“Wax-qabadka Dawladdu Waa Inaanu Dadweynaha u Abaabulay Inay Kaalin Ku Yeeshaan Horumarka”

0
424

“Wax-qabadka Dawladdu Waa Inaanu Dadweynaha u Abaabulay Inay Kaalin Ku Yeeshaan Horumarka”

Hargeysa(warsugannews)- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sheegay in xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ka go’an tahay sidii wax loola qaban lahaa bulshada dalka ku dhaqan isla markaana ay horumar u gaadhi lahaayeen.

Wasiirka Madaxtooyaddu waxa uu sidaas ka sheegay, hadal uu ka jeediyay shir lagu soo gabogabeeyay tuullada Qaloocan ee degmadda Dhoqoshay ee gobolka Togdheer oo bulshadda deegaankaasi kaga arrinsanayeen sidii iskaashi looga samayn lahaa horumarinta deegaankooda.
“Maaha tabashadda laga hadlay mid nalaga baryayo oo aanu ku laaluushayno maaha, waa mid xaq u leeyihiin oo xaqooda dastuuriga ah ee ay dawladda ku leeyihiin weeye ka mucaaridka ah iyo ka muxaafidka ahna way u siman yihiin laakiin waxa aan leeyahay ha loo dhigo sida saxda ah, aynu isku kaashano horumarku waxa uu muuqanayaa marka bulshadda iyo dawladdu iskaashadaan ee hadba wixii baahi ah ee deegaamadu qabaan siday u kala muhiimsan yihiin loo kala horaysiiyo ayuu hano qaadayaa,”ayuu yidhi Wasiir Xirsi

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Xukuumaddu waxqabadka ugu weyn ee ay qabatay ayaa kow ka ah inaanu dadka u abaabulno inay wax-qabsadaan ka dib dawladda ula yimaadaan wixii lala qabanayo, diyaar ayaanu u nahay in aanu wax idinla qabano.”

Xigasho Somaliland.org

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here