBAABADA JANADA.
Waxaa kaloo Ramadaanku Bilaha dheer tahay in Albaabada Janada la furo, inta lagu gudo jiro bishan barakaysan siduu inoo sheegay nabigeenu (NNKHH) xadiis macnihiisu ahaa ‘’… janadana albaabadeeda waa la furaa lamana xidhi alaabab ka mid ah….’’ sidaas oo ay tahay waxa inala gudboon inaynu khayr la nimaadno si aynu uga faa’idaysano albaabadaa janada ee furan.
4. WAXA LA XIDHAA ALBAABADA NAARTA.
Ramadaan markay timaad ama soo gasho waa la xidhaa albaabada naarta midna lama furo siduu ina tusinayey Rasuulkeenii suubanaa (NNKHH) ‘’… albaabada naarta waa la xidhaa midna lama furo…’’ intaynu ramadaan ku guda jirno aynu Rabbi danbi dhaaf waydiisano naarna aynu ka magan galno.
5. NAARTA AYUU RABBI ADOOMADIISA KA XOREEYAA.
Ramadaan Eebbe korreeye adoomadiisa wuxuu ka xoreeyaa naarta wuxuuna u furaa albaabada janada, alle ha inaga yeelo kuwa uu ka xoreeyo naartee, habeenkasta Eebbe wuu ka xoreeyaa mu’miniitiisa naarta, habeen iydana si gaar Eebbe uga xoreeyo umadiisa naarta, waana LAYLATUL QADRIGA, Eebbe inta muslimka ah haka yeelo kuwii uu ka xoreeyo naar, wajiyadoodana ka baajiyo jahanama.
6. BIL KHAR BADANI KU GADAAMAN YAHAY.
Ramadaanku bilaha kale waxay Dheertahay waa bil Xambaarsan Cibaadooyin ay yartahay in sanadka oo dhan laga dhex helo oo aad u fara badan sida Soonka, Qiyaamka, Quudinta Masaakiinta, Ictikaafka, Sadaqada iyo Qur’aan akhriska, waxaana Bisha Ramadaan la Jibaaraa Ajarada taasoo ah fursad aan mar walba la heli Karin. Miyaanay haboonayn inaynu ka qaniimaysanno?
7. WAA BIL DANBIGA LA DHAAFO.
Waa bil Eebbe korreeye adoomadiisa u danbi dhaafo, maxaa yeelay adoonkiisii soomanaa sodankii ramadaan, isaga baryayey, salaadaha oogayey, sadaqada bixinayey, waa hubaal inuu Rabbi u danbi dhaafayo, haddaba maxaad u malayn kay ramadaan usoo gashay hadan aan loo danbi dhaafin, Alle inagama yeelee, maxaad u malayn malaa’ik intaad soo mantahay Rabbi kuu baryeysa inuu kuu danbi dhaafo, bishani Eebbe waxaan ka baryayaa inuu inoogu danbi dhaafo khayr keedana ina siiyo insha allah.
Ramadaan waa bil ka mudn bilaha kale, waa bil Eebbe korreeye ka doortay bilaha kale, waa bil aan gidigeedaba aanu ka madhnayn khayr, waa bil kii Rabbi waafajiyaa libaanayo aduun iyo aakhiraba, Eebbe waxaan ka baryayaa inuu inaga yeelo kuwa loogu danbi dhaafo, looguna naxariisto, naartana lagaga xoreeyo, janadana lagu galiyo