‘Wax la Aqbali karo Maaha in Dadaalkii loo Dhammaa ee Ictiraaf-raadinta Somaliland ee Sweden uu Iska Sheegto Guddoomiyaha WADDANI’

0
438

‘Wax la Aqbali karo Maaha in Dadaalkii loo Dhammaa ee Ictiraaf-raadinta Somaliland ee Sweden uu Iska Sheegto Guddoomiyaha WADDANI’

Stockholm (Warsugannews)- Afhayeenka laanta xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE ku leeyahay dalka Sweden Mr. Xasan Axmed Buluke (Hassan Jamuri), ayaa wax laga xumaado oo xaqiiqda ka fog ku tilmaamay hadal ka soo yeedhay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo si gaar ah xisbigiisa u siiyey dadaalka ololaha ictiraaf-raadinta Somaliland ee laga wado dalka Sweden.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ahna hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo booqasho ku tagay dalka Sweden maalmo ka hor, halkaas oo mooshin la xidhiidha qaddiyadda madaxbannaanida Jamhuuriyadda la horkeenayo Baarlamanka dalkaasi, ayaa hadal uu siiyey warbaahinta waxa uu ku sheegay in dadaalka lagu abuuray mooshinkan ay ka soo shaqeeyeen masuuliyiinta iyo taageerayaasha xisbiga WADDANI.Hasyeeshee, Afhayeenka xisbiga KULMIYE ee laanta dalka Sweden Mr. Xasan Axmed Buluke oo soo saaray war-saxaafadeed uu arrintan kaga hadlayo,
ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay doodda xisbiga WADDANI uu kelidii ku sheegtay dadaal shacabka reer Somaliland oo dhami ka hawlgalaan.Haddaba, war-murtiyeedka Afhayeenka KULMIYE oo uu ku soo bandhigay xaqiiqooyin badan oo ku wajahan qaddiyaddan iyo heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay, waxa uu u dhignaa sidan;“Anigoo ku hadlaya afka Xisbiga Midnimada iyo Horumarinta Somaliland (Kulmiye) ee dalkan Sweden waxan dadweynaha iyo cidkasta oo ay khusayso u caddaynaynaa in dalkan Sweden loo dhisay guddi loo dhanyahay bishii February 2016 oo qaabilsan dardargelinta ictiraaf-raadinta Somaliland kaasoo la shaqeeya Safiirka Somaliland ee Sweden Marwo Roda Jaamac Cilmi. Sidaa aawadeed, waxa wax lala yaabo ah in Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI uu marin habaabiyo oo uu iska sheegtay in xisbigiisu ka dambeeyey wixii ay ku tabceen dhammaan shacabka reer Somaliland ee Sweden oo ay hormuud uga ahaayeen Safiirka iyo Guddida Ictiraaf-raadinta Somaliland ee Sweden, iyagoo gacan ka helaya dhammaan jaaliyada haba ugu
horreeyo hoggaanka iyo taagerayasha xisbiga KULMIYE Sweden.

Guddiga Ictiraaf-raadinta Somaliland ee Sweden waxa la soo dhisay Bishii February 2016, iyadoo uu goob-joog ka ahaa Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajooga ee Somaliland mudane Cabdi Cabdillaahi Xirsi iyo Safiirka Somaliland ee Sweden marwo Roda Jaamac Cilmi kadib markii lala tashaday dhammaan Jaaliyadaha Sweden iyo axsaabta siyaasaddaba, waxaanay guddidu Guddoomiye u doorteen Maxammed Yusuf Bidhiidh (Bada).

Muddadaa afarta bilood ah ee guddidani jirtay waxa u suurtagashay in 9 jeer lagaga doodo qaddiyada Somaliland Barlamaanka Sweden. Waxay la xidhiidheen 123 Xildhibaan oo ka mid ah 349-ka xildhibaan ee uu ka kooban yahay Barlamaanka Sweden oo ay ku jiraan 7 group leaders ka mid ah 8-da xisbi ee ku jira Barlamaanka Sweden marka laga reebo 1 group leader ee xisbiga cunsuriyiinta. Guddidan iyo Safiiradu waxay saaxiibo dhow ka samaysteen 23 xildhibaan
oo ku jira Baarlamaanka Sweden, waxaana ka mida xildhibaan Amir Adan iyo xildhibaanada Birgitta Ohlsson oo tiraba laba jeer tagtay Somaliland kadib markii Safiirada Somaliland ee Sweden Roda Jaamac u kaxaysay. Xisbiga KULMIYE wuxuu kala qaybqaatay ilaa 70 saacadood oo Guddidani ay shirar kula qaateen gudaha Barlamaanka dalkan xildhibaano Swedish ah muddadaa afarta bilood ah ee ay jireen si loo dardargeliyo in dawladda Sweden ina ictiraafto, maadaama uu nidaamka siyaasadda Sweden uu yahay “parliamentary system”.Waxa kaloo xusid mudan in hoggaanka Xisbiga WADDANI ee Sweden uu ka m cudurdaartay oo aannu ka qaybgelin shirarkaas, halka hoggaanka Xisbiga KUMIYE Sweden iyo UCID iyo jaaliyadda Somaliland ee Sweden ay mar walba garabtaagnayeen dadaalkaas ay wadeen Gudida iyo Safiirad Roda.Ugu dambayntii waxaan xusuusinaynaa Xisbiga WADDANI in guddoomiyohoodu uu ku yimi magaca Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland ee aanu ku iman magaca Waddani. Waxaanan leenahay kadaaya khilaafka qaddiyadda ictiraaf-raadinta Somaliland ee Sweden, xisbiga KULMIYE-na waxa ka go’an inuu ka shaqeeyo ictiraaf-raadinta, Midaynta iyo Horumarinta Jamhuriyada Somaliland,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Afhayeenku.

Afhayeenka KULMIYE ee Sweden, ahna Guddomiyaha Skane.
Hassan Ahmed Buluke (Hassan Jamuri)
hassan.buluke@gmail.com